HomeUrurka UK.SLC oo Cambaareeyey Xasuuqii Ciidamada Kililka 5aad (Liyuu ONLF) ka geysteen...

Ururka UK.SLC oo Cambaareeyey Xasuuqii Ciidamada Kililka 5aad (Liyuu ONLF) ka geysteen Gaashaamo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankLondon, 23 March, 2012 (SLpost)- Ururka Somaliland Community in UK (UK.SLC) ayaa cambaareeyey xasuuqii Ciidamada Liyuu ONLF ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya u geysteen dadka ku nool deegaanka Gaashaamo ee gobolka Dhagax-buur, halkaas oo ay ku laayeen shacbi u badan Carruur iyo haween.

Warsaxaafadeed uu ay ku saxeexan yihiin guddiga fulinta ee ururka oo ku sugan magaalada London ayaa u dhignaa sidan:

“Waxaa  shir isugu yimid 21/03/12  Guddida Fulinta ee Ururka  Uk.Somaliland community,Shirka waxaa lagaga wada hadlay  “Xasuuqii Ciidamada Kililka 5aad(Itoobiya)  ay ka geysteen Gaashaamo 17/03/12 .

Ka dib baadhis dheer iyo dood ku saabsan falkii foosha xumaa ee Ciidamada loo yaqaan Lyuu Police ay ka geysteen  degaamada Gaashaamo,waxay  Guddida fulinta ee Ururka Uk.SLC isku raaceen qodobada soo socda:-

1.    Ururka UK.SLC wuxuu halkan TACSI tiiraanyo leh uga soo gudbinayaa  dadkii  Qoysaskoodii Qaraabadoodii sida foosha xun loogu Xasuuqay Deegaanka Gaashaamo,intii dhimatay ILLAHAY naxariistii jano ha siiyo ,inta dhaawaca ahna ILLAHAY caafimaad buuxa ah siiyo.

2.    Ururka Uk.SLC wuxuu ka dalbanayaa Dowlada Federalka Itoobiya in si dhaqso ah loo sii daayo dadkii Shicibka ahaa ee Ciidamada Kililka 5aad  ay sida sharci darada ah uga Afduubeen deegaanka Gaashaamo.

3.    Ururka Uk.SLC.wuxuu  u arkaa hadalkii ka soo yeedhay Wakiilka dalka Itoobiya u fadhiya Hargeysa-Somaliland, “mid meel ka dhac ku ah  guud ahaan shacabka reer Somaliland,gaar ahaan shacabkii si foosha xun loogu gumaaday Gaashaamo, mana hayn hadal ka soo baxay shaqsi masuul sheeganaya”.

4.    Ururka Uk. SLC,wuxuu usoo jeedinayaa Dowlada Federalka Itoobiya iyo Kililka 5aad,in sida ugu dhaqsaha badan sharciga loo horkeeno  “Saraakiishii iyo Askartii ka masuulka ahayd xasuuqii ka dhacay Gaashaamo 17/03/12.

5.    Ururka Uk.SLC-wuxuu ka codsanayaa dhamaanba Dowladaha,Urur Goboleedyada iyo Ururada caalamiga ah in si dhaqso ah baadhitaan loogu sameeyo Xasuuqii Ciidamada Kililka 5aad ay ka  geysteen degaanka Gaashamo 17/03/12, Shaqsiyaadkii  Xasuuqa ka masuulka ahaana si deg deg ah sharciga loo horkeeno.

6.     Ururka Uk.SLC wuxuu  qoraalo u kala dirayaa, warbixin buuxdana ka siinayaa   Dowladaha iyo Ururada kor ku xusan  Xasuuqii ka dhacay  Deegaamada Gaashaamo.

7.    Ugu dambayn wuxuu Ururka Uk.SLC  ka codsanayaa Dowlada Somaliland,Hayadaha Samafalka iyo guud ahaan Jaaliyadaha reer Somaliland ee dibadaha in CAAWIMO(Cunto iyo Daawo) lala soo gaadho dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii ku baro kacay Xasuuqii deegaanka  Gaashaamo ka dhacay  17/03/12.”

Allaa Mahad Leh

Guddiga Fulinta UK.SLC

contact: uk.slc@hotmail.co.uk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories