HomeUrurka Suxufiyiinta Somaliland Oo Maanta Daah-Furay Dib U Eegidda Xeerka Saxaafadda

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo Maanta Daah-Furay Dib U Eegidda Xeerka Saxaafadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kulan Balaadhan oo hor-dhac u ah dib u eegis lagu samaynayo iyo Qabyo-tirka xeerka Saxaafadda Somaliland ee XEER NO 27/2004 kaasi oo qabyo ah, ayaa maanta si rasmi ah looga furay magaalada Hargeysa.

Waxaana madashaasi ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta C.raxmaan C/laahi Faarax (Guri-barwaaqo), Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto),Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta Cali Maxamed Cali, garyaqaano,suxufiyiin iyo qaar ka mid ah daneeyayaasha saxaafada Somaliland.

IMG_9203Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha fulinta ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi kaasi oo ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray in la helo xeer dhamaystiran taasi oo ay wali socoto hayaanka loogu jiro sidii mar uun loo heli lahaa xeer laysla wada waafaqsan yahay oo lagu dhaqmo si ay meesha uga baxdo xadgudubyada lagula kaco amaba ay gaystaan saxaafada Somaliland.

Geestiisa waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto) oo ku dheeraaday in ay muhiim tahay helitaanka iyo hirgalinta Xeerka saxaafada Somaliland ee XEER 27/2004,waxaanu tilmaamay in ay mudo sadex sano ah soo wadeen in wax ka badal lagu sameeyo xeerkaasi oo ahaa mid aan dhaqan galin waxa kale oo uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Xukuumada cusub ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ay si buuxda uga shaqayso helitaanka Xeer lagu maamulo layskulana xisaabtamo.

IMG_9223Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta Cali Maxamed Cali(Cali-caliyow) oo isna madasha furitaanka dib u eegista xeerka saxaafada Somaliland ka hadlay ayaa si weyn u amaanay dhamaan cid kasta oo gacan ka gaysatay in la horumariyo si uu taabo gal u noqdo xeerka saxaafada Somaliland, waxaanu sheegay in ay muhiim u tahay in aan laga eegin dhinac gaar ah si loo xaqiijiyo mabaadiida guud ee saxaafada waa in aad looga wada xaajoodo ayuu tilmaamay Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta kaasi oo tilmaamay in ay meesha ka bixi doonto dadka saxaafada sida qaldan u fahmay oo uu tilmaamay in uu xeerkaasi dabar u noqon doono.

IMG_9188Gebo-gebadii waxa hlkaasi ka hadlay furayna dib u eegista xeerka saxaafada Somaliland Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta C.raxmaan C/laahi Faarax (Guri-barwaaqo), waxa uu tilmaamay in ay ka xukuumad ahaan si balaadhan u soo dhawaynayaan helitaanka xeer lagu dhaqo saxaafada waxaanu taabtay in ay qayb ka noqonayso in la helo isla-xisaabtan buuxa oo dhab ah waxa kale oo uu tilmaamay in xeerkaasi laga faaidi doono sidii saxafiyiinta loogu samayn lahaa tababaro buuxinaya shuruudaha saxafi nimo oo meesha ka saaraysa in aan saxaafadu noqon meel layska galo, geesta kale waxa uu xusay in uu iman doono isla-xisaabtan dhanka tafatirayaasha warbaahinta ah oo ay muhiim tahay in la fahmo masuuliyada wax labaahinayo oo qaybta u weyn ay ka qaataan tafatirayaashu, gebo-gebadii wax uu si rasmi ah u furay kulankaasi dib u eegista lagu samaynayo xeerka saxaafada Somaliland ee XEER27/2004.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories