HomeUrurka Suxufiyiinta Somaliland oo Doortay Guddoomiye-xigeen Cusub, Kana Munaaqishooday Xaaladda Saxaafada Iyo...

Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo Doortay Guddoomiye-xigeen Cusub, Kana Munaaqishooday Xaaladda Saxaafada Iyo Duruufaha ku Xeeran

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Guddoonka iyo gudiga fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), ayaa fadhi ay yeesheen, waxay si qoto-dheer ugu lafo-gureen waxyaabaha mudadii xilka ay hayeen Ururka u qabsoomay iyo arimaha aan waxba ka suurto-gelin, sidoo kale, waxay isla fadhigaa u doorteen inuu buuxiyo Jagadda Guddoomiye-ku-xigeenka Ururka Md. Maxamed Cabdi Guuleed “Curad”, taasoo in muddo ahba bannaanayd kadib marka Guddoomiye-ku-xigeenkii jagadda hayey Md. Saleebaan-guray is casiley.

Fadhiga hoggaanka iyo xubnaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo uu Guddoominayey Md. Xasan Maxamed Yuusuf, waxa goob-joog ku ahaa Toban xubnood oo ka tirsan guddiga fulinya, waxa kaloo dood iyo xog-warsi dhinacyo badan leh laga yeeshay xaalada guud ee Ururka SOLJA iyo gebi-ahaanba duruufada kala gedisan ee waqtigan ku geddaaman Saxaafadda iyo Suuxufiyiinta Somaliland. Intii falaqaynta arimaaha lagu gudo-jirayna, waxa aad looga hadlay mushkilado ay kamid yihiin xeerka Sirdoonka Qaranka ee dhowaan Golayaasha xeer-dejintu ansixiyeen Madaxweynuhuna saxeexay, kaasoo dhaqan-gelintiisa kadib markii Suxufiyiinta ka qayliyeen Ururka uga hawlgalay si xeegana-xeego u noqoto ilkona u nabadgeli lahaayeen labada dhinacba.

Hoggaanka Ururka [Guddoomiyaha iyo Xoghayaha guud], waxa xubnha guddiga fulinta warbixino kooban ka siiyeen hawlihii ay qabteen mudadii xilka ay hayeen, kuwaasoo ay kamid ahayd bixinta deyno badan oo Ururka lagu lahaa, iyo sidoo kalena, waxay xuseen jiritaanka qorsheyaal badan oo hirgelintooda ay ka gaabiyeen, walow arimaha qaarkood ka baaqashadoodu ahayd cilad sababteeda aanay iyagu waxba ku lahayn. Sidoo kale, waxa intii fadhiga lagu jiray la-is-hogo-tusaaleyay jiritaanka gefaf mararka qaarkood dhinaca Saxaafadda ka jira.

Ugu dambayntii waxa hoggaanka iyo xubnaha Ururku sidii loo buuxin lahaa jaggada Guddoomiye-ku-xigeenka, oo iyadu in muddo ahba bannaanayd kadib markii uu jagadda uu iska casilay masuulkii hayey, una safray dhinaca dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxaana kadib wax-is-tusaalayn badan dhammaan xubnihii madasha fadhiyey isla qaateen inuu jagada buuxiyo Md. Maxamed Cabdi guuleed “Curad”, waxaana xubnuhu markii dambe yeesheen fadhi qado-sharafeed ah.

solja solja2Waxa xubnihii fadhigaa kasoo qaybgaly kala ahaayeen:

Md. Xasan Maxamed Yuusuf                                     Guddoomiye

Md. Maxamed Cabdi Curad                                        Guddoomiye-ku-xigeen

Md. Maxamed-rashiid Muxumed faarax              Xoghaye Guud

Md. Keysa Axmed Digaale                                         Xubin

Md. Barkhad maxamuud  Kaariye                         Xubin

Marwo. Sahra Cabdi Wahaab                                   Xubin

Marwo Nimco Samriye                                              Xubin

Md. Cali Jaamac Maxamed Dheere                      Xubin

Md. Maxamed Siciid Xarago                                  Xubin

Md. Cali Ismaaciil Aare                                          Xubin

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories