HomeUrurka Suxufiyiinta Madaxabanaan Ee SSJW Oo Si Kulul U Cambaareeyay Xadhiga Masuuliyiinta...

Ururka Suxufiyiinta Madaxabanaan Ee SSJW Oo Si Kulul U Cambaareeyay Xadhiga Masuuliyiinta Haatuf, Kuna Tilmaamay Kali-Talisnimo Iyo Shirqool

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

haatufHargeysa (SLpost)- Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee Somaliland SSJW ayaa cambaarayn kukul u jeediyay talaabada ay xukuumada Siilaanyo xabsiga ugu taxaabay maanta gudoomiyaha wargeyska Haatuf mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha wargeyska Axmed Cali Cige, taas oo ay ku tilmaameen mid sharci daro ah oo ka soo horjeeda distoorka qaranka iyo xeerka saxaafada ee dhaqan galka ah Xeer Lr. 27/2004 oo damaanad qaaday madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyatul qawlka.

Ururka SSJW waxa kale oo xadhiga masuuliyiinta Haatuf uu ku tilmaamay mid gebi ahaanba meesha ka saaray madaxbanaanidii xoriyaul qawlkii Somaliland, isla markaana dhabaha saaray dariiqii kalitalisnimada ee rajiimkii Siyaad Barre.

Ururka SSJW waxa uu uga digay xukuumada Siilaanyo cabudhinta iyo xadhiga sharci darada ah ee ay ku hayso warbaahinta madaxbanaan iyo suxufiyiinta ka hawlgala, waxaanu ugu baaqay madaxweyne Siilaanyo inaanu dalka u horseedin dhabihii iyo habdhaqanadii rajiimkii Siyaad Barre dalka lagaga xoreeyay ee aakhirkii sahayday burburkii Somalia.

Waxaanay ku baaqeen in si bilaa shuruud ah xoriyadooda loogu soo celi madaxda Haatuf ee xabsiga loo taxaabay, isla markaana si degdega xayiraada looga qaado wargeysyada Haatuf iyo Hubaal ee xarumahooda la xayiray.

Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee SSJW waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray afhayeenka ururkaasi Maxamed Sagax, waxaanu u qornaa sidan:-

“Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxbanaan ee SSJW waxa uu si kulul u cambaaraynayaa xadhiga maanta xabsiga loogu taxaabay gudoomiyaha wargeyka Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftiraha wargeyskaasi Axmed cali Cige oo horena xayiyaad loo saaray xarumihii warbaahinta Haatuf iyo Somalilan Times, taas oo ururka SSJW uu u arko mid sharci daradii hore ee lagu xayiray Haatuf iyo Somaliland times lagu sii daray sharci darada maanta xabsiga loogu taxaabay masuuliyinta Haatuf,waxa uu u arkaa SSJW xadhigan iyo xayiraada mid baalmarsan distoorka qaranka iyo xeerka saxaafada xeer lr 27/2004 ee dhaqangalka ah, isla markaana meesha ka saaraya xoriyatul qawlkii iyo madaxbanaanidii saxaafada ee distoorku damaanad qaaday madaxbanaanidooda.

Sidaa darteed waxa uu ururka SSJW uga digayaa madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa inaanay dalka u horseedin cabudhintii iyo talaabooyinkii sahayday rajiimkii Siyaad Barre ee aakhirkii ku khaatumo xumaystay cabudhintii, jidhdilkii iyo xadhigyadii sharci darada ahaa ee uu kula kici jiray shacbiga.

Sidoo kale ururka SSJW u arkaa talaabadii maxkamada gobolka Hargeysa ugu yeedhay masuuliyiinta Haatuf mid ujeedada Ka dambaysaa ahayd mid shirqool ah oo loogu maleegayay xadhigan lagu fuliyay maanta

Ururka SSJW waxa uu ugu baaqayaa madaxweyne Siilaanyo iyo maamulkiisa inay si bilaa shuruud ah xayiraada uga qaadaan wargeysyada Haatuf iyo Hubaal, isla markaana xariyadooda si dhakhso ah ugu soo celiyaan masuuliyiinta Haatuf ee xabsiga loo taxaabay.

Ururka SSJW waxa uu kula talinayaa isla markaana uga digayaa madaxweyne Siilaanyo inuu raaco dariiqooyinkii Siyaad Barre ku burburiyay dalkii Somalia la odhan jiray inuu u horseedo Somaliland oo xornimadeeda halgan dheer oo dhiigg badan loo daadiyay lagu keenay.

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories