HomeUrurka Suxufiyiinta ee SOLJA oo ku Baaqay Mudaharaad Ka dhan ah Xukuumadda...

Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA oo ku Baaqay Mudaharaad Ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Xoghayaha SOLJA
Xoghayaha SOLJA

Gabiley (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ugu baaqay Suxufiyiinta ka hawl-gala Hay’adaha Warbaahinta kala duwan ee madaxa-bannaan inay isugu soo baxaan Mudaharaad ka dhan Xukuumadda oo lagaga soo horjeedo Xadhigga Masuuliyiinta Wargeyska Madaxa-bannaan ee Haatuf.

Xoghayaha Guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamed rashiid Muxumed Faarax oo maanta warbaahinta la hadlayey, ayaa madaxweynaha   Somaliland ugu baaqay in uu si dhakhso ah xoriyadoodii ugu soo celiyo labadaasi weriye ee xidhan, isaga oo tilmaamay in xadhiga suxufiyiintaasi iyo sidoo kale xarumaha laga xidhay in uu ku calaamadsan yahay madaxweynaha, isla markaana aanay iyagu suxufiyiin ahaan cid kale u daba fadhiisanaynin arrintaasi.

Maxamed rashiid Muxumed Faarax oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Gabiley ka dib markii ay isaga iyo xubno kale oo weriyeyaal ahi xabsiga magaaladda Gabiley ku booqdeen Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige, waxa uu madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay in arrinta labadaasi suxufi loo marayo, laguna dabaqo xeerka saxaafadda Somaliland ee xeer NO.Lr 27/2004.

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Aniga oo ah xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, aniga oo in badan muddo ah fasax ku maqnaa, waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrinta lagula kacay Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah guddoomiyaha wargeyska HAATUF iyo Axmed Cali Cigge, oo ah tifaftiraha wargeyskaasi,   marka hore waxaan halkan ka canbaaraynayaa xadhiga khaladka ah ee rumaanka loogu soo diray Yuusuf Cabdi Gaboobe, haddiiba la yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe wuu caytamay ama wuu hadlay, sababta Axmed Cali Cigge oo ah tifaftiraha wargeyska isna loo raaciyay,   anigu waxaan u qabaa qorshe la sii sameeyay, oo loogu tallo galay in labadoodaba lagu xidho”.

Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaan leeyahay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, madaxweyne dimuqraadiyadda iyo Dastuurku waa ka aad ku tahay madaxweynaha, xoriyadoodii u soo celi labadan weriye ee xidhan, labadan meheradood ee xidhana faraha ka qaad, waayo waxani adiga ayay ku raacayaan adiga ayaana ku calaamadsan, walaa guddoomiye maxkamadeed ayaanaan anagu haysan, walaa wasiir ayaanaan haysan, walaa qof kale oo awood badan leh ayaanaan haysan, dalkan adiga ayaa laguu doortay, dimuqraadiyadda haddii aad ilaalin waydo, Dastuurku waa ka aad madaxweynaha ku tahay, oo cad ayaad ku fadhiisatay Far lagu codeeyay, markaa xeerkii Saxaafadda ee 27/2004 haddii aad ku dabaqi waydo” ayuu yidhi Md. Maxamed rashiid Muxumed Faarax.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay Xoghayaha guud SOLJA, xeer saxaafadeed cusub oo uu sheegay in ay wadaan xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda, waxaanu sheegay in xeerkaasi uu yahay mid aanay saxaafad ahaan waxba ka khusaynin, isla markaana aan lagu dhaqi Karin ama lagu maamuli Karin. Waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa in aan ka hadlo qoladda tidhi xeer ayaanu Saxaafadda u samaynaynaa ee uu xildhibaan Xasan Cawaale ka midka yahay, Xasan Cawaale muu ogayn Afar cisho ka hor ama Shan cisho ka hor in uu xeer jiro iyo in kaleba, hadana xeer ayaan samaynayaa ayuu leeyahay, annaga (Saxaafadda) xeer nooma samayn karo, cida uu ku dhaqayaana isaga ayay u taalaa,” ayuu yidhi Xoghaye Maxamed-Rashiid.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories