HomeUrurka SSJW Oo Garsoorka Ugu Baaqay Inay Dabaqaan Xeerka Saxaafadda, Laanta Dambi-baadhistuna...

Ururka SSJW Oo Garsoorka Ugu Baaqay Inay Dabaqaan Xeerka Saxaafadda, Laanta Dambi-baadhistuna faraha kala baxdo Arimaha Dacwad-Oogista ee Warbaahinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Iyo Qoreyaasha Madaxa Banaan Ee Somaliland,Somaliland Society for Independent Journalists and Writers( SSJW ), aya Gudida Cadaaladda iyo hayadaha Garsoorka ee Somaliland ugu baaqay inay suurtogaliyaan sidii ay maxkamadaha dalku u dabiqi lahaayeen xeerka Saxaafadda Somaliland (xeer lr 27/2004) isla markaana ay u joojin lahaayeen inay dacwadaha ka dhanka ah warbaahinta u adeegsadaan xeerka habka ciqaabta ee Somalia.

Bayaan uu ururka SSJW galabta Hargeysa ka soo saaray aya waxa uu ku dalbaday in Laanta Dambi-baadhista ee loo yaqaano CID -du ay faraha kala baxdo arimaha dacwad oogista ka dhanka ah saxaafadda madaxa banaan. Bayaanka SSJW oo dhameystiran isla markaana uu ku saxeexan yahay Afhayeennka Ururka Maxamed Ibraahim Sagax ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

”Madaxda wargeyska Ogaal ayaa xalay waxa looga keenay Laanta Dambi-baadhista ee CID-da warqad yeedhmo ah oo uu ku saxeexanyahay Garsoore Axmed Cali Dalmar kaasoo ahaa garsoorihii 7/4/2015 saxeexay waarankii albaabada loogu laabay xarunta wargeyska Haatuf iyadoon maxkamad la hor keenin.Masuuliinta Ogaal waxay CID-du iyadoon xaq u laheyn wax ka weydiisay warar ku saabsanaa arintii Haamaha Kaydinta Shidaalka Berbera iyo Kartoonka Caraale Wadani oo wargeysku daabacay.

Hadaba hadii aanu nahay ururka SSJW anagoo soo dhaweynayna go’aamadii ay Gudida Cadaaladdu todobaadkan soo saartay ee ay shaqada kaga caydhisay qaar ka mid ah garsooreyaashii mudada dheer ku suntana cadaalad-xumada iyo musuq-maasuqa aya waxa isu-kaayo dabooli la’ talaabadaasi oo ah mid aanu rajayneynay inay horseed u noqon doonto soo-celinta iyo taabo-galinta garsoor cadaalad ku dhisan iyo hadana garsooreyaashan wali ka warwareegaya inay dacwadaha Saxaafaddu ku eedaysantahay ku dabaqaan Xeerka Saxaafadda Somaliland ee labada aqal-baarlamaan ansixiyeen madaxweynuhana saxeexay ,garsooreyaashaasi oo ilaa hadda warbaahinta u adeegsanaya Xeerka Ciqaabta ee Somalia iyadoo ay Somaliland arimahaasi ka leedahay xeerka dhaqangalka ah ee aanu soo sheegnay.

Waxaanu Gudida Cadaaladda iyo masuuliinta waaxda Garsoorka si xishmad leh u xusuusinaynaa in Xeerka Saxaafadda Somaliland uu waajibinayo in dacwadaha khuseeya saxaafadda lagu qaado Xeerka Madaniga ah (civil law) oo aanay jirin sabab loola tiigsado xeerka ciqaabta(criminal law) ee ay qaar ka mid ah garsooreyaasha iyo Taliska Laanta CID-du caadeysteen inay u adeegsadaan warbaahinta madaxabanaan taasoo ah distoor-jabin caddaan ah.

Sidaas darteed ururka SSJW waxa uu markale ku celinayaa in cidkasta oo saxaafadda ka cabanaysa ama xad-gudub ka tirsanaysa ay xaq u leedahay inay ka soo dacwooto.Laakiin sida uu sharcigu dhigayo dacwadaha lagu soo oogayo saxaafadda waa in laga furtaa maxkamadaha si ay uga gar naqaan balse waxa shrciyan xaaraan ah in kiisaska caynkaas ah laga soo bilaabo Laanta CID-da oo iyadu qaabilsan baadhitaanka dambiyada culculus ee ciqaabta ah (criminal) sida Dilalka,Kufsiga,Dhaca iwl balse aanay wax shaqo ah ku laheyn baadhitaanka falalka madaniga ah (civil) sida kuwa saxaafadda lagu soo eedeeyo.

Waxaanu leenahay dawlad iyo garsoorba fadeexad ha ugu filaato xaruntii wargeyskii Haatuf ee albaabado loo xidhay iyadoon maxkamadi xukumin taasoo uu taliyaha CID-da Daahir Abraar madaxtooyada dhexdeeda isagoo jooga kula taliyey qoyska madaxweynaha in sharci daradaasi la yeelo iyadoo marki ay taasay dhacday dabadeed hadana Haatuf lagu soo oogay dacwad ay dhibaneyaal ka ahaayeen xildhibaan Cali Mareexaan,wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo wiilka uu madaxweyne Siilaanyo sodogga u yahay ee Baashe Cawil kuwaasoo halkii ay sida Haatuf qareeno ka soo qabsan lahaayeen ay Xeer-ilaanti dawladda iyo laantii dambi baadhistu isu kaashadeen u-doodistooda tii oo uu waliba garsoorihii dacwadda qaadayey,guddoomiyihii maxkamadda Gobolka Hargeysa iyo guddoomiyihii maxkamadda Rafcaanka ay intuba la safnaayeen.

Hadaba waxaanu bahda garsoorka iyo gudida cadaaladda labadoodaba ugu baaqaynaa inay sidii ay maxkamadaha dalku u dabiqi lahaayeen Xeerka Saxaafadda Somaliland isla markaana u waafajin lahaayeen xeerka habka madaniga ah ay falowgeed qabtaan.Waxa kale oo aanu laanta dambi-baadhista ka dalbanayna inay faraha kala baxdo arimaha dacwad-oogista khuseeya saxaafadda.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories