HomeUrurka SORADI oo Hargeysa ku Qabtay Kulan-weyne lagu faaqiday Hannaanka Wada-hadallada Somaliland...

Ururka SORADI oo Hargeysa ku Qabtay Kulan-weyne lagu faaqiday Hannaanka Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLPost)- Shirweynihii 3aad ee Machadka SORADI oo lagaga hadlayay Qadiyada Gooni isu taaga Somaliland iyo Wada hadaladii dhexmaray Somaliland iyo Somalia ayaa maanta ka furmay huteelka Ambassador ee caasimada hargaysa.

Shirkan oo socon doona mudo laba cisho ah waxaa furitaankiisii ka qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka iyo Kalluumaysiga, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka, Aqoon yahano iyo Marti sharaf kale.

blankProf Maxamed Cismaan Fadal oo ah Gudoomiyaha Ururka Soraadi ayaa tilmaamay in ujeedada ay kulan hawleedkan u soo qaban qaabiyeen ay salka ku hayso sidii ay fikir midaysan oo dhaxal gal ah loogu eegi lahaa waxyaabaha Maslaxada u ah qarankan.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo hadal kooban ka jeediyay madashaasi ayaa u mahadnaqay Machadka Soradi ee soo qaban qaabiyay shirkan waxaanu intaas ku daray in qadiyada gooni isu taaga Somaliland ay tahay Masiir iyo aayo ka tashi Umadeed,oo aan gorgortan geli Karin .

Wasiirku waxaa kale oo uu ka warbixiyay horumarka dhinacyada kala duwan ee ay Somaliland ku talaabsatay mudadii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Madax banaanideeda .

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Somaliland Mudane C.laahi Jaamac Cismaan Geel Jire ayaa faah faahiyay ujeedada ka danbaysay Wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somalia, taas oo uu caalamkuna dabada ka riixayay,Wasiirka Kalluumaysigu waxa uu tilmaamay in Xukuumada uu ka tirsan yahay iyadoo maanka ku haysa ka dhabayta himilada iyo higsiga ummada Somaliland ay fursad wanaagsan u aragtay inay ka qayb gasho wada hadal dhex mara  labada wadan si wixii ka dhexeeya loo kala gurto,wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay in talo midaysan lagu wajahay wadda hadaladaas kadib sida uu sheegay markii ay isla qaateen dhamaanba Golayaasha Qaranka ,Xisbiyada Siyaasada, iyo Madaxda Dhaqanka .

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh.Cali Ayaanle oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa isagu fikir ahaan qaadacay Wada hadal ay Somaliland la gasho Somalia isagoo ku tilmaamay talaabo lagu deg degay.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories