HomeUrurka Somaliland Society In UK (SSUK) Oo Guddi Cusub Doortey

Ururka Somaliland Society In UK (SSUK) Oo Guddi Cusub Doortey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Ururka Somaliland Society UK oo ka dhisan dalka Britain isla markaana ka shaqeeya Danaha Somaliland iyo xidhiidhka labada dal ayaa 27 April doortay guddi cusub oo ururkaasi ka koobnaan doono.

Warsaxaafadeed ay gudigu ka soo saareen magaalada London ayaa lagu sheegay tirada iyo noocyada Guddiga ururkani ka kooban yahay ee la doortay, waxaanu war-saxaafadeedkaas oo dhammeystiran u dhignaa sidan:

“Xubnaha ururka SSUK oo shir gaar ah ku qabsadey galbeen London habeenkii Jimce (27/04/2012). Shirkan oo lagu laffo gurey arimo xasaasi ah oo ay ka mid ahayeen ansixinta iyo dhamaystirka wax kasta oo ka qabyo ah ururka si  yoolka ururka iyo hamiga gudida suurto gasho.     Hadaba hadii aan xog yar oo kooban idinka ka siiyo shirkasi siddii uu u dhacay iyo waxii ka soo baxayba.  shirku waxa uu u dhacay si habsami ah, waxaana laysku raacay ama laysla qaatey go’aamo fara badan oo ay ka mid yihiin:

blank1.  Ansixinta distoorka ururka oo diyaarintiis iyo kawada xaajoodkiisuba muddo qaatey oo la ansixiyay.

2.  Ansixinta loga-da ururka oo la ansixiyay- logo-dan oo ka kooban calankii S/Land iyo SSUK ku qoran calanka korkiisa.

3.  Ansixinta  form-ka xubin nimada ururka iyo lacagta fiiga golaha oo la ansixiyey kuna cad distoorka ururka.

4.  Waxaa mudan oo iyana goobtaa lagu ansixiyey  Gudi rasmi oo dhamaan howlaha ururka tunka uridata waayo Gudidii hore ee ururka oo ahaa gudi ku meel gaadh ah oo la soo af jaray. Gudidan hadda la doortay oo si rasmi ah u wadi doonta howlaha ururka waxaana  loo dhigay sidan:

  • Gudoomiyaha cusub ee ururka ( Abdalla Salim)
  • Gudoomiye ku xigeynka ururka ( Mahamed Jama Ismail- Shiine)
  • Odeyga dhaqanka iyo anshaxa ururka ( Ugaas Harun Abdirahmaan)
  • Xoghayaha ururka ( raaqiya Abdi)
  • PRO ururka-Afhayeenka   ( Elhaan xuseen)
  • Dhaqaalaha ( Hodan Hussein)
  • Memebers/xubno kale

Waxaan hadaba mahada Ebbe ee inoo suurto galiyey howlaha ka dib, u mahad calinayaa dhamaan Gudidii hore ee xilalka sidda ku meel gaadhka ah ugu haysay ururka, aad iyo aadna ugu hagar baxay siddii ay dalkooda iyo dadkoodaba wax u tari lahaayeen, iyagga oo tabaruc ku shaqaynaaya, waqtigooda iyo maalkoodana u hurey ururka. Waxaa leeyahay waad mahadsantihiin waanad gudateen xikiinii iyo waa ladin aamanaye cidi idinkuma soo orin.

Waxaa iyana qadarin muddan sidii sharafta lahayd ee ay dhamaan xubnihii xilalka hayey uga degeen uguna wareejiyeen xubnihii walaalohood  ee loo doortey ama loo igmadey inay si rasmi ah ururka hogaankiisa qabtaan halkaana kasii wadaan. Waxaa ka mid ahaa xubnaha sharafta  leh ee wareejiyey xilalkay hayeen Abdiraxman Allel oo ahaa Gudoomiyihii hore ee ku  meelgaadhka ahaa, Said Sheekeye oo isna ahaa Gudoomiyihii ku xigeenkii hore ee ku meelgaadhka ahaa iyo xubno kale oo badan.

Nin xil qaadey eed qaad waxaa si xushmadi ku jirto iyana u gudoomay oo lagu wareejiyey gudoomiyanimadii ururka Abdalla Salim oo ah markiisii horeyba xubin aad iyo aad u firfircoonayd oo laysku raacey inuu hogaanka qabto isaga iyo Gudoomiye ku xigeenka cusub Mohamed Jama Ismail-Shiine.

Gudoomiyaha cusub Abdallah Salim iyo dhamaan gudida SSUK waxaan leeyahey hambalyo waxaanan idiin rajeyneynaa in hawsha Ilaahay idiin fududeeyo insha Allah.”

Gacmo wada jirbay wax ku gooyaan.

Alla mahad leh.

Guul iyo Gobanimo.

Gudida SSUK

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories