HomeUrurka SOLJA Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Xeerka Saxaafadda Burburiso

Ururka SOLJA Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Xeerka Saxaafadda Burburiso

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SL.Post) Ururka saxaafadda ee SOLJA ayaa ka jawaabay hadalo hanjabaad iyo digniin isugu jira oo ay wasiiro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo warbaahinta madaxbanaan u direen.

dsc07475

 

Warsaxafadeedka ayaa wuxuu u dhignaa sidan “ Ururka suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa kulankiisii shanaad ee hogaanka yeeshay 28-29 bishii Augost waxaanu kaga dooday xaaladda dhabta ah ee ay ku sugn tahay saxaafadda iyo suxufiyiinta Somaliland, kuwaas oo Qaranka Somaliland ugu shaqeeya si mutadawac-nimo ah, iyadoo duruufta ay ku shaqeeyaan tahay mid u baahan in si wadajir ah looga shaqeeya, isla markaana la gaadhsiiyo heer ay ku hogaamin karaan bulshada ay u adeegaan.

 

Kulankan oo sanadkiiba sadex jeer la qabto waxa ka soo baxay talooyin iyo qorshayaal wax ka qaban kara horumarkooda, kuwaas oo ay kala tashadeen aqoonyahano ka kala yimi daafaha dunida, waxaana ka mid ah:-

 

  1. In Suxufiyiinta Somaliland la diiwaangaliyo isla markaana ururku siiyo kaadh Aqnoonsi, isagoo ururki diyaariyey qalabkii iyo siyaasaddii lagu hagi lahaa.

 

  1. In sanadkan la suurtogaliyo waxbarasho sanadle ah(Diploma) oo kor u qaada tayada suxufiyiinta.

 

  1. In ururku qabto shir ay isugu yimaadaan dhamaan suxufiyiinta Somaliland oo dhan (Somaliland Media Summit), kaasoo ujeedadiisu tahay in laga soo saaro qorshayaal lagu horumariyo suxufiyiinta.

 

  1. Ururka waxa uu sameeyey guddiyo ka tirsan saxaafadda iyo daneeyayaashaooda kuwaas oo keenay qaab wax looga qabto qabyada ku jirta shuruucda Saxaafadda Somaliland, iyagoo dibu-eegis ku sameeyey xeerka saxaafadda isla markaana soo saaray qorshe loogu doodo, halka ay kuwa dhimanaya imika gacanta ku hayaan.

 

Kulankan waxyaabaha la iskula qaatay waxa ka mid ahaa in la kobciyo wada shaqaynta dhamaan waxyaaha kala duwan ee ay gasho Danta Suxufiyiinta, iyadoo la joogtayn doono kulamada iyo dabagalka qorshayaashii uu ururku hore u dhigay sida:-

 

  • In Guddoomiyaha Maxkamadd sare ee dastuuriga ah laga codsado in uu gudagalo Dacwadii ururku ku doonayey in lagu fasiro qoddobka 10aad ee xeerka saxaafadda, kaasoo jidaynaya in Dacwadaha ka dhanka ah suxufiyiinta loo maro nidaanka Madaniga ah, kaasoo aanay Garsoorka iyo Xukuumaddu wali dhaqan-galin.

 

  • In xukuumadda mar kale laga dalbado sidii ay sanadkan u suurtogalin lahayn xaruntii Tababarada Suxufiyiinta Somaliland, kaasoo ay balanqaaday sanadkan 2016-ka.

 

  • In kulan deg deg ah ay yeeshaan Saxaafadda iyo hay’addaha xukuumadda ee ay khusayso arrinta saxaafadda si la mid ah kii sanadkii hore isla markaana wax la iska weydiiyo waxa ka fulay balamihii ay labada dhinac qaadeen.

 

  • In la xoojiyo difaacida iyo u doodista suxufiyiinta iyo xorriyatul-qawlka isla markaana la dar dar galiyo sidii hoos loogu dhigi lahaa cabashooyinka dhinac kasta ka jirta.

 

Talo-soo jeedin:-

 

  1. Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu kula talinayaa dhaamaan masuuliyiinta Dawladda, inay dabaqaan qoddobada Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda ee ku waajibinaya inay taageeraan oo ay Taban-taabinta suxufiyiinta Somaliland.

 

  1. SOLJA waxay kula talinaysaa hay’addaha la soo mariyo dhaqaalaha lagu horumarinayo saxaafadda Somaliland si kor loogu qaado wacyigalinta Dadweynaha inay joojiyaan in la mariyo meel aan ku haboonayn, taasoo soo noq noqotay isla markaana meesha ka saartay inay kala xidhiidh furtaan bulshada iyo adeegyada loo qabanayaa.

 

  1. Ururka SOLJA waxa uu ku talinayaa hay’addaha xuquuqal Insaanka inay  suxufiyiinta ku taageeraan xirfadooda isla markaana wada shaqayn dhaw ka yeeshaan dacwadaha ka dhanka ah suxufiyiinta.

 

Baaq

 

  1. Ururka waxa uu uga digayaa masuuliyiinta xukuumadda ee maalmahan fagaarayaasha ka dhaleecaynayey suxufiyiinta inay ka waantoobaan isla markaana haddii ay cabasho qabaan u maraan dariiq kasta oo Nadiif ah oo wax ka tari kara tabashadooda.

 

2-Waxaan uga digaynaa xukuumada inaanay Xeerka iyo nidaamka Saxaafada Dalka Burburin una arkin Cadow Balse Wixii ay tabanayso  lagu  Saxo habka uu jideeyay Dastuurka Dalka  Iyo Xeerarka Saxaafadu islamarkaana Dulqaad u yeelato Warbaahinta.

 

  1. Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda talada haysa, inay qayb ku lahaadaan mashariicda lagu horumarinayo dalka gaar ahaan sanduuqa SDF, kuwaasoo ay wasaaradda qorshayntu sabab aan la garanayn u hakisay Tababaro qorshaysnaa in la fuliyo.

 

  1. Ururka waxa uu ugu baaqayaa Maxkamadda gobolka inay soo saarto go’aamadda Dacwadihii dhamaystay dhigaysigooda.

 

  1. Ururka waxa uu ugu baaqayaa wasiirka warfaafinta in uu soo celiyo wada shaqayntii bahda saxaafadda isla markaana uu taageersado si aanay u wiiqmin hadafka labada dhinac.

 

5.Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay joojiso xadhiga dadka loo xidho aragtidooda sida qorayaasha iyo dadka af-ku maalka ah ee aan wax u dhimayn qadiyadda somaliland,Kuwa Hada u xidhana Xoriyadooda loo soo celiyo.

 

  1. Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay wax ka qabato wariyayaaasha lagu xidho dalal kale sida laba wariye oo toddobaadkan lagu xidhay Dalka Sucuudiga kuwaas oo ka hawl-gala Telefishanka Qaranka.

 

7.Ururka SOLJA waxa uu suxufiyiinta Somaliland ugu baaqayaa inay joojiyaan ama ka dheeraadaan wax kasta oo wax u dhimaya Anshaxa iyo Kalsoonida Saxaafadda.

 

  1. Ururku waxa uu ugu baaqayaa Suxufiyiinta inay isku abaabulaan qorshe kasta oo ay dhaqaale ku abuuran karaan si ay meesha uga baxdo ku tiirsanaanta Siyaasiyiinta iyo cid kasta oo wax u dhimi karta Sumcadda Suxufiyiinta.

 

  1. Ururka waxa uu ugu baaqayaa suxufiyiinta inay u midoobaan dantooda isla markaana ka baxaan kala qo-qobka daciifinaya awoodooda.

 

  1. Ururka SOLJA waxa uu hay’adaha warbaahinta iyo dadweynaha adeegsada baraha bulshada ugu baaqayaa inay ixtiraamaan shuruudaha u degsan Mihnadda Saxaafadda.

 

 

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories