HomeUrurka SOLJA oo Walaac Xooggan ka Muujiyey Saamaynta Xeerka Sirdoonka Qaranku ku...

Ururka SOLJA oo Walaac Xooggan ka Muujiyey Saamaynta Xeerka Sirdoonka Qaranku ku yeelan karo Madax-bannaanida Warbaahinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa walaac xooggan ka muujiyey xeerka Sirdoonka oo labada Aqal ee Baarlamanka Somaliland dhawaan Ansixiyeen.

Warsaxaafadeed uu xalay magaalada Hargeysa ka soo saaray Guddoomiyaha ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa lagu sheegay ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ka wer-wersan yahay in xeerkaasi saamayn taban ku yeesho xoriyadda Madax-bannaanida saxaafadda Somaliland.

blank
Guddoomiyaha Solja

Waxa warsaxaafadeedka lagu xusay in Waraahinta Madaxa bannaan ee Somaliland ugu baaqayso Madaxweyne Siilaanyo inuu dib u eego isla markaana wax-ka beddel ku sameeyo Qodobka 7aad Baaragaraafkiisa 11aad, “Warbaahinta madaxda bannaan ee Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu wax ka beddel ku sameeyo Qodobka 7aad, Baaragaraafkiisa 11aad, kaas oo sheegaya in Sirdoonka Qaranku Xaq u leeyahay inuu Kaantarooli karo Agabka Warbaahinta,” ayaa lagu sheegay Warsaxaafadeedka Ururka SOLJA.

Ururka SOLJA waxa uu ka digay cawaaqib-xumada uu xambaarsan yahay qodobkaas oo Warbaahinta madaxa-bannaan u dabraya hay’adda Sirdoonka Qaranka, “Dabcan, tani waxa ay fursad u siinaysaa Sirdoonka Qaranka inuu kaantaroolo Warbaahinta Madaxa Bannaan, kaas oo lid ku ah distoorka dalka iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland, iyada oo madaxweynuhu uu ballan-qaaday inuu Wax ka qabanayo wakhtigii uu ku jiray Ololihii doorashada madaxtooyada ee 2010, walina lama dabbaqin,” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Ururka Suxufiyiinta Somailland waxa uu madaxweynaha Somaliland uga digay inuu saxeexo dhaqan-galka xeerkan lagu dabrayo madax-bannaanida Warbaahinta Somaliland, waxaana sidoo kale lagu xusay inaan Xoriyatul-qawlka Somaliland la bar-bardhigi karin dalalka dariska ah. “Haddii Madaxweynaha Somaliland Saxeexo xeerkan ogolaanaya Kaantaroolka Warbaahinta, waxa lagu xusuusan doonaa inuu labaatan sanno oo madax-bannaani la haystay ka dib uu isagu xabaalay xorriyatul-qawlkii Somaliland,” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.

“Qoriyatul-qawlka Somaliland lama barbar-dhigi karo dalalka deriska ah, maxaa yeelay in kabadan 100,000 oo muwaadiniin ah ayaa noloshooda ku waayey inay helaan Xorriyal-tul Qawl iyo Inay Ra’yigooda Cabbiraan ama go’aan-qaadasho sameeyaan,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Ugu dambayntii, waxa warsaxaafadeedkan baaq loogu jeediyey dalalka Somaliland la saaxiibka, ururrada Xuquuqal-insaanka ee Caalamka iyo ururrada Dusha ka ilaaliya Madax-bannaanida Saxaafadda, inay ku boorriyaan madaxweynaha Somaliland inuu wax ka beddel ku sameeyo xeerkan Kootada ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories