HomeUrurka SOLJA oo si adag u cambaareeyey Xadhigga lagula Kacay Tifaftiraha Wargeyska...

Ururka SOLJA oo si adag u cambaareeyey Xadhigga lagula Kacay Tifaftiraha Wargeyska Waaheen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa si adag u cambaareeyey Tifaftiraha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo shalay Ciidamada Ammaanku xabsiga u taxaabeen, iyada oo lagu eedaynayo war uu Wargeyskaasi ka qoray tacaddiyo xukuumadda ka dhan oo la soo bandhigay.

Xoghayaha SoljaWar-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo lagu cambaareynayo xadhigga Tifaftiraha Waaheen, ayaa u qornaa Sidan:

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamayaa warka  maanta  salaadii casar loogu xidhay tafatiraha wargayska waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) xarunta c.i.d  ee magaalada hargeisa ,

Warkaas oo ah inuu wargaysku baahiyay shir jaraaid oo khamiistii dhawayd ay qabteen difaacayaasha xuquuqal insaanka Somaliland xaflad lagu xusayay  maalinta xuquuqal insaanka dunida oo ka dhacday huteelka Xaraf ee magaalada Hargeisa  sida ay u sheegeen ururka Suxufiyiinta ee solja goobjoogayaal xadhiga tafatiraha in taliyaha c.i,d u markuu u yeedhay uu tusay waaran qabasho ah oo maxkamdeed iyo warkii lagu soo eedeeyay oo joornaalkii ku qoran ,halkaana uu ku xidhnaanayo ilaa maalinta sabtida oo maxkamada la gayn doono ,

Inkastoo taliyaha c.i.d-du beeniyay inuu tafatiraha  uu xidhay mar uu caawa ururka solja khadka tilifoonka kula xidhiidhay balse wuxuu  yidhi taliyuhu “waan u yeedhay oo wax ayuun baan waydiiyay oo sabtida  ayaan ku idhi igu soo noqo

Si kastaba ha ahaatee ururka Solja wuxuu canbaaraynayaa xadhiga tafatiraha wargayska waaheen maxamuud cabdi jaamac oo aan noociisa hore loo arag war qofkii sheegay joogo in wargays lagu qabsado maxaad u baahisay  dhinaca kale ururka solja wuxuu canbaaraynayaa maxkamada soo amartay qabashada tafatiraha wargayska waaheen  ee ay ahayd inay yeedhmo usoo dirto maadaama oo aanu weriyuhu dalka ka baxsanayn iyadoo aanay jirin yeedhmooyin hore oo uu ku iman waayay tafatiruhu

Ugu danbayntii  maxkamadaha Somaliland iyo garsoorkaba waxaanu ka codsanaynaa inay ogaadaan inay u dhexeeyaan wariyayaasha iyo xukuumada Somaliland.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories