HomeUrurka SOLJA oo ka hadlay Weriyeyaal dhowr maalmood u xidhnaa Maayarka Berbera...

Ururka SOLJA oo ka hadlay Weriyeyaal dhowr maalmood u xidhnaa Maayarka Berbera oo Xorriyaddooda dib u helay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

xuutoHargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay sii-daynta Afar Weriye oo todobaadyadii u dambeeyey xadhig sharci-darro ah ugu xidhnaa Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin, iyadoo maxkamadda isla maanta xorriyaddooda dib ugu soo celisay afarta suxufi.

Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA waxa uu u mahad-celiyey Bahda Garsoorka, gaar ahaan Maxkamadda gobolka Saaxil, balse waxa uu Ururku dhaliilay nidaamka maamulka degmada Berbera u maray Xadhigga weriyeyaasha oo sharci-darro ahaa.

War-Saxaafadeed Qoraal uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa arrinta xadhigga weriyeyaasha lagaga hadlay,  waxaanu Qoraalka War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:  “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu u mahad-naqayaa Bahda Garsoorka, gaar ahaan Maxkamadda gobolka Saaxil oo maanta xorriyaddoodii u soo celisay Weriyeyaasha kala ah Mukhtaar C/raxmaan Maxamuud, Mubaarig Cisaan Siciid, Axmed Siciid Maxamed iyo C/raxmaan Maxamed Cige oo Maayerka degmadda Berbera si sharci-darro ah u xidhay.

SOLJA waxay hore u caddaysay falka uu Maayarku ku xidhay wariyayaashaasi in uu ahaa khalad, isla markaana uu kula kacay wax ka baxsan nidaamka sharciyeed ee dalka u yaala gaar ahaana uu ka hor yimi xorriyaadka aas aasiga ah ee Dastuurka iyo Xeerka Saxaafaddu-ba u damaanad qaadeen suxufiyiinta iyo bulshada reer Somaliland oo dhan.

weriyeyaalUrurka SOLJA waxa uu aaminsan yahay in ay saxaafaddu gudato waajibaadka dastuuriga ah isla markaana ay bulshada gaadhsiiyaan wax kasta oo u adeegaya horumarkooda, isla markaana ka hor yimaadaan talaabo kasta oo dhibaato u horseedi karta Qaranka.

Suxufiyiinta Somaliland waxay qayb libaax ka soo qaateen dhismaha Dalka, waxaanay heegan ugu jiraan taaba-galintiisa. sidaas daraadeed mar-naba ugama Habran doonaan falkasta oo ka dhan inay masuuliyadda saaran ku joojiyaan gudbinta maslaxada Dalka.

Ururka SOLJA waxa uu soo dhaweynayaa talaabadda ay Maxkamadda Gobolka Saaxil ku sii daysay wariyayaashii dhibta adag kala kulmay muddadii ay u xidhnaayeen amaradii sharci darada ahaa ee ay ku mutaysteen xadhiga, iyagoo maalmihii ay xidhnaayeen la kulmay xabsi adag.

Ururka SOLJA waxa uu Garsoorka ugu baaqayaa inay talaabo ka qaadaan masuuliyiinta ku takri-falaysa awooda ay u hayaan bulshada isla markaana ay ku ciqaabaan, maadaama sharciga loo siman yahay.

Inkasta oo Garsoorku talaabo fiican jideeyey waxa muuqata inaanay masuuliyiinta qaarkood tixgalinayn sharciga, Ururka SOLJA-na waxa uu Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiyey dacwado ka dhan ah Hab-dhaqankaas, waxaanan ku kalsoonahay intay doonto ha qaadatee inaanu u samrayno inta arrintaasi ay ka midho dhalayso.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka SOLJA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories