HomeUrurka SOLJA oo ka hadlay Suxufiyiin Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisa ku xidhan,...

Ururka SOLJA oo ka hadlay Suxufiyiin Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisa ku xidhan, Xukuumaddana baaq u jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa ka hadlay suxufiyiin maalmihii ugu dambeeyey xukuumaddu xabsiga dhigtay isaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo soo daayo suxufiyiintaasi oo uu ugu dambeeyey Wariyihii Telefishanka Somali Channel ee Magaalada Berbera isaga oo sheegay in ay xadhigiisa kala hadleen xukuumadda iyo laamaha ay khusayso.

xuutoGuddoomiye Xuuto waxa uu arrintan kaga hadlay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray, kaas oo sidoo kale uu ku faahfaahiyey kulamo maalmihii ugu dambeeyey ay SOLJA la lahayd hay’ado iyo xarumo la filayo in ay gacan ka gaystaan horumarinta Suxufiyiinta Somaliland. War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Hogaanka cusub ee SOLJA oo xilka la wareegay 7/1/2015, waxa u qabsoomay hawlo muhiim u ah Ururka iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaanu qaaday dhawr talaabo oo xaqiijiyey Himilada Ururka oo ah u doodista iyo Horumarinta Saxaafadda Dalka. Mudadii uu Hogaanka cusub xilka hayey oo ay ka soo wareegtay muddo bil ah waxa Ururka u suurtogashay in uu xorriyadoodii u soo celiyo laba wariye oo la kala yidhaa Axmed Ciil-tire Rayo TV iyo Cali Xajar Somali Chanel oo lagu kala xidhay Borama iyo Saylac. Sidoo kale, waxa uu Ururku ku hawlan yahay sii daynta labada wariye ee Maxamed C/laahi soo fadhiiste oo ka hawl-gala Telefishanka Somali chanel iyo Mareegta Berberatoday oo ay maanta Maxkamadda Gobolka Saaxil toddoba cisho oo Rumaan ah u dirtay iyo Yuusuf Maxamed Xasan oo ah Tafatiraha Wargeyska Horn Tribune, kaasoo in ka badan muddo bil ah ku xidhan Dalka Itoobiya sida ay SOLJA warbixin ku heshay. SOLJA waxay kala xidhiidhay labadan kiis Hay’adaha ay khusayso, waxaanay ku rajo weyn tahay in Xorriyadooda dib loogu soo celiyo, iyadoo mudadii ay xidhnaayeen dedaal dheeraad ah u muujisay sidii Eedaha loo haysto loo sugi lahaa, isla markaana loo soo af-jari lahaa xadhigooda.

Hogaanka cusub ee SOLJA waxa mudada bisha ah ee ay xilka hayeen ay la kulmeen Shirkaddo Wadani ah oo ugu balanqaaday inay gacan ka geystaan sidii loo horumarin lahaa Xarunta Guud ee Ururka, isla markaana ay Suxufiyiintu u heli lahaayeen tababaro kala duwan.

Sidoo kale, Hogaanka SOLJA waxa xarunta ku soo booqday Hay’addo Caalami ah oo taageera saxaafadda, kuwaas oo kala ah:- xafiiska xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay (UNRCO), Free Press, Internews, World Bank, Safiirka Talyaaniga Somaliya, halka ay Hay’addaha Fojo Media International iyo International Media Support (IMS)ay xidhiidho kala soo sameeyeen Ururka, wakiiloo Hordhac u ahaana Xog isweydaarsadeen.

SOLJA waxay xidhiidh fiican la samaysay kooxda Somali Media Support Group, taasoo ay ku bahoobeen haya’adaha, Safaaradaha iyo Dawladaha bixiya mashaariicda lagu horumariyo Saxaafadda, waxaana SOLJA xidhiidhkan ka caawiyey Gavin Roy oo ah sarkaalka xafiiska xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay ee Somaliland.

Hogaanka cusub waxa uu Xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay xoojiso wadashaqaynta Saxaafadda Dalka, isla markaana masuuliyad iska saarto wax kasta oo caqabad ku noqon kara Suxufiyiinta Somaliland. Sidoo kale, waxa uu Hogaanka Ururka SOLJA wariyayaasha iyo Hay’adaha warbaahineed ee Dalka ugu baaqayaa inay sugaan wararka isla markaana ku dhaqmaan ilaalinta Anshaxa saxaafadda iyo Shuruucda Dalka u taal, isla markaana ay wax kasta ka horumariyaan Qaranimada Somaliland. Ururka SOLJA waxa uu soo dhaweynayaa cid kasta oo kaalin ka qaadan karta Horumarka saxaafadda Somaliland, maadaama Saxaafadda Somaliland dhismaha Dalka ka soo qaadatay kaalin wax ku Ool ah, ilaa hadana ay wado dedaalkaas, iyadoo dhinac kasta looga baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo sawir xun ka bixin kara Dalka.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories