HomeUrurka SOLJA oo Hargeysa ka furay tabobar kor loogu qaadayo Tayada Warbaahinta...

Ururka SOLJA oo Hargeysa ka furay tabobar kor loogu qaadayo Tayada Warbaahinta Online-ka ah (Website-yada)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo kaashanaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa maanta tabobar muddo laba maalmood soconaya uga furay magaalada Hargeysa qaybo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawl-gala Warbaahinta Online-ka ah (Websiteyada).

Kulan-hawleedkan oo diirradda lagu saarayo tayaynta iyo qaabka ay u shaqeeyaan Warbaahinta Online-ka, waxa ka qayb galay Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda Cabdinaasir Axmed Xirsi, Guddoomiyaha Solja, Suxufiyiinta ku shaqeeya Online-ka ee ka hawl gala magaalada Hargeysa iyo martisharaf kale.

soljaFuritaankii kulankaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Solja Maxamuud Cabdi Jaamac “ Xuuto” waxaanu ka warrmay ujeedka kulankani daaranyahay iyo waxyaabaha laga filayo inay ka soo bixidoonaan kadib marka uu dhamaado kulankaasi 2 cisho kadib, waxaanu sheegay inuu daba socdo kulan hore oo kan ka horeeyey isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Maanta iyo berri waxaan qaadan doonaa arrimaha la xidhiidha warbaahinta Webesite-yada la yidhaado iyo qaar kalaba sida ay u shaqeeyaan”.

Waxaa isna kulanka ka hadlay Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda Cadicasiis Xirsi waxaanu ka warramay ahamiyadda ay leedahay inay suxufiyiintu ku dadaalaan wararka la hubo ee xaqiiqada ku salaysan, sidoo kalena waxa uu sheegay inay wasaaradda arrimaha dibaddu uga baahantahay  inay gudbiyaan warar la fahmikaro isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “waxaan isleeyahay fariinta Website-yadu ahamiyad wayn bay noo leedahay waana inay noqdaan meelo laysku halayn karo oo ay dunida kalena ka qaadato meeqaamkeena isla markaana ay gaadhsiiso meel-fogg waana arrinta aanu kulankan maanta idiinku qabanay”.

SOLJA6“Maanta wixii ka dambeeya waa inay fariinta aad gudbinaysaa ay noqdaan  kuwo gudibinaya xaqiiqada jirta, waxaan sidookale idinku dhiirrinayaa inaad yeelataan qaar idinka mida oo luuqadaha Ingiriiska iyo kuwa aan Somaliga ahynba wax ku qora” ayuu yidhi Agaasime Cabdinaasir Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Wasiirka warafaafinta Mr Guri-barwaaqo waxaanu ka warramay dareenkiisa la xidhiidha munaasibaddaasi “runtii farxad weyn bay ii tahay  inaan  maanta idinkala soo qaybgalo kulankan qiimaha badan ee warbaahinta aan qalinka ku shaqayn ee Website-yada” ayuu yidhi Wasiir Guri-barwaaqo.

SOLJA2Dhanka kalena waxa uu sheegay inaan la xidhi-karin suxufiyiinta ilaa ay xukuumaddu wax barto markaa kadibna la xidhi-karo “ilaa wax laydin baro laydinma xidhi karo laakiin markii wax laydin baro kadib waa laydin-xidhikaraa” ayuu yidhi Wasiir Guri-barwaaqo, dhanka kalana waxa uu sheegay inaysan suurto gal ahayn inay suxufiyiinta Somaliland luuqadaha Ingiriiska iyo kuwo kale wax ku qoraan haddiiba aanay luuqadoodii-hooyo ee Afkii Somaliga ahaa wax ku qori-karin waa sida uu hadalka u dhigaye.“Agaaasimuhu waxa uu yidhi waa inaad luuqadda Ingiriisiga wax ku qortaan laakiin waxaan leeyahay ninka Afkiisii hooyo wax ku qoriwaayey  Af-ingiriis waxba ku qori-kari mayo, waayo  ninka aniga wax ii sheegi waayey u malayn maayo Gaal-Dibadda jooga inuu wax u sheegikaro” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Cabdiraxmaan Gur-Barwaaqo.

Waxaa halkaa ka hadlay tabobaraha bixinaya duruustaasi Mr Cabdi Casiis Haaruun waxaanu halkaa ku soo bandhigay duruus-qiimo badan taas oo suxufiyiinta shirkaasi ka qayb galay gaar ahaan kuwa Online-ka ku shaqeeyaa ay ka faa’iidaysan doonaan mudada uu socdo kulankaasi.

Tabobarkan waxaa muddadaasi labada cisho ah ka qayb-qaadanaya ilaa 40 kamida suxufiyiinta wax ku qora Website-yada ee ka hawlagala gudaha magaalada Hargeysa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories