HomeUrurka SOLJA oo Cambaareeyey Xayiraadda Mar labaad la saaray Wargeyska Hubaal

Ururka SOLJA oo Cambaareeyey Xayiraadda Mar labaad la saaray Wargeyska Hubaal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SOLJAHARGEYSA (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa si adag u cambaareeyey xayiraadda Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodijeex mar kale saartay Wargeyska Madaxa-bannaan ee Hubaal oo todobaadkii hore Maxkamadda gobolku xayiraadda ka qaadday isla markaana soo-afmeertay dacwaddii loo haystay Wargeyska oo muddo sannad iyo dheeraad ah xayiran.

Go’aanka mar labaad lagu xayiray Wargeyska Hubaal oo todobaadkii hore caddadkiisii u horreeyey muddo sannad iyo saddex bilood ah la soo saaray, ayaa ka dambeeyey kaddib markii Maxkamadda Racfaanku burisay go’aan ka soo baxay maxkamadda gobolka Maroodijeex oo lagu tirtiray dacwaddii loo haystay wargeyska kaddib markii ay maxkamadda ka soo xaadiri weyday Xeer-ilaalinta gobolka oo Wargeyska ku oogtay dacwad uu taliyaha Ciidanka Boolisku u soo gubiyey, taas oo markii dambe shaqada lagaga eryay Garsoorihii soo saaray go’aanka lagu fasaxay Wargeyska oo uu Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku ku tilmaamay inuu si tuuganimo ah uga soo baxay Maxkamadda.

Hoggaanka cusub ee dhowaan loo doortay Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay xayiraadda mar labaad la saaray Wargeyska Hubaal waxaanu waaxda garsoorka loogu baaqay inay ku dhaqmaan shuruucda dalka u taala, isla markaana ay warbaahinta ugu garsooraan Xeerka Saxaafadda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha SOLJA Maxamud Cabdi Jamac (Xuuto) oo caawa warbaahinta la soo gaadhsiiyey.

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, oo ah urur u taagan difaaca Saxaafadda iyo Xoriyatal Qawlka, waxa uu Cambaaraynayaa Xayiraada Cusub ee la saaray Wargeyska HUBAAL, iyada oo Maxkamadda Gobolka Hargeysi muddo laba jeer ah ka soo saartay amarro xayiraad ka qaadis ah, balse iyadoo aan loo cuskan wax asbaab ah ay Maxkamadda Racfaanku dib u saartay Xayiraad Cusub.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa 13/12/2014 xayiraad saartay wargeyska HUBAAL, sagaal bilood kadib markii xeer-ilaalinta Gobolka Hargeysi ay hor keeni waayeen wax eedo ah ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysi uu soo saartay Taariikhdu markay ahayd 25/8/2014, Amar Xayiraad ka qaadi ah, oo lagu fasaxayo Wargeyska Hubaal, hase yeeshee, maalin ka dib oo taariikhdu ahayd 26/8/2014, uu Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Hargeysi uu mar kale saaray wargeyska Hubaal, Xayiraad uu ku tilmaamay ku meel gaadh.

11/1/2015 ayay mar kale Maxkamada Gobolka Hargeysi Kiiska Hubaal kasoo saartay Qaraaro iskugu jira Oodis Kiis iyo Xayiraad ka qaadis, maalin ka dib 12/01/2015-ka, ayaa maxkamadda Racfaanku ku celisay Xayiraad Bilaa asabaab ah.

Guntii iyo gunaanadkii waxaanu usoo jeedinaynaa Nidaamka Garsoorka ee Somaliland inay ku dhaqmaan Xeerka saxaafadda 27/2004 iskuna ixtiraamaan qaraarrada sida sharciga ah uga soo baxa waaxyaheeda, markastana ay maskaxda ku hayaan inay caddaalad u falaan bulshada.

Xukuumadda Somaliland waxaanu usoo jeedinaynaa in ay Xoriyaddiisii usoo celiso Wargeyska Hubaal iyo Wargeyska kale ee Haatuf si aynaan ugu sifoobin Qaran ku tuntay xoriyaddii hadalka oo ah mid asaasi ah, Dastuurka Somaliland-na u damaanad qaaday muwaadiniintiisa,” sidaas ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories