HomeUrurka-siyaasadeedka WADANI oo soo dhawayn aan loo kala hadhin kala kulmay dadweynaha...

Ururka-siyaasadeedka WADANI oo soo dhawayn aan loo kala hadhin kala kulmay dadweynaha reer Awdal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorame, (SLpost)-  Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Wadani Md. Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) isla markaana ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland iyo wafti balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Boorama.

wadani_awdal (9)Gudoomiye Cabdiramaan Ciro  sidoo kale waxa uu maanta soo maray Magaalda Dila halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dad weyne tiro badan, waxana uu isla maantaba Gudoomiye Ciro xadhiga ka jaray xafiiska ururka Waddani uu ku yeelanayo Magaalada Boorama.

wadani_awdal (11)Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Wadani Md. Cabdiramxaan Ciro ayaa waxa duleedka Magaalada Boorama ku soo dhaweeyey kumanaan dadweynaha Magaalalaasi ah, waxa ay dadweynahaasi iyo Gaadiid ay wateen ay Masuuliyiinta u galbiyeen dhinaca Boorama.

.Weftiga Ururka Wadani iyo Gudoomiye Ciro  ayaa markii uu gaadhay Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama waxa uu xadhiga ka jaray xafiiska ururkaasi uu ku yeelanayo Gobolka Awdal  waxa uu qubad u jeediyey dadweyne kumanaan gaadhayey oo ka qayb galay munaasibadaasi.

wadani_awdalGudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Ururka Wadani Md.Ciro ayaa waxa uu shacabka Magaalada Boorama uga mahad caliyey soo dhaeynta Balaadhan ee ay ku qaalbileen waxana uu yidhi “ waxaan shacabka reer Boorama ugu mahad celinayaa soo dhaweynta diiran ee ay ku qaalileen aniga iyo waftiga balaadhan ee ka socda urur siyaasadeedka Wadani, hooyada Somalialnd waa Nabada waxana aynu ognahay in nabada Somaliland, nabadaasi oo ah tan lagu faano isla markaana ay kaga duwan tahay Soomaaliya inteedii kale waxa ay ku dhalatay Magaalada Boorama ee gobolka Awdal.”

wadani_awdal (10)Gudoomiye Ciro ayaa waxa kale oo uu intaasi ku daray “ iya oo xuquuqda sharciga ah ka faa’iidaysanay ayaa waxa ay muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka mida Golayaasha deegaanka, Golaha Wakiilada iyo xubno ka tirsan qaybaha kala duwan ee dadweyne reer Somaliland waxa ay abuureen urur siyaasadeedkan Wadani, waxa aynu soo dhaweynayaa ururada Cusub ee Wadani ka mid yahay kuwii horeba, asxaabtii horena waxaynu  leenahay Waa la tar-tamayaaye tarma.” Ayuu tidhi Md. Ciro.

wadani_awdal (8)Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliand Md. Cabdirmaan Maxmed Cabdilaahi (Ciro) ayaa waxa kale oo uu ka hadlay dhismaha jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Boorama iyo Hargeysa waxana uu yidhi, “ Waxaanu soo marnay jidka Boorama iyo Hargeysa u dhaxeeya oo la dhisayo iyada oo lagu wado Tabarucaad ay shacabku leeyihiin isla markaaana ay Xukuumadu ka qayb qaadanayso, jidkaasi uu socdaa shaqo wanaaagsan waa laga hayaa,   waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay wadaadaasi ka qayb qaataan, Ururka Wadani waxa uu gaar ahaan ku tabarucayaa dhismaha jidkaasi  lacag dhan $2000 oo Dollar( Laba kun oo dollar) waxana bixnaya aas aasayaa ururka Wadani.” Ayuu yidhi Md. Cabdiramaan Ciro.

wadani_awdal (1)Waxa kale oo Gudoomiyaha Wadani ka hor halkaasi ka hadlay Md. Axmed Muumin Seed oo ka tirsan Aas-aasayaasha ururka Wadani isla markaana ka soo jeeda Gobola Awdal, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa “ maanta waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa Gudoomiyaha Ururka Wadani isla markaana ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland iyo wafti balaadhan oo ka tirsan ururka Wadani oo  maanta marti inoogu ah Magaalada Boorama, waxaan ku leenahay Gudoomiye ku soo dhawoow magaaladaadii Boorama iyo kumanaan ka tirsan dadweynaheeda oo muujiyey taageerada ay u hayaan ururka Wadani.” Ayuu yidhi Md. Seed.

wadani_awdal (7)wadani_awdal (5)wadani_awdal (4)wadani_awdal (2)wadani_awdal (6)

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories