HomeUrurka Qareenada Somaliland Ee Solla Oo Maxaabiis Qaba Xanuunada Aydhiska Iyo...

Ururka Qareenada Somaliland Ee Solla Oo Maxaabiis Qaba Xanuunada Aydhiska Iyo Qaaxada Ka Sii Daayay Jeelka Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Ururka qareenada Somaliland ee solla oo ah urur  ay ku bahoobeen garyaqaanada Somaliland oo kaalmo sharci oo lacag la,aan ah u fidaya dadka aan awoodin inay qareen qabsadaan ,  isla markaana xafiisyo ku leh dhamaaan gobolada dalka ayaa maalintii Khamiistii  ku guulaystay inay maxkamada hor keenaan rafcaan sugayaal uu muddo dhaafay ambiilkoodu oo ku xidhnaa jeelka gabiley isla markaaana iskugu jiray qaar qaba xanuuno halis ah sida  aydhiska  iyo qaaxada iyo maxaabiis kale oo uu muddo dhaafay rafcaankoodu.

SOLLA2Maalintii khamiistii ee 14kii bisha March ayaa maxkamaddii rafcaanka oo guuraysa oo uu horkacayo gudoomiyihii maxkamada rafcaanka gobolka Maroodijeex Md Cabdirashiid Maxamed Duraan iyo shan garsoore  oo kale waxay soo gaadheen maxkamada gobolka gabiley halkaasi oo ay kaga garnaqeen ilaa soddon kiis oo rafcaankoodu muda dhaafay. Waa markii ugu horeysay ee maxkamadii rafcaanka oo guuraysaa timaado gobolka gabiley isla markaana ay ka garnaqdo kiisas intaa leeg. Ololahan  lagu sugayo cadaalada ee maxkamada farcaanka wado ayaan ahayn mid ku koobnaa gabiley haseyeeshee waxay hore sidan oo kale u tageen mandheera waxaanu gudoomiyaha maxkamada rafcaanka mudane cabdirashiid maxamed durraan sheegay in ay muddo bill ah joojiyeen kiisaskii madaniga ahaa ee ay ka garnaqi jireen si ay u soo gebogebeeyaan rafcaanada is dul buuxsamay maxkamada rafcaanka.

SOLLADhanka kale shan garyaqaan oo ka socdey ururka qareenada Somaliland ee solla ayaa iyagu si lacag la,aan ah ugu dacwoonayay  rafcaanlayaasha la horkeenay maxkamada rafcaanka oo isugu jiray dad xanuunsanaya iyo qaar kale oo tabaalaysan .waxaana ka mid ahaa Garyaqaaan mukhtaar cabdi muxumed saban oo ah gudoomiyaha ururka solla ee gobolka gabiley oo gacanta ku hayay shan kiis oo ku guulaystay in ooda laga qaado intoodii badnayd waxaana ka mid ahaa dadkuu garyaqaan mukhtaar shalay u doodayay ee la sii daayay qaar lahaa xanuunada xun ee aydhiska  iyo qaaxada kuwaasoo aafaynayay hadaan laga qaban maxaabiista, inkastoo wali ay ku sii jiraan jeelka gabiley qaar qaba aydhis  iyo qaaxaba.

Ururkan qareenada Somaliland ee solla ayaa mudadii uu jirey kaalin firfircoon ka  qaatay cadaalada Somaliland isla markaana sababay in maxkada la horkeeno dada badan oo dhibaataysan oo lagu iloobay jeelasha gaar ahaan xafiiska solla ee gobolka gabiley ayaa dardar galiyay  cadaalada gobolka  isla markaana kaalmeeyay dad badan oo aan awoodin inay qareen qabsadaan.Dhanka kale  maxkamada gobolka gabiley oo muddo aan loo soo magacaabin gudoomiye rasmioya kadib siduu gudoomiyihii loo soo magacaabay ee cabdirashiid beer geel uu iskaga noqdayba ayaa gudoomiye la,aanta waxaa ka daran  dhismo la,aanta maxkamada gobolka gabiley  oo maalintii khamiistii keenay in garsoorayaashu iska sug sugaan  saddex qol oo kaliya oo ay ka koobantahay  maxkamada gabiley taasi oo hakisay dacwado badan oo shalay laga faraxalan lahaa.

WERIYE: Cabdikariim muxumed cadde (Qaamuus)

GABILEY    SOMALILAND

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories