HomeUrurka Qareenada Oo Ka Hadlay Xadhiga Qoraa Ku Xidhan Hargeysa

Ururka Qareenada Oo Ka Hadlay Xadhiga Qoraa Ku Xidhan Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SL.Post) Waxa 20/ August/2016 magaalada Hargeysa  booliksu ku xidheen Abwaan Siciid Maxamuud Gehayr oo ah nin dhalinyaro ah, oo abwaan iyo qoraa  ah. Waaxaanu xadhigiisu daba socday, kadib markii barta bulshadu ku xidhiidho ee Facebook-ga loo yaqaano, si is daba joog ah loogu baahiyay qoraalo ku soo baxay magaciisa, oo ka hadlaaya arimo khuseeya gegada diyaaradaha ee hargeysa (Cigaal Interntaional Airprt) iyo dhulka ku xeeran gegada diyaaradaha, ee xaydaabka xadaynta madaarku galay. kuwaasi oo ciwaan looga dhigay “ Dhibta iyo Dheefta Madaarka Cigaal”.

 

siciid

Dhiaca kale, waxa af-hayeen  booliska u hadlay,oo  ka hadlay xadhiga Siciid Maxamuud Gehayr, uu warbaahinta ka sheegay;In Siciid boolisku  xidheen oo loo haysto, wax uu ugu yeedhay “falal nabad gelyo darro ah oo wax u dhimaya Qaranka Somaliland”, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin “fariimo hanjabaada” oo uu yidhi waxa uu u gudbiyay baraha bulshadu ku xidhiidho.

 

Hadaba sida ku cad Qod: 9 (1) ee Dastuurka Jamhuuriyada Somalind. Iyadoo Somaliland tahay dal dimuqraadiya, oo uu muwaadin kastaa, sida ku cad Qod: 32 (1) ee dastuurka Somaliland uu xaq u leeyahay in uu ra’yigiisa soo bandhigo, oo uu ku soo bandhigo; qoraal,hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan; Waxa Ururuka Qareenada Somaliland walaac iyo war wer xoog leh ka qabaa,islamarkaana uu canbaaraynayaa  xadhiga lagula kacay Abwaan Siciid Maxamuud Gaheyr.

 

Waxa xadhiga noocan oo kale ah, ee ah in qof ra’yigiisa oo uu cabiray loo xidho uu wax yeelo weyn iyo dibin daabyo ku noqon karo xaqii muwaadintiinta ee cabiraada iyo ra’yi dhiibashada ee dastuurku damaanad qaaday.

 

Sidaasi darteed; Ururka Qareenada Somaliland ( Solla), waxa uu dawlada ugu baaqayaa in ay Abwaan Siciid Maxamud Gaheyr, sida ugu dhakhsaha badan xoriyadiisa ugu celiso.Ilaalisana xuquuqda muwaadiniinteeda.

 

 

Jamaal Huseen Ahmed ( Mandeela).

Xog-hayeha Guud Ee Ururka Qareenada Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories