HomeUrurka Maareegaha Somaliland oo Baaq iyo Cambaarayn ka soo saaray Xadhigga Weriye...

Ururka Maareegaha Somaliland oo Baaq iyo Cambaarayn ka soo saaray Xadhigga Weriye 11 Maalmood U Xidhan Wasiirka Caafimaadka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ururka Mareegaha Wararka Somaliland ee SOMA (Somaliland Online Media Association, ayaa War-Saxaafadeed ka soo saaray Xadhigga Weriye Maxamed Aadan Dirir oo muddo laba Toddobaad ku dhaw Wasiirka Caafimaadka Saleebaan-Xaglo-toosiye ugu xidhan Xarunta Laanta Dembi-baadhista C.I.D-da ee magaalada Hargeysa.

Picture1dWaxa uu Ururka SOMA Cambaareeyey Xadhigga Weriye Dirir oo uu ku tilmaamay Sharci-darro iyo amar-ku-taaglayn, isla markaana waxa uu ugu Baaqay Hay’adaha Garsoorka iyo Xukuumadda talada haysa inay si dhaqso ah Xorriyaddiisa ugu soo celiyaan, dhawraanna Shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah-ba.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku Saxeexnaa Xoghayaha Ururka Somaliland Online Media Association (SOMA) Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale), waxaanu War-Saxaafadeedkaas uu Caawa Xoghayuhu ka soo saaray Xarunta Ururka ee Hargeysa oo dhammaystirani u dhignaa sidan:-

“Ururka Somaliland Online Media Assosicion (SOMA), waxa uu Cambaaraynayaa, kana soo horjeedaa xadhigga Weriye Maxamed Aadan Dirir oo ah Tifaftiraha Shabakaddda Horseednews.com, waxaannu u aragnaa xadhiggiisa mid sharciga baal-marsan oo awood sheegasho ah.

Weriye Maxamed Aadan Dirir, waxa la xidhay iyada oo aan wax eed ah lagu soo oogin, isla markaana wax Waaran Maxkamadeed ah loo soo goosan qabashadiisa 24-ka bishii May 2017, kadib markii isla 24 May, Su’aal weydiiyay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Baarlamaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Weriye Maxamed Dirir wuxuu ku xidhanyahay sharci-darro, waxaanu dhibbane u yahay Masuul xil Wasiirnimo ku amar ku taaglaynaya. Sidaa daraaddeed, Ururka Mareegaha Wararka Somaliland ee SOMA waxa uu Hay’adaha Garsoorka ka codsanaynaa in Xorriyaddiisa loogu soo celiyo si deg-deg ah. Ma aqbali karno Xadhigga Suxufi aan nidaam sharci ah loo marin Xadhiggiisa oo aanay Maxkamadi sifo Sharciga waafaqsan ku oggolaannin.

Ururka Somaliland Online Media Association (SOMA), waxa uu aamminsan yahay Weriyuhu hadduu khalad galo in xaq loogu leeyahay in laga Dacwoodo oo dariiqa Sharciga dalka loo maro Kiiskiisa. Hase-yeeshee, ma bannaana in sida Qof Tuug ah tunka la qabto oo uu masuul Askartiisa gaarka ah u dalbado, isla markaana sidii Neef Xoolo ah Lugta laga xidho. Ururka SOMA wuxuu Madaxda dawladda Somaliland iyo Cid kasta oo ka mid ah Bulshada ugu baaqayaa in la dhawro Xuquuqda Suxufiyiinta iyo Xorriyatul-qowlka.

Waxaannu soo dhaweynaynaa dedaallada socda ee ku saabsan xal u helida tacaddiyada iyo Xad-gudubyada joogta ah ee ka dhanka ah Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Somalilandka hawlgala. Suxufiyiintana waxaan u soo jeedinaynaa inay dhawraan anshaxa iyo Asluubta Suubban ee Saxaafadda. Sidoo kale, Urur SOMA ahaan, waxaannu soo dhawaynaynaa Ururrada Caalamiga ah ee Saxaafadda, kuwa Dalalka Jaarka iyo Ururrada Xuquuqda Aadamaha u dooda ee sida fiican uga hadlay Tacaddiga iyo awood-sheegashada Weriyahani ugu xidhan yahay Wasiirka Caafimaadka.

Ururka SOMA waxa uu Wasiir Xaglo-toosiye ugu baaqayaa in uu dhawro Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Wasiirka ku yahay, Shuruucda Dalka u taalla, Xaqa iyo Xuquuqda Muwaaddinka iyo ka Saxaafaddaba, wixii Cabasho ama Gef ah ee uu tirsanayo ama qabana u maro sifo Sharciga waafaqsan.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories