HomeUrurka Horumarinta ee UMAD oo Xaflad xilwareejin ah ugu qabtay Guddidii lixaad...

Ururka Horumarinta ee UMAD oo Xaflad xilwareejin ah ugu qabtay Guddidii lixaad ee ay Hoggaan u doortaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Urur  weynaha UMAD oo ka shaqeeya horumarinta adeegyada bulshada ee waxbarashadu ugu horrayso iyo iskaashiga bulshada ayaa caawa xaflad xil wareejin ah u  qabtay gudidii lixaad ee ururkaasi doorto  illaa iyo markii la aas’aasay 2009-kii.

Xafladdan xilwareejinta ah oo ka dhacday Imperail Hotel ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay inka badan xubnood oo isugu jira aqoonyahanka, dhalinyaradal, haweenka, culimada, waxgaradka, madaxdhaqameedka iyo xubno masuuliyiin ah oo ka soo jeeda beesha  Makaahiil Isaxaaq ee degta koonfurta iyo woqooyiga Hargeisa iyo degmada Bulaxaar ee gobolka Saaxil.

coGudida xilka wareejinaysay  ee uruenrka UMAD ayaa waxay soo bandhigeen waxqabadkii ururka mudadii ay xilka hayeen iyagoo sheegay inay waxbadan ka qabteen gaar ahaan dhinaca waxbarashada, abaabulka iyo isku xidhka bulshada, waxanay xuseen deegaannada  Abaarso, Harcadaad, Waddo-makaahiil, Balligacas iyo Bulaxaar oo ay dhinaca waxbarashada waxka qabteen, sidoo kale waxay sheegeen inay aad uga shaqeeyeen walina ay wadaan dadaallo ku aadan xoojinta isku xidhnaansha iyo wadajirka qaybaha bulshada ururkan ku abtirsa si  waxbadan looga qabto baahiyaha aas’aasiga ah ee bulshada,  waxbarashada, caafimaadka, biyaha, kobcinta dhaqaalaha iyo dhinaca siyaasadda.

Waxa ugu horayn ka hadlay xafladda   Xasan Sh Maxamuud Sh Suufi oo ka tirsan gudida UMAD  isagoo  dadka ka soo qaybgalay xafladda u sharraxday ahdaafta iyo ujeedooyinika waxqabad ee ururka.  Guddoomiyaha xilka wareejinay  Daaxa Axmed Ismaaciil ayaa isaguna ku dheeraaday  waxqabadkii ururka mudadii uu xilka hayay, una mahadceliyay dhammaan shakhsiyaadkii iyo xubnihii ururka ee gacanta ka gaystay ama garab taagnaa, waxa kale oo uu sheegay inuu ururku aad isugu xidhay dadka u dhashay deegaanada ururku ka hawlgalo ee beeshaasi degto ee wadamo badan oo dibadda ah ku dhaqan. ir

dXildhibaan  Maxamed Xaaji Cabdi oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo eray ku lahaa xafladda ayaa ka hadlay muhiimadda uu u leeyahay isku xidhnaanshaha iyo wadajirku  horumarka bulshada, waxanu usoo jeediyay dadweynihii ka soo qaybgalay xafladda in xoog looga shaqeeyo iskaashiga iyo dhaqaale ururin si wax looga qabto baahiyaha mudnaanta ee bulshada haysta.

Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed ayaa isaguna usoo jeediyay bulshada uu suldaanka u yahay inay iyagu isku tashadaan oo aanay cidnaba waxka sugin kana wada shaqeeyaan sidii ay dadkooda iyo deegaannadooda wax uga qaban lahaayeen.

Waxa kale oo ka mid ahaa xubnaha iyo gudida ka hadashay  xafladda ee ururka UMAD Axmed Xaashi Cilmi  oo ah wakiilka ururka UMAD ee dalka Norway kaasoo ku hadlay afka qurbajoogga,  Sh  Axmed Dayib,   Sh Yuusuf  Waraabacadde,      Faysa Maxamed, Cabdillaahi Ileeye  iyo xubno kale.

sulDhinaca kale,  Axmed Xaashi Cilmi oo ka tirsan qurbajoogga Somaliland ee dalka Norway, isla markaana ah Wakiilka Norway ee ururka UMAD ayaa guddoon siiyay  qalab  kamarado ah oo jaaliyadoodu ugu soo deeqeen hawlaha ururku qabto.

Ugu dambayntii  waxa ururka xafladdan qabtay uu shahaado sharafyo ku maamuusay xubno ka tirsan  oo kala ahaa Axmed Xaashi Cilmi,   Faadumo Garaw, Faysa Maxamed iyo Saynab Aw Maxamed kuwaasoo ay sheegeen inay ku mutaysteen waxqabad iyo dadaal dheeraad ah oo ay la yimaadeen.

Magacyada gudida cusub ee UMAD ee xilka lagu wareejiyay:

1.      Cabdiraxmaan Xasan Aadan Askar (Cadduur),  Guddoomiye

2.      Axmed Daauud,  Guddoomiye ku xigeen

3.      Cabdillaahi Maxamed Colaad, Xoghaye

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories