HomeUrurka Dhakhaatiirta Xoolaha ah Oo Ka Digay Laynta Eyda Kuna Baaqay Qaab...

Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ah Oo Ka Digay Laynta Eyda Kuna Baaqay Qaab Ka Duwan Sumaynta In Loo Yarayn Karo Dhibkeeda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee SOVA, ayaa Golaha Degaanka Gobolka Awdal ugu baaqay in ay joojiyaan sumaynta iyo cidhibtir ay sheegeen in ay ku hayaan xayawaanka Eyda.

Ururkan oo war-saxaafadeed soo saaray, waxa soo jeediyey in la ilaaliyo xuquuqaha xayawaanka, isla markaana haddii loo arko in ay waxyeelo leeyihiin tarantooda la joojiyo oo aan si axmaqnimo ah loo layn.

Haddaba, war-saxaafadeedka ururkan soo saaray oo ay si wada jir ah ugu saxeexnaayeen Guddoomiyaha Ururka Dr. Khayre Cali XAsan iyo Agaasime Dr. Yasiin Cusmaan Siciid waxa uu u dhignaa sidan; “Xayawaanku waxay leeyihiin xuquuq u baahan in la xaq dhawro isla markaana sida ugu haboon looga faa’idaysto, haddii loo arko inaanay wax faa’ido ahi ugu jirin nolosha bini-aadanka ama ay dhibaato ku hayaan waxa haboon in si bani-aadminimo ku jirto isla markaana waafaqsan shuruucda caalamiga ah looga takhalusaa ama loo xakameeyo tarantood.

Waxa dhawaan soo baxday in golaha deegaanka Boorama ay ku dhaqaaqeen arrin aad u argagax badan isla markaana aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah ee u yaalla dhawrista iyo ilaalinta xuquuqda Xayawaanka (Animal Walfare protection).Waxa jira habab casri ah oo caalamku waqti xaadirkan adeegsado isla markaana aan waxyeelo u geysanaayn daryeelka Eyda, kaas oo lagu xakamayn karo waxyeelladooda isla markaana dhasha looga joojinayo.

SOVA(Somaliland Veterinary Association)waxay leedahay laynta ay bilaabeen golaha degaanka Boorama waxay baalmarsan tahay shuruuda caalamiga iyo diinteena. Sida ku cad axaadiis ka sugnaaday Nabigeenii suubanaa NNKHA, waxa qof Haween ah loo cadaabay Bisad ay meel ku xidhay isla maraana u diidey wax cunto ah inay siiso. Halka taa Bedelkeeda gabadh waraabisay Ey haraadan ay jannada ku gashay.

Golaha deegaanka Magaalada Boorama gaar ahaan maayarka waxaanu ka codsanaynaa in aanay banaanayn habkaa Eyda lagu laynayo ee loo isticmaalayo suntan aadka u halista badan. Taas oo xataa halis weyn ku ah deegaanka iyo bulshada ku noolba, isla markaana qadar aad u yar oo suntaas ahi (starchenine) waxay sababi kartaa bulsho aad u badan oo xataa ka badan inta ku nool magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

SOVA waxay diyaar u tahay guud ahaan Somaliland in ay kala qayb qaadato sidii loo xakamayn lahaa ama meesha looga saari lahaa khatar ka timaadda EYDA iyo xawayaanada kale iyada oo aan lagu xadgudbayn xuquuqda xawayaanka, waxa kale oo diyaar u tahay kana go’an in sidii dawlaha hoose jamhuuriyada Somaliland lagu tobobari lahaa ka faa;iidaysiga xawayaanada degal joogta ah

SOVA soo jeedinaysaa in golaha sharcidajintu sida u dhaqsaha badan u soo saaraan xeerka xayawaan degeljoogta,” ayaa lagu soo gunnaanaday war-saxaafadeedka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories