HomeUrur Siyasadeedkii Hadhay Ee DALSAN Oo Maanta La Midoobay Xisbiga Talada dalka...

Urur Siyasadeedkii Hadhay Ee DALSAN Oo Maanta La Midoobay Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLPOST)- Urur siyaasadeedkii DALSAN ee ka midka ahaaa ururaddii hadhay, ayaa maanta la midoobay xisbiga taladda haya ee KULMIYE, isla markaana kala qortay heshiis wax wada qaybsi.

Munaasibad balaadhan oo ay iskugu yimaadeen taageerayaasha urur siyaasadeedkii tartanka doorashadddii ku hadhay ee DALSAN iyo xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka soo qaybgalay hogaanka sare ee ururkaasi iyo madaxda kulmiye, wasiiro iyo boqolla dadweyne oo taageerayey DALSAN.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali oo ka mid ahaa masuuliyiintii xafladaasi ka hadlay ayaa ka waramay mudadii ay xukuumadda kulmiye dalka la wareegtay waxyaalihii u qabsoomay, waxaanu tilmaamay in ilaa shankun oo dhalinyaro ah la shaqaalaysiiyey, isla markaana gaadiid badan iyo tobabaro badan la siiyey ciidanka amniga.

KULMIYESidoo kale, waxa uu ka hadlay dacwadda ka dhexeysa isaga iyo haweenay oo maxkamadda kiiskooddu ku jirto, waxaanu sheegay inay gabadhaasi fariimo aflagaado ah usoo dirtay wasiirka madaxtooyadda iyo  marwadda madaxweynaha, cidii doonaysa wixii fariimahaasi ku qornaa ay ka heli karaan maxkamadda iyo hay’ada xuquuqul insaanka, waxaanu tilmaamay in jeelasha loo sameeyey in dadka lagu edbiyo, oo qofkii khaldama lagu toosiyo.

Waxa isaguna halkaasi hadal dheer ka soo jeediyey wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sheegay in gudoomiyaha ururka DALSAN ee ku soo biirayaa ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee dawladdii Daahir Rayaale ee dagaalka adaga la galay xisbiga kulmiye, waxaanu sheegay in doorashadii hore ee kulmiye sideetanka cod lagaga badiyey uu sabab u ahaa wasiirka arrimaha gudaha oo hadda ah gudoomiyaha ururka DALSAN ee ku soo biiraya.

Wasiirka Maaliyadda waxa uu sheegay in wakhtigaasi uu awoodda dawladeed uu sifo khaldan u isticmaali jiray, isla markaana dagaal aad u xun uu la galay, haseyeeshee uu hadda soo dhoweynayo isla markaana qof kasta oo xisbiga kulmiye kus oo biiraya ay si fiican usoo dhoweyn doonaan.

Gudoomiyaha ururka DALSAN Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa ka sheekeeyey dagaalkii uu kulmiye la galay wakhtigii uu UDUB ka tirsanaa ee uu wasiirka arrimaha gudaha ka ahaa, isagoo tilmaamay madaxdii kulmiye iyo shakhsiyaadkii dagaalka adag wada galeen, isagoo sheegay in nin waliba waajibkiisa gudanayey, isla markaana uu ahaa masuul daacad u ahaa xisbiga UDUB oo doonayey in aan laga guulaysan.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa isna soo dhoweeyey ururka DALSAN iyo Taagerayaashiisa, isagoo sheegay in qofkasta uu xor u hayay halka uu doonayo iyo haddii uuu doonayo inuu xisbiga dhexdiisa musharax ka noqdo, isagoo tilmaamay in dhowaanla qaban doono shirweynihii xisbiga oo masuul waliba xor u yahay inuu isa soo sharaxo.

Gudoomiyaha KULMIYE waxa uu dhaliilay xisbiga WADANI oo dhaliil usoo jeediyey xukuumadda, isagoo sheegay in aanu Xisbiga WADANI uga fadhiyin in aanu wax aan jirin sheego balse ay ahayd in wixii jira lagu dhaliilo.

Sidoo kale waxa uu gudoomiyaha kulmiye ka hadlay Cuno qabateynta hubka ee qaramadda midobay doonayso in laga qaado Soomaaliya, waxaanu sheegay in 1988 kii hubkii dalka lagu burburiyey ay bixiyeen Maraykanka iyo Liiibiya, taas oo uu tilmaamay in aanay ahayn in hub cusub dalka la soo galiyo.

“Waxaanu leenahay hubkaasi loo fasaxayo Soomaaliya yaa huba in mar labaad shacabkan lagu weerarayo, mise caalamku wuxu u badheedhayaa in hubkoodda dadka lagu laayo, waxaan soomooliya leeyahay  waan idiin ducaynaynaaye qaran noqda oo aqoonsi hela ilaahayna ha idin barakeeyo ee aynu noqono laba dal oo walaalo ah oo jaar ah”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii urur siyaasadeedka kale ee Rays la midoobay xisbiga KULMIYE, kuwaas oo si rasmiya uga mid noqday xisbiga KULKMIYE kana mid noqday guddida fulinta ee xisbigaasi.

Xisbiyada qaranka ayaa u kala tartamaya ururadii doorashadii ku hadhay, waxaana xisbiga wadani ku biiray urur siyaasadeedkii UMMADDA oo dhowaan loo sameeyey xafladdii uu ku soo biiriyey.

Somalilandpost
Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories