HomeUrur-siyaasadeedyo Cusub: Geeddi Hore Leh! Qaybtii 1aad

Urur-siyaasadeedyo Cusub: Geeddi Hore Leh! Qaybtii 1aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Wariye Cabdishakuur Heersare

Waxa mar kale loo xadhko-xidhay abaabulka, aloosidda, isku dubbaridka iyo qaban-qaabada urur-siyaasadeedyo cusub oo u tartami doona hanashada iyo ka mid noqoshada saddexda xisbi ee Somaliland yeelan doonto tobanka sano ee soo socda.

Waa xod-xodasho iyo sasabasho mar kale siyaasiyiin damac leh ay doonayaan inay ku kasbadaan taageerada bulsho-weynta reer Somaliland, oo la moodo inay quus ka taagan yihiin saddexda xisbi ee hadda jira. Waa hayaan iyo himilooyin siyaasadeed oo hor leh. Waa laab-lakac iyo yididdiilooyin ay dabada ka riixayaan gufaacooyin siyaasadeed oo garabsanaya siyaasiyiin u hanqal-taagaya halabsashada taageerada bulshada.

Maaha wax cusub in siyaasiyiinta damaca lehi ay bulshada ku dhega-barjeeyaan ballan-qaadyo, taageero-raadin, shir-doceedyo, is-dhul-dhigid, is-macaanayn iyo arrimo la hal maala, hasayeeshee waxa iska yar inta ka soo baxda ballan-qaadyada ay sameeyaan. Sababtuna waa mid la isla yaqaan oo siyaasiyiintu waxa godlan yihiin inta ay baahan yihiin, balse marka ay baahi baxaan way gudhaan.

Sagaal sannadood ka dib, waxa mar kale la is-haleelaya oo tartan culusi dhex-marayaa urur-siyaasadeedyo cusub oo dardartooda iyo damacooduba ku jihaysan yahay kala hororsashada teegarada bulshada, kuwaas oo ay gadh-wadeen ka yihiin siyaasiyiin isugu jirta qaar ay bulshadu tijaabisay oo ay dhadhamisay damacooda siyaasadeed iyo kuwo cusub oo aan weli tijaabo-gelin. Waxaase badan inta la dhadhamiyey oo ka kooban qaar dhadhamadii ku dhacay, kuwo in yar ku gudbay iyo qaar darajo sare ku baxay. Siyaasiyiinta urur-siyaasadeedyada kala hogaaminayaana way is garanayaan ee inta aanay luggooyo ku dhicin ha is-bubsadaan.

Dabcan, halgan dheer iyo dagaal culus ayaa loo galay in mar kale la furo ururada siyaasadda, iyada oo la isla qirsan yahay in xisbiga KULMIYE waxyaabihii lagu doortay ay ugu mudnayd ballan-qaadkiisii ahaa: “Haddii aanu talada dalka ku guulaysanno ururada siyaasadda ayaanu furaynaa.” Waxa la la odhan karaa ballan-qaadkaasi wuu rumoobay, laakiin dirqi iyo tu’baas ayuu ku hirgalay.

Waxaana muuqata urur-siyaasadeedyada oodda laga qaaday inay ka dhigan tahay geeddi hor leh oo kuwaajahan cusboonaysiinta nidaamka xisbiyada Somaliland oo hadda u muuqda inuu tabcaan yahay, iyada xisbiyada xilligan jiraa u sansaan eeg yihiin kuwo lumiyey kalsoonidii bulshada iyo taageeradii loo hayay.

La soco qaybta 2aad

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.comheersare2009@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories