HomeUrur-siyaasadeedkii Doorashada ku Hadhay ee RAYS oo si Rasmi ah Ugu Biiray...

Urur-siyaasadeedkii Doorashada ku Hadhay ee RAYS oo si Rasmi ah Ugu Biiray Xisbiga Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Urur-siyaasadeedka Rays oo ku hadhay tartankii doorashda Goleyaasha Deegaanka ee sannadkii hore dalka ka dhacday, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Talada dalka hoggaaminaya ee Kulmiye.

RAYS_KulmiyeMunaasibad loo qabtay isbahaysiga dhexmaray Xisbiga Kulmiye iyo urur-siyaasadeedka Rays oo oo ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo Guddoomiye Muuse Biixi horkacayo iyo guddoomiyaha ururka RAYS Xasan Gaafaadhi.

Kulmiye iyo Rays oo maalmihii u dambeeyey ay u socdeen wada-hadallo ku aaddan sidii ay isu-gaashaan buuraysan lahaayeen, ayaa munaasibaddaas lagu kala saxeexday heshiish qeexaya awood-qaybsi Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Kulmiye_RAYSWaxa Munaasibadda ka hadlay hoggaanka labada dhinac oo si weyn u soo dhaweeyey Midowga dhexmaray iyo siyaasadda ka tarjumaysa heshiiska dhexmaray oo muddooyinkii u dambeeyey si weyn looga soo shaqaynayey.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ururka RAYS ee la midoobay Kulmiye, “Anaga oo markii aynu tartamaynay iyo markii dambaba naawilaynay inuu ILAAHAY isku keen soo celiyo oo aynu mar uun midowno, haddii aad taa naga yeesheen aad iyo aadbaad u mahadsan tihiin, waanuna idinka guddoonay, waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inaynu guul wada gaadhno,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

Kulmiye_Rays2Guddoomiyaha ururka RAYS Xasan Gaafaadhi oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay isbahaysiga dhexmaray Xisbiga Kulmiye, taas oo uu tilmaamay inay u sahli karto helitaanka fursad ay ku gaadhaan damacooda siyaasadeed.

Rays-Kulmiye

Waxa kale oo munaasibaddaas ka hadlay Masuuliyiin ka socotay Urur-siyaasadeedka RAYS iyo Xisbiga Kulmiye kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda midowga dhexmaray labada dhinac iyo miisaanka taageerayaasha Rays ku soo kordhin karaan Xisbiga Kulmiye.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories