HomeUrurka WADDANI oo maanta Dhoolatus Miisaan leh soo Bandhigay, Ololihiisana uga faa’iidaystay...

Ururka WADDANI oo maanta Dhoolatus Miisaan leh soo Bandhigay, Ololihiisana uga faa’iidaystay Xoolo ay u qeybiyeen Cisbitaalada iyo Danyarta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wareegii labaad ee Tartanka Ololaha Doorashada Golayaasha oo maalinta Barri ah soo gabo-gaboobaya, ayaa urur-siyaasadeedka Waddani oo maanta Gobolada iyo Degmooyinka dalka dhoola tus ka sameeyay ay Ololahoodii u beddeleen Xoolo ay u qaybiyeen dadka Jilicsan.

blank
Xarunta Agoomaha Hargeysa

Hoggaanka Sare ee Urur Siyaasadeedka WADDANI oo ay Weheliyaan Murashixiinta Shan iyo labaatanka ah ee uga qayb qaadanaysa Tartanka Doorashada ee Golaha deegaanka ee Caasimada Hargaysa iyo Taageerayaal aad u badan ayaa isugu tagay Huteelka Maroodi jeex ee Bariga caasimadda Hargeysa, halkaas oo munaasibad ballaadhan lagu qabtay.

blankAfhayeenka Urur Siyaasadeedka WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in Urur Siyaasadeedka WADDANI isagoo tixgalinaya Go’aankii Komiishanka Doorashooyinka Qaranku soo saareen ee ay ku hakiyeen Fagaarayaasha magaalooyinka Waaweyn in laga sameeyo isu soo bax ay go’aansadeen Sidii ay Deeqo Xoolo ah ugu caawin lahaayeen bulshadda qeybaheeda Jilicsan. Waxaanu xusay inay 100 neef oo adhi ah u qeybiyeen caasimadda Hargeysa, gaar ahaan Cisbitaalka Dhimirka, Cisbitaalka Guud, Jeelka Weyn, Xarunta Agoomaha iyo Xarunta Darbi Jiifka .

blankSidoo kale Sh Maxamed Cali Geeddi oo ka mid ah Hoggaanka Sare ee Urur Siyaasadeedka WADDANI oo madashaas ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay waajibka u tahay in mar walba wixii wanaag ah la isku guubaabiyo,waxaanu xusay in Ururka Wadani uu u taagan yahay wax u qabashada dadka Jilicsan,iyo sidii ay u heli lahaayeen cadaalad iyo sinaan dhab ah.

blankWaxaa kale oo Halkaasi ka hadlay Qaar ka mid ah Murashixiinta Urur Siyaasadeedka Wadani ee u taagan doorashada golaha deegaanka ee caasimada hargaysa.

Dhinaca kale, Xildhibaan Xasan Cabdi Maxamud (Xasan Xaydh) oo ka tirsan Golaha deegaanka caasimada Hargaysa isla markaana ah Murashax mar kale u taagan doorashada golaha deegaanka ee Urur Siyaasadeedka Waddani, ayaa Taageerayaashiisa kula kulmay Xaafadaha Xawaadle, Sh. Cumar iyo Xaafadda Ayaxa halkaasi oo si miisaan leh loogu soo dhaweeyay.

blankGudoomiyaha Golaha Wakiilada isla markaana ah Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa Taageerayaasha Ururka Waddani ee Magaalooyinka Gebilay,Tog-Wajaale, Dila iyo Boorama, waxa  ay kala qayb galeen isu soo bax ballaadhan oo ay ku soo bandhigeen cududdooda taageero ay u hayaan urur-siyaasadeedka Waddani.

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories