HomeUrur-siyaasadeedka WADDANI oo Cududdii ugu ballaadhneyd ku soo bandhigay taageerayaashiisa Gobollada Dalka

Urur-siyaasadeedka WADDANI oo Cududdii ugu ballaadhneyd ku soo bandhigay taageerayaashiisa Gobollada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hoggaamiyaha urur siyaasadeedka Waddani, ahna Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta khudbad dheer u jeediyay taageerayaasha ururkaasi oo cududooda ku soo bandhigay fagaraaha beerta xoriyadda Hargeysa.

Guddoomiye Cirro, waxa uu Mucjiso ku tilmaamay faraha taageerayaasha Waddani ee isugu soo baxay Hargeysa, ayaa sidoo kale u mahad-celiyey taageeryaasha Waddani oo uu tilmaamay inay muujiyeen cudud daboolka ka qaaday in ururka Waddani u gudbi karo xisbi qaran.

blankMd Cabdiraxmaan Cirro oo ugu horeyn salaan u diraya taageerayaasha Gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa yidhi “Waxaan salaan Wadaninimo u dirayaa dhammaan Waddaniyiinta qiimaha badan ee aanan fursada u helin inaan kala qayb-gallo farxadan weyn, waxaan meel kasta oo aad joogtaan aan qof qof idiinku salaamayaa idiinkuna Mahad-celinayaa taageerada mucjisada ah ee aad u muujiseen Waddani iyo musharixiintiisa, waxaad maanta muujiseen cududiina iyo inaynu ka gudubnay ururnimadii oo aynu xisbi u gudubnay”

blankGuddoomiye Cirro, waxa uu sharaxay siyaasada Waddani ee golayaasha deegaanka “Siyaasadda Waddani ee golayaasha deegaanku waa in la nidaamiyo oo la la tayeeyo oo hagaajiyo golayaasha deegaanka dalka, si ay muwaadiniinta iyo bulshada ugu fidiyaan addeeg wanaagsan, siyaasadda Waddani waxa ka mid ah in la sameeyo guddiyo horumarineed oo ah heer heer deegaan iyo ilaa heer Tuullo, waxa ka mid ah kobcinta dhaqaalaha degmada, iyadda oo laga duulayo nidaam cashuureed oo daah furan, waxa ka mid ah in la bediyo kormeerka iyo hanta-dhowrka si loo ilaaliyo hantida degmada, waxaana ka mid ah waxyaabaha aynu u dooranayno in dadka degmada la siiyo addeegyadda aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin oo ay ka mid yihiin biyaha, laydhka, waxbarashada sida Malcaamadaha iyo Iskuulada hoose, ilaalinta nadaafada, bilicda deegaanka, samaynta cashuuraha caafimaadka, rugaha booliska iyo samaynta garoomo ciyaareed, nidaamka dhul bixinta iyo ilaalinta danta guud, in la siiyo biyo iyo laydh lacag la’aan ah dhammaan Masaajiida iyo Malcaamadaha Qur’aanka”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey isaga oo tusaale u soo qaadanaya Wareysi uu ka qaaday Wariye Axmed Xasan Cawke “Wariye Axmed Xasan Cawke, ayaa waxa uu I waydiiyey inaan ku jiro Guri aan leeyahay ama mid dawladu leedahay ama mid kiro ah, waxaan kaga jawaabay inaan guri kiro ah ku jiro, waxaan filayaa inay layaab ku noqotay, laakiin waxaan idinka rajaynayaa inaad lahaataan amaano (Musharixiinta), arintaasina waxay tusaale u noqonaysaa dhammaan musharixiinta, idinkana (taageerayaasha/shacabka) waxay idiin noqonaysaa damaanad ah in musharixiinta Waddani ay ku sifoobi doonaan karti iyo daacadnimo”

blankGuddoomiye Cirro, waxa uu sheegay in Waddani yahay mid la wada leeyahay “Ururka Waddani waa mid la wadda leeyahay, waxaana ku midoobay, waxa ku soo biiray aqoonyahan iyo siyaasiyiin calculus oo ah labeenta Somaliland, waxaad ka wada warqabtaan in xisbigii UDUB ee dalka soo hogaaminayey 19-ka sanadood uu ku soo biiray Waddani, waxa kale oo aanu idiinku bushaaraynaynaa inay qaar kale oo badana ku soo biiri doonaan ururka waddani, Walaalayaal sababta Waddani la isugu imanayaa waa siyaasada Mudakarka ah ee tudhaalaha ah iyo deganaanshaha oo astaan u ah Somaliland iyo Waddani-ba”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey, “Waxaanu idiinka codsanaynaa ninkii qaaliga ahaa ee Walaalkeen ahaa ee inaga baxay Cabdilaahi Siciid Dheere, waxa kale oo aanu Alle caafimaad uga baryeynaa Xildhibaan Cali Xaaji oo dhaawacmay.”

blankGuddoomiyaha Waddani waxa kale oo uu sharaxay hadafka Waddani ee Mustaqbalka “Hadafka ururka Waddani waa in Somaliland noqoto qaran Madax-banaan, dalkana gaadhsiiya horumar, waxaan dhammaan ugu baaqayaa taageerayaasha ururka Waddani meel kasta oo ay joogaan ilaaliyaan nidaamka, dhaqanka Islaamka, inay u hogaansamaan xeerarka Komiishanku soo saaro,”ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories