HomeUrur-siyaasadeedka WADANI oo soo dhaweeye Wiil dhalinyaro ah oo Beesha Gabooye u...

Urur-siyaasadeedka WADANI oo soo dhaweeye Wiil dhalinyaro ah oo Beesha Gabooye u soo xushay Musharrax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 07 February, 2012 (SLpost) Urur-siyaasadeedka WADANI, ayaa xalay Xaflad soo dhawayn ah u qabtay mid ka mida Beelaha reer Somaliland  ee deggan gobolka Hargeysa, gaar ahaan Caasimadda, oo musharrax uga qaybgeli doona tartanka Xildhibaannada golayaasha deegaanka oo ay beeshu soo xushay u keenay Masuuliyiinta WADANI.

Munaasibaddaas oo xalay lugu qabtay xarunta magaalada Hargeysa ee Urur-siyaasadeedka WADANI, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee WADANI, Masuuliyiinta, Aasaasayaasha iyo qaar ka mida taageerayaasha WADANI, Madaxda, Haweenka iyo Dhalinyarada beesha la soo dhawaynayey.

blankSuldaan Naasir Suldaan Cabdi Shiine oo ah Suldaanka Beesha Gabooye, ayaa sheegay inaanay beeshooda cidi dalka Somaliland ka lahayn, isla markaana beel waliba ay gacanteeda biyo kaga dhergi karto. “Xaqiiqdii Ummadi Sacabbadeeda ayay Biyo kaga dharagtaa oo Ummaddani iyaga ayaa leh dalkan oo meelahaas ayaan ka maqlaa waxaas ayaa nala siiyay, kaasina waa qofka laajiga ah, waar talada dalka   Madaxweyne illaa Gole deegaan ayaannu xaq u leenahay waannu lahaan jirnay oo wax noo diidayaa ma jiaraan. Aniga Aabbahaay waxa uu ka mid ahaan jiray Golaha Deegaanka ee Hargeysa, markaa haddii ay Ummaddan ay talada dalkooda ka qayb-qaadan waayaan oo cidda iyaga ka soo jeedda ee la timaadda han siyaasada ee doonaysa inay u isu sharraxdo Golayaasha Deegaanka ay taageeri waayaan oo iyagu is muujin waayaan waa ayaan-darro. Maanta waxaynu u baahan nahay talo ee waxaan beeshayda leeyahay waa inaad tageertaan inanka isu soo sharraxa ee Golaha Deegaanka.” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Nasir Suldaan Cabdi Shiine.

blankHinda Maxamed Faarax oo ku hadlaysay afka Haweenka Beelaha la hayb-sooco ayaa Xafladdaa ka hadashay, waxaanay tidhi; “Aniga oo ku hadlaya Magaca Haween waynaha Beesha waxaannu  Mubaarik Cabdi Xasan u doorannay musharraxa Golaha Deegaanka Hargeysa inuu iska soo dhex-sharraxo Ururka WAWANI, markaa waannu hambalyeeynaynaa”

Khadar Xuseen Gabiley oo beesha ka tirsan oo isaguna munaasibaddaa ka hadlay, waxa uu sheegay inay jiraan dad badan oo waddaniyiin ka sheegta; “Dad badan ayaa Wadani sheegta dalkana naga xigtaysta hadday Madaxti-nnimadiisa noqoto, laakiin waxaannu aammisan-nahay inaannu dad badan ka Waddani-sannahay oo marka laga eego xirfaddii Waddaniga ahayd gacanta ayaannu ku haynaa. Markaa, waxaannu aammisan-nahay in Ururka Wadani si xoogleh aannu u tageerayno oo aannu ka sharraxno Mubaarik Cabdi Xasan waa nin dhalinyaro ah oo fir-fircoon, haddii Ururka xaggiisa uu tageero ka helo annagu codka waannu siinaynaa.”

blankMusharrax Mubaarik Cabdi Xasan, oo isaguna Xafladda isaga iyo beeshiisa Ururka WADANI ku soo dhaweeyey ka hadlay, waxa uu u mahad-celiyey Madaxda WADANI, Madaxda beeshiisa iyo guud ahaan taageerayaasha ururka. “Maanta ciddaan taageerada ka doonayaa waa dadkayga oo Ururkii wuu I garab-taagan yahay oo wuu isoo saaray, waxaan u baahanay waa taageera iyo codka shacabka marka doorashada golayaasha deegaanka la gaadho.” Sidaas ayuu yidhi Musharraxa tartanka Golaha Deegaanka Hargeysa inuu u tartamo u taagan ee Beeshaas Mubaarik Cabdi Xasan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Wershadaha Xukuumaddii Daahir Rayaale, Axmed Cali Ubaxle, oo munaasibaddaa ka hadlay, ayaa Beesha Gabooye u soo jeediyey inay dedaal badan la yimaaddaan oo ay isa soo saaraan. Waxaanu yidhi; “Waxaan leeyahay ha la dedaalo oo waxaan lagu dedaalin lama helaayo, markaa waxa loo baahan yahay inaad dedashaan, waayo? Qof aan dedaalini wax-ba heli maayo, haddii uu mid idinka mid ahi soo baxo oo mid annaga naga mid ahi hadho waa shuraako la wada leeyahay.”

Xasan Xuseen Codyare, ayaa sheegay in Xafladdani ay ku leedahay isaga dareen gaar ah, waxaanu yidhi; “Aniga Xafladdani waxay ii leedahay dareen gaara oo waxaan idin leeyahay hoos ha isu dhigina oo annagu waa idin soo dhaweenayaa, diyaar ayaannu u nahay inaannu idin soo dhaweeyno.”

Qaar ka mida Xildhibaannada Baarlamanka ee ka tirsan Urur-siyaasadeedka WADANI, ayaa iyaguna halkaa ka hadlay oo soo dhaweeyey musharraxa dhalinyarada ah ee beesha Gabooye u soo xushay inuu u tartamo Xildhibaannimada golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa.

blankGuddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka WADANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo gebo-gabadii munaasibaddaa ka hadlay, ayaa yidhi; “Anigu waxaan si gaara u xasuustaa Cali Ikhwaan Aabbahayna saaxiib ayey ahayeen oo Beeshu marar badan waxay soo galeen doorashadii Deegaanka, waxaan qabaa dorashooyinkii ugu danbeeyay dad badan oo soo bixi jiray-ba way dhaceen, laakiin immika waxaynu ku dedaalaynaa inay Mubaarik aynu ku tuun-tuunsanno inuu soo baxo.” “Kollay waxaan rejaynayaa inay Madaxda Ururka oo dhami u codaynayaan Mubaarik oo annagu wixii aannu la qaban karno waannu la qabanaynaa oo waxaannu doonaynaa inaannu sannadkan soo sharraxno dad dhalinyaro ah oo Mutacallimiin ah.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Urur-siyaadeedka WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories