HomeUrur-siyaasadeedka Wadani oo Qalab Isboorti ku caawiyey Xulka kubadda Cagta Gobolka Maroodi-jeex

Urur-siyaasadeedka Wadani oo Qalab Isboorti ku caawiyey Xulka kubadda Cagta Gobolka Maroodi-jeex

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro ), ayaa shalay qalab Ciyaareed ugu deeqay xulka gobolka Maroodi-jeex uga qaybgalaya Koobka Kubbadda Cagta gobollada dalka oo ka dhici doonaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

blankMunaasibad lagu qabtay Xafiiska urur-siyaasadeedka Wadani ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay xubnaha ururka iyo Xasan Waraaba-cadde oo ka mid ah qurbo-joogga dalka iyo tababaraha xulka gobolka Marooji-jeex  Diridhaba, taageerayaasha Ururka Wadani iyo Marti sharaf kale.

Ugu horren Xasan Waraaba-cadde oo xafladdaa ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawayno qalabka ciyaareed ee urur siyaasadeedka Wadani ku caawiyey xulka gobolka Maroodi-jeex uga qaybgalaya koobka gobollada isagoo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waxay xafladani ku saabsantahay gobolka Maroodi-jeex oo codsi u keentay gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeed Wadani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isaguna ka aqbalay codsigaas.” Xasan Waraabe Cadde waxa uu hadalkiisa sii raaciyey; “Waxaan filaya in waxa lagu tartamo inay Berri ogaadaan dhalinyaradu, sidaan beri dhowaydba aan ku celinayay codsigaas oo ahaa kubbado iyo Dirays tababarayaashu leeyihiin, intani waa wax yar oo kooban. Laakiin, waxaan filayaa in dhaliyarada mustaqabalka dhow wax wayn la tari doono.”

blankGuddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee urur-siyaasadeedka Wadani, Md. Cabdiraxmaan-Cirro, oo Xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay in qalabkan ciyaareed ay iska soo ururiyeen haweenka, dhalinyaradd iyo taageerayaasha kale ee Wadani, si ay ugu caawiyaan xulka gobolka Maroodi-jeex. “Waxa farxad weyn ii ah iyo ururka Wadan inaanu maanta (Shalay) halkan ku guddoonsiino tiimka uga qaybgalaya Ciyaaraha gobollada, gobolka  Maroodi-jeex qalab Isboorti oo kooban oo aannu ugu talogalay inay ku aalamiiteeyaan xulku.”Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

blankGuddoomiyuhu waxa uu intaa ku daray oo yidhil;  “Runtii deeqda yar ee kooban waxay ka timi habeenka iyo dhalinyaradda iyo taageerayaasha Wadani oo wax yar iska ururiyey ayaannu maanta iyada oo ay degdeg ahayd aannu ugu deeqnay xulka gobolka Maroodi-jeex u melatay koobka gobollada.”

Gebagebadii xafladdaas waxa ka hadlay Shabcaan Cabdi Muxumed oo ah Guddoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka Balligubadle oo iska casilay xilkii uu u hayey xisbiga UCID kuna biiray urur-siyaasadeedka Wadani, waxaanu yidhi, “Laga bilaabo maanta (Shalay) waan iska casilay xilkii aan u hayay xisbiga UCID oo waxaan taageeradaydii ku biiriyey urur-siyaasadeedka Wadani. Aniga oo ay  ii soo wakiisheen garabkii dhalinyarada, garabkii haweenka iyo garabkii odayaashu  ee gobolka Hawd waxaanan leeyahay dhammaantayo waxaannu ka mid nahay urur-siyaasadeedka Wadani, halkanna waxaan u soo doontay astaanta iyo Calanka Ururka”

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories