HomeUrur-siyaasadeedka WADANI oo kaalinta koowaad ka galay Madax-taabashada Shacbiyadda ururrada ee Gobolka...

Urur-siyaasadeedka WADANI oo kaalinta koowaad ka galay Madax-taabashada Shacbiyadda ururrada ee Gobolka Maroodijeex

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 19 March, 2012(SLpost)– Urur-siyaasadeedka WADANI ayaa noqday Ururkii Kaalinta koowaad ka galay ururada ilaa hada diiwaan galiyey Kunka qof oo madaxtaabasho ah ee Gobolka Maroodijeex, kuwaas oo ay Gudida Diiwaan galintu shuruud kaga dhigtay Ururadu inay buuxiyaan.

Gudida Diiwaangalinta Ururada Siyaasiga ah ee Somaliland oo ku sugan Magaalo madaxda Gobolka Maroodijeex ee Hargeysa, ayaa waxa ay saaka magaaladani ka bilaabeen diiwaanglainta kun qof oo madaxtabasho ah, kuwaasi oo ka mida shuruuhada lagu kala reebayo ururada siyaasiga ah.

blankKusimaha guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo kumaan kun oo isugu soo baxay fagaaraha garoonka kubadda Cagta ee Dhalinta kacaan ayaa waxa uu taageerayaasha ku bogaadiyey sida ay isugu soo baxeen.

blank“Waxaan faraxsanay kumaankun ka qof ee ah taageerayaasha Ururka Waddani ee isku soo baxay garoonka kubadda cagta ee Dhalinta Kacaan,waan idinka mahad-celinayaa, oo aan idinku boorinayaa inaad nabadgelyada ilaalisaan iyo amaanka guud ahaanba, goob wal oo aad ku sugan tihiin waa inaad sida anshaxa fiican ee ay ku dheehan tahay kalsoonida iyo wanaaga ee aad u isugu soo baxdeen waa inaad goobihiini ku noqotaan. ”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro).

blankMd. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) waxa ku ugu baaqay taageerayaasha Ururka Waddani inay isku xidhnaadaan,isla markaana anshaxa ilaaliyaan inta ay socoto hawsha guddida diwaangelintu sida madax-taabashada ah u tirinayaan taageerayaasha gobolada dalka oo ay shuruud ka dhigeen in Urur kasta Gobolkasta laga helo ugu yaraan qof oo taageersan.

blankSarkaal sare oo ka tirsan guddida diwaangelinta Ururada Siyaasada ayaa waxa uu halkaasi ku tiriyey kumaankunkii qof ee isugu soo baxay Fagaarahaasi, waxaanu si madax-taabasho ah u tiriyey in ka baddan 4000 qof (Afar kun oo qof) oo isku soo baxay,kadib markii uu tiriyey afarta Kun qof ayuu joojiyey.

Waxa saaka madashaasi ku soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka koox si qurux badan ugu labisan dharka hidaha iyo dhaqanka,kuwaas oo qeybaha kala duwan ee Ciyaraha ku soo bandhigay.

blankWejigan labaad ee ay taageerayaasha Ururka Waddani isugu soo baxeen Gobolka Maroodijeex ayaa waxay ku soo baxeen Kaalita kowaad,kadib markii in ka baddan afar kun oo qof isugu soo baxeen garoonka kubadda Cagta ee Dhalinta-Kacaanka, kuwaas oo luxayey, isla markaana qaar ku labisnaayeen calanka Ururka WADDANI iyo calaamada.

Ururka WADDNI ayaa waxa uu ka soo gudbay, isla markaana kaalinta kowaad ku soo baxay Wejigii 1aad ee shalay taageerayaasha Ururka Waddani ee Gobolka Boorame isugu soo baxeen, taas oo uu wacdaro ka muujiyey isla markaana uu ugu dad badnaa.

SLpost News

Hargeysa/Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories