HomeUrur-siyaasadeedka GURMAD oo soo bandhigay barnaamij-siyaasadeedkiisa, soona dhaweeyey taageerayaal ku biiray

Urur-siyaasadeedka GURMAD oo soo bandhigay barnaamij-siyaasadeedkiisa, soona dhaweeyey taageerayaal ku biiray

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 10 February, 2012 (SLpost)- Urur-siyaasadeedka  Gurmad  ayaa xalay xaflad aad u ballaadhan  oo ka qabsoontay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa  ku soo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed, isla markaana ku qaabilay taageerayaal cusub oo ururka ku soo biiray

Xafladaas oo ahayd mid aad loo soo agaasimay  kana soo qayb galeen dad aad utiro badan oo is kugu  jiray masuuliyiinta ururka Gurmad  ardayda jaamacadaha Admas iyo Hargeysa , ayaa dhankale waxaa lagu soo dhaweeyey  garab uu  hogaaminaayo guddoomiyihii  gobolka Togdheer ee ururka dalsan  Keyse Maxamed Faarax oo  isagu sheegay in hadda wixii ka dambeeya isaga  iyo masuuliyiin  hore ug a tirsanaa ururka Dalsan ay si rasmi ah ugu biireen ururka Gurmad .

blankWaxaa ugu horayn xaflaad ka hadlay xog-haya ururka Gurmad mudane  Axmed Daruur Cige  isag oo ugu horayn u mahad celiyey dadkii kala soo qayb galay madasha iyo garabkan ku soo biiray  waxuuna in taa kudary  intaas  in ay tahay markii seddexaad ee ururka le ku soo biiro ururka Gurmad, waxayna ku tusaysaa buu yidhi siyaasad wanaaga  Gurmad .

Waxaa kale oo hadalka jeediyey   guddoomiyihii  hore gobolka Togdheer ee ururka Dalsan mudane Keyse Maxamed Farax  isaga hoosta ka xariiqay in keyse ahaan uu hore iskaga casilay jagadii uu u hayay ururka Dalsan oo uu sheegay in uu u shaqeeyo sidii urur  NgO ah , isga oo arrintaa kahadlaayo waxuu yidhi”  markii aan  arkay in  aan nay jirin  wax kaso conay ayaan g,aan saday in aan  ku soo biiro ururkan gurmad oo siyaasadiitu tahay mid cad oo soo jiidasho leh caawa laga bilaabana waxaan kamid hay Gurmad.”

Intaas  kadib  waxaa isna kalmad ka yidhi madasha  Siciid Maxamuud Cuge oo ku hadlaayay magaca aradyda  jaamacadda Hargeysa  siciid wuxuu sheegay in caawa halkan ay  u yimaadeen sidii taageero buuxada u siin lahaayeen ururka Gurmad oo u sheegay in uu yahay kaliya ee uu hogaaminaayo dad  dhallinyaro ah oo  aqaani haygayso ku  caanbaxay hufnaan iyo karti wanaag  waxaana ka codsanayaa buuyidhi  Siciid inay dhallinyaradu codkooda siiyaan ciddii  u dan ah waxuuna ka codasay musuuliyiinta ururka  Gurmad in aanay dhallinyaradu noqon  kuwii ololaha laga bixi lahaa oo keliya ee laga dhabeeyo wixii loo ballanqaado .

blankArdayda jaamacadaha ka socatay oo aad  uga dhex-muuqay xaflada  ayaa waxaa iyana lagu soo dhaweeyey madasha Xanaan  Maxamed Axmed oo ka socotay jamacadda Admas University. Xanaan waxay u madcelisay ururka Gurmad oo ay sheegtay in haddii uu guulaysto dalka u horseedidoono barwaaqo iyo horumar ballaadhan  waxay intaas ku dartay Xanaan in arday haan iyo dhallinyaro ahaanba taageero buuxda u hayaan ururkan Gurmad .

Waxaa hadlaka lawareegay ina guddoomiye ku- xegeenka  labaad ee ururka Gurmad Xasan Muxumad Taamil wuxuuna kajeediy hadalkooban hadalkiis waxaa kamid ahaa “anagu waxaanu nahay ururka keliya ee illaa hadda  ay saddex urur ku soo biireen dadka waxaanu leenahay oo aan u sheegaynaa in aanu hayno siyaasad cad ee aanaan hay ballaan qaad beena markaa nagu taageera siyaasad wanaag  waan mahsantihiin “ayuu ydhi guddoomiye ku-xegaanka ururka Gurmad .

blankUgu  dambaytii xafladaas oo ahayd mid aad loo soo agaasimay  waxaa hadal dheer oo dhinayo badan leh  ku soo xidhay guddoomiyaha ururka Gurmad  mudane Nuur Faarax  Xirsi  isaga oo sheegay in caawa ay u tahay a habeen farxadeed maadama ay  tahay  xafladii ugu ballaadhnay ee ururku qabsado iyo in weliba ku soo biireen dad aad utiro badan oo kasocada ururka Gurmad , waxakale oo uu faah-faahin ka bixiyey siyaasadda ururka Gurmad   waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “GUrmad waxuu u taagan yahay in uu u gurmadodadka dalka  gaar ahaan dhaalinyarada oo ah ku ugu mudan ee u baahan in si dag dag ah loogu gurmado.“ ayuu yidhi Nuur Faarax.

Mar uu guddoomiyuhu ka hadlaayay  xaaladda dalka Somliland ee hadda ku suganyahay  waxa uu yidhi “dalka waad og tihiinoo waxa uu madaxa lagay xaalad adag oo u baahan in la dareemo waxaan ka codsanayaa dawladda , cuqaash ,wax garadka ,iyo cidwal oo awood u leh  daminta  colaadaas inay si deg-dega ah  wax looga qabto aragti ahaanna waxaan u arkaa xal in lawad hadlo lan wad fadhiisto waayo dagaal waxba laguma xaliyo arrintanuna uma baahna eegsasho ee waa in si dhakhso ah wax looga qabtaa.”

Guddoomihu mar uu ka haddlaayay aragtidiisa  ku waajahan shirka  lagu qabanaayo dalka Britain waxa uu yidhi “ xukuumadda siilaanyo waxaan ku amaanayaa siyaasadda cusub ee ay latimad ee ah in laga qayba galo wixii shirar ah ee ay dani inuu gujirto  taas oo dalka  u soo  hoynkarto waxaan leeyahay waad ku amaanatihiin arrintaas” ayuu yidhi guddoomiye Nuur Faarax  Xirsi .

SLpost News desk

kaafi20@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories