HomeUrur-siyaasadeed la magac-baxay BILIS-XAAWALAY oo Dalka Canada lagaga Dhawaaqay

Urur-siyaasadeed la magac-baxay BILIS-XAAWALAY oo Dalka Canada lagaga Dhawaaqay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankToronto (SLpost)- Marwo Suhuur Xasan Abiib oo ka mida haweenka reer Somaliland ganacsatada ah, ayaa ku dhawaaqday Urur Siyaasadeed la magac-baxay BILIS-XAAWALEY, Isla markaana waxay ku dooday inuu mideyn doono codka cudduda haweenka ee shakhsiyaad gaari dannohooda uun ku gaadhan.

Suhuur Xasan Abiib oo u dhaq-dhaqaaqda arrimaha bini’aadanimada, isla markaana muddo baddan Siyaasada Somaliland ku jirtay, ayaa Warsaxafadeed ay soo saartay maanta.

“Waxaan kaga dhawaaqayaa Magaalada Tontonto ee dalka Canada Urur Siyaasadeed La magac baxay BILIS-XAAWALEY. waa Ururkii ugu horeeyey aniga oo ah haweenay reer Somaliland ahi inaan ku dhawaaqdo maanta oo ay taariikhdu tahay 14.12.2021 Haweenku waa laf-dhabarta qaran, qoyskuna waa qaran.

Maadaama haweenku ay yiihiin tirada ugu badan ee codkooda ku go’aamiya, cida noqonaysa masiirka iyo hoggaanka ummadda, waxaan lagama maar-maan u aragnay in loo baahan yahay , Urur madax bannaan oo mideeya xooga haweenka dalka iyo umaddaba oo kala baahsanaan baddan darteed siyaalo kala duwan ay uga faa’iidaysato shaqsiyaad dannohooda uun ku gaadha.

Taas darteed ururka Billis-xaawaley oo ay ku midoobeen aqoonyahano, kala duwan oo rag iyo haweenba isugu jira, waxaanu noqonayaa hada laga bilaabo, cod baahiyaha rasmiga ah ee Bulshada Haweenka.

Wuxuu dar-dar gallin doonaa oo hal ujeedo iyo hal dan ku mideyn doonaa, xooga dumarka ee aan awal lahayn cid xil gaar ah iska saarta.

Haweenku waa tiradda baddan ugu codeya sidaa daradeed waxa loo baahan yahay inay yeeshaan Urur ay hogaaminayaan oo ay madax u yihiin.”

Marwo Suhuur Xasan Abiib oo ka mida foollaadka jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Canada, gaar ahaan Magaalada Toronto, waxay u dhaqaaqda horumarka bulshada iyo arrimaha bini’aadanimaada.

Marwo Suhuur Xasan Abiib ayaa noqonaysa gabadhii ugu horeysay ee Reer Somailand ee ku dhawaaqda Urur-Siyaasadeed la Magac baxay BILIS-XAAWALAY, arrintan ayaa ku soo beegtay kadib markii ay dhawaan shaacisay Xuuumadda Madaxweyne Biixi inuu furan yihiin Ururadii Siyaasadu, taas oo bulshada reer Somaliland si weyn u soo dhaweysay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories