HomeUrur siyaasadeed cusub oo isu diyaarinaya ka qayb-galka tartanka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka...

Urur siyaasadeed cusub oo isu diyaarinaya ka qayb-galka tartanka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo lagaga dhawaaqay magaalada Birmingham ee dalka UK

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Birmingham, (SLpost)- Urur siyaasadeed la magac baxay SHACAB oo ka mid noqon doona ururrada siyaasadda ee Somaliland ayaa dorraad lagaga dhawaaqay magaalada Birmingham ee dalka Boqorotooyada Ingiriiska.

blank
Guddoomiyaha Ururka

Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayay daah furka ama asaaska furitaanka urur siyaasadeedkan ayaa lagu qabtay magaaladan ayaa waxa ka soo qayb galay xaflada daah furka urur siyaasadeedka ‘SHACAB’ gudoomiyaha ku meel gaadh ka ah ee ururka Mudane: Dalmar C/laahi Diiriye iyo xoghayaha guud ee ururka Mudane: Maxamed Xassan Gabay. Waxaa kaloo kasoo qayb galay xaflada daah furka urur siyaasadeedka SHACAB C/raxmaan A. Ismaaciil Suldaan Xirsi Qani.

Farxaan Maxamed Cali Qoys iyo qaybo ka mid ah jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham.

Khudbadii halkaa uu ka jeediyay gudoomiyaha ku meel gaadh ka ah ee urur siyaasadedka SHACAB Mudane: Dalmar C/laahi Diiriye waxaa ka mid ahaa, isagoo faahfaahin ka bixinaya waxa ku dhaliyay inay furaan urur siyaasadeed xiligan la joogo iyo weliba goobtan ay joogaan ee UK amaba Europe wuxuu yidhi.

Urur Siyaasadeedka Cusub ee ‘SHACAB’ wuxuu ka dhashay baadhitaan qoto dheer iyo xidhiidh balaadhan ooy wada sameeyeen dhalinta reer Somaliland ee ku dhaqan qaarada Europe gaar ahaan UK iyo dhalinta ku dhaqan dalka gudihiisa waa dalkeena hooyo ee. Baadhitaan kaa dheer ka dib waxaanu ogaanay/ helnay baahida dhabta ah ee ay dhalinta reer Somaliland gudo iyo dibedba u qabaan urur siyaasadeed cusub oo ka turjumaya baahida shacabka guud ahaan, gaar ahaana dhalinta Somaliland.

Urur kani waa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagaga dhawaaqo qaarada Europe kana turjumaya baahida dhabta ah ee dhalinta Somaliland gudo iyo dibedba.

Ujeedooyinka Urur Siyaasadeedka SHACAB anigoon halkan ku soo koobi karin waxaa ka mid ah sida aad magaca ururka ka aragtaan, ‘SHACAB’

SH. oo u taagan Sharciga.
A.   oo u taagan Aqoonta,
C.   oo u taagan Cadaalada,
A.   oo u taagan Ammaanka,
B.   oo u taagan Bulshada.

Dhamaan arimahaa kor ku xusan  iyo qaar kaloo badan ayuu diyaar u yahay inuu wax ka qabto Urur Siyaasadeed ka SHACAB.

U codee Urur Siyaasadeed ka SHACAB.
Kalsoonidaada sii Urur Siyaasadeed ka SHACAB.
Ku biir Urur Siyaasadeed ka SHACAB.

Ilaah Baa Mahad leh,, Somaliland Baa Guul leh.

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeed ka SHACAB.

Mudane: Dalmar C/laahi Diiriye.

Email: guleid111@hotmail.com

Mobile:07888732123/ 07960600765.

Gudida qabanqaabada Urur Siyaasadeedka SHACAB

Birmingham,

UK

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories