HomeUrur-siyaasaddeedka Wadani oo qalab Ciyaareed gudoonsiiyey mid ka mid ah Kooxaha...

Urur-siyaasaddeedka Wadani oo qalab Ciyaareed gudoonsiiyey mid ka mid ah Kooxaha kubadda Cagta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa,18 February 2012 (SLpost)- Urur-Siyaasadeedka Wadani ayaa maanta xafiiskiisa saddexaad ee dhalinyarada qalab Isboorti ku gudoonsiiyey kooxda kubadda Cagta ee Jabbaan. Munaasibada oo ay ka qaybgaleen Cabdiqani Sadiiq Maxamed oo ku hadlayay afka xafiiska ee dhalinyaradda ee ururka waddani iyo Xildhibaanka uga sharaxan golaha deegaanka xisbiga wadani ee gobolka maroodi-jeex   Dayib Aadan X. Cali iyo Gudoomiyaha kumeel-gaadhka ah ee gobolka Maroodi-jeex Shiine Idirs iyo kooxda la gudoonsiinayay qalabkan iyo marti sharaf kale.

blankUgu horeyn waxa madasha ka hadlay Cabdiqani Sadiiq Maxamed oo ku hadlayay afka xafiiskan dhalinyaradda, ayaa sheegay in uu ururkan hadaf ka leeyahay dhalinyarada iyo sidii isboortiga kor loogu qaadi lahaa isagoo arrimaha ka hadlay waxa uu yidhi “Madashan aynu maanta isugu nimi ee aynu ku gudoonsiinayno qalaabka isboorti kooxda Jabaan. Runtii urur Siyaasaddeedka Wadani iyo hadafka siyaasadeed ee uu ka leeyahay xagga dhallinyarada, runtii ururkani waa urur jecel inuu dardar-gaaliyo oo uu dhiiri galiyo dhallinyarada Somaliland”Ayuu yidhi Cabdiqani Sadiiq Maxamed

Waxaanu inta ku daray hadalkiisii “Wuxuu maanta dhalinyaradeena u suurta galiyey inay ka qaybgalaan Siyaasadda oo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ahna Guddoomiyaha kumeel gaadhka ah ee Urur Siyaasadeedka Wadani, waxa oo mar walba soo dhaweenayaa inay dhalinyaradu ay ka qaybqaadato siyaasada dalka.Runtii Xafiiskani waa xafiiska dhammaan dhalinyarada  u furan.”

Isna waxa madasha ka hadlay xildhibaanka uga sharaxan ururkan Wadani gobolka Maroodi-jeex Dayib Aadan X. Cali, ayaa dhalinyaradda gobolka marooji-jeex ka codsanay inay ururka wadani si fiican ula shaqeeyaan “Waxaan dhamaan u mahad celinayaa marti-sharaftan ka soo qaybgashay xafladdan, maanta waxa weeyaan dhallin yarada gobolka Maroodi-Jeex inay si wacan ay ula shaqeeyaan Ururka Wadani. Marka kooxdan  Jabaan waxaan ku faraxsanahay inay tahay koox la shaqaynaysa urur Siyaasadeedka Wadani kuna xidhnaan doonta xafiiska dhallinyarada ee magaaladda Hargeysa.”Ayuu ku soo koobay hadalkiisii Dayib Aadan X. Cali oo

Sidoo kale waxa isna halka ka hadlay gudoomiyaha kumeel-gaadhka ah ee gobolka maroodi-jeex Shiine Idiris, ayaa aad ugu mahadnaqay dhalinyaraddan xafiiskan oo ku yaboohay qalab kubadeed inay gaadhsiiyaan kooxda Jabaan  “Horta waxaan aad ugu mahaadnaqayaa dhalinyarada xafiiska gobolka Hargeysa,  ee iyagu kartidoodii tijaabiyey inay wax idinku caawiyaan. Markaa waxaan idinkana laydinka baahanyahay in aad dad kale wax sii dartaan oo aydaan odhan idinku kaligiin wax doonta,”Ayuu yidhi gudoomiyaha kumeel-gaadhka ee gobolka Maroodi-jeex Shiine Idiris

Gebgebadii munaasibada waxa ka hadlay kabtanka kooxda Jabaan, ayaa aad ugu mahadnaqay urur siyaasadeedka Wadani “Waxaan halkan maanta mahad uga jeedinayaa Urur Siyaasadeedka Wadani, kaas oo maanta noo hirgaliyay inaanu qalab isboorti aanu halkan ka qaadano, waxaanu si gaara ugu mahad celinaynaa dhalinyarada xafiiska Gobolka Maroodi-Jeex oo noo suurta galiyay inaanu. helno qalabkan isboorti. Waxaanu ururkan wadani la garab taagan nahay tageero oo aynu is-garab taagno.”Ayuu yidhi kabtanka kooxda Jabaan.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories