HomeUrur-goboleedka IGAD oo markii u horeysay ka hadlay Mawqifka ay ka aamisan...

Urur-goboleedka IGAD oo markii u horeysay ka hadlay Mawqifka ay ka aamisan yihiin Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Urur-goboleedka IGAD, ayaa markii u horeysay ka hadlay mawqifkooda ku aaddan wada-hadallada ay dawladda Turkigu dhex-dhexaadinayso ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee IGAD ugu xil-saaran arrimaha Soomaalida, Danjire Maxamed Cabdi Afey oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa socdaal shaqo ku joogaan dalka, ayaa sheegay in mawqifkooda la xidhiidha wada-hadallada u dhexeeya labada waddan la mid yahay mawqifka beesha caalamka ka qabto, isla markaana ay taageersan yihiin in wax kasta lagu dhammeystiro wada-hadal.

IgaddDanjire Afey iyo xubnaha ku wehelinaya weftigiisa oo shalay ka qayb-galay qado-sharaf wasiirka arrimaha dibadda u sameeyey, ayaa mar wax laga weydiiyey mawqifkooda la xidhiidha wada-hadallada, waxa uu ku jawaabay, “Wax walba oo wada-hadal loo galo waanu soo dhawaynaynaa, wada-hadalka hadda lagu jiro waa wax aanu dhiiri-gelino, arrimaha oo kalena waa arrimo talo ahaan aanu kala simannahay caalamka. wax walba in wada-hadal lagu galo waa shayga kaliya ee muhiimaddu ay tahay,” ayuu yidhi Dajire Afey.

Waxa kale oo uu ka hadlay qadiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo qaabka uu urur-goboleedka IGAD ugu gudbin doono war-bixinta ay weftigiisu ka diyaariyaan socdaalkooda Somaliland, waxa uu kaga dhawaajiyey muhiimadda ay leedahay in la tixgeliyo rabitaanka dadka iyo horumarinkooda. “Wixii ay shacabkani samaysteen, waxa muhiim ah in la gudbiyo oo la sheego oo la ogaado waxa ay yihiin,” ayuu yidhi Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Maxamed Cabdi Afey iyo weftiga IGAD ee uu gadh-wadeenka u yahay, ayaa Axaddii todobaadkan safarkooda shaqo ku soo gaadhay Somaliland, waxaanay kulamo la qaateen Madaxda laamaha dawladda oo isugu jira Wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo shir-guddoonnada labada Aqal Baaralmaan.

Hoggaamiyaha weftiga IGAD oo ka hadlay ujeeddada socdaalkooda Somaliland, waxa uu sheegay inay Masuuliyiinta Dawlada kala hadli doonaan doorashooyinka la filayo sannadka 2015-ka inay dalka ka qabsoomaan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories