HomeUrur-goboleedka IGAD oo Dowladda Ruushka kala Hadlay Saldhig Milatari oo uu ka...

Urur-goboleedka IGAD oo Dowladda Ruushka kala Hadlay Saldhig Milatari oo uu ka Samaysto Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Ruushka oo Xarun Caafimaad lagu daweeyo Cudurka Kansarka ka dhisaya Ethiopia

Moscow (SLpost)- Urur goboleedka IGAD iyo Dowladda Ruushka, ayaa ka wada-hadlay hirgelinta dhismaha Saldhig Milatari oo dalkaasi qorsheynayo inuu saldhig Milatari ka samaysto Somaliland.

Dowladda Ruushka ayaa bishii April ee sannadkii 2018-kii shaaciyay qorshe ay ku damacsan yihiin inay saldhig milatari ka samaystaan magaalada Saylac, sida uu shaaciyey wargeyska Daily Nation oo soo xignaya ilo-wareedyo dhanka dibloomasiyadda ah.

blank
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka iyo Xoghayaha Fulinta IGAD

Haddaba, arrinta ku saabsan Saldhigga Miltari ee Ruushku ku doonayo inuu ka samaysto Somaliland ayaa lagaga hadlay kulan todobaadkii hore magaalada Moscow ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov iyo Xoghayaha Fulinta Urur-goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu.

Sida ay warbaahinta Somalilandpost.net ka soo Xigatay Wakaaladda Wararka Sputnik oo waraysi la yeelatay Sarkaalka ugu sarreeya Urur goboleedka IGAD, kulanka labada masuul dhex-maray ayaa lagaga hadlay arrinta ku saabsan saldhigga Milatari ee Ruushku hore u sheegay inuu ka samaysanayo Somaliland, arrintaas oo uu xusay inay u muujiyeen mid aanay taageersanayn.

Dr. Gebeyehu oo la weydiiyey suurto-galnimada in Ruushku Saldhiga Milatari ka samaysto Somaliland, waxa uu sheegay inay dowladda Ruushka u furan tahay Xidhiidh iyo wada-shaqayn dhexmarta dalalka gobolka, balse ay muhiim tahay in la xaqiijyo inaanu khatar ku aheyn xasiloonida dalalka gobolka.

“Ruushka wuxuu leeyahay siyaasad dibadeed oo aad u fiican oo ay ka mid tahay inaanu soo faro-gelin arrimaha gudaha ee dowladaha xubnaha ka ah IGAD. Taas waanu taageersanahay. Ma dooneyno faragelinta arrimaha gudaha ee xubnaha IGAD, laakiin waxaan dooneynaa inaan iska kaashanno la dagaalanka argagixisada iyo inaan gobolka ku soo dabbaalno nabad waarta.” Sidaas ayuu yidhi Sarkaalku, waxaanu intaas ku daray “Ma doonayno in la carqaladeeyo geeddi-socodka nabadda gudaha, in hal waddan ama gobolka laga dhigo goob lagu tartamo”.

Sidoo kale, War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka oo lagaga hadlay natiijada kulanka dhexmaray labada masuul Arbacadii todobaadkii hore oo warbaahinta Somalilandpost.net heshay, ayaa lagu sheegay in qodobbada ugu muhiimsan ee khuseeya arrimaha ammaanka ee laga wada-hadlay yihiin sidii nabad-waarta looga dhalin lahaa Koonfurta Suudaan isla markaana looga wada-shaqayn lahaa sii xoojinta dedaallada loogu jiro xasilinta Soomaaliya.

Dhanka kale, Sarkaalkani waxa uu sheegay inay Dowladda Ruushka u soo bandhigeen iskaashi iyo caawimooyin dhinaca horumarka iyo adeegyada Arrimaha bulshada ah oo laga fuliyo dalalka gobolka, gaar ahaan sidii magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia looga hirgelin lahaa dhismaha Xarun Caafimaad oo lagu daweeyo Cudurka Kansarka.

“Waxaanu ka dhisi doonnaa Addis Ababa Xarun heer sare ah oo Kansarka lagu daweeyo. Dowlada itoobiya waxay na siisay dhul aan ugu tala galnay ujeedadaas. Waxaana ka codsanay teknolojiyadda, Agabkan iyo maalgalinta Xaruntan. Tani waa arin kale oo aan soo qaaday kulankii Wasiirka Arimaha Dibada Sergey Lavrov, isna si wanaagsan ayuu uga jawaabay,” ayuu yidhi Gebeyehu.

Xoghayaha IGAD waxa uu sheegay in Rabitaanka Iskaashiga ee ay Moscow kaga codsadeen dhismaha xarunta cusub ay salka ku hayso Aqoonta dhinaca Caafimaadka ee Ruushka, waxaanu xusay in hirgelinta mashruucani gacan ka geysanayo Xoojinta xidhiidhka qoto-dheer oo dhexmara Ruushka iyo Bariga Afrika.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories