HomeUrta Hawada iyo Walxaha Beddela (Air Fresh) – W/Q: Cabdifataax Maxamed (Ceelaabe)

Urta Hawada iyo Walxaha Beddela (Air Fresh) – W/Q: Cabdifataax Maxamed (Ceelaabe)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Saynisyahano badan Ayaa Ku Mashquulsan Sameynta iyo soo saarida Udgoon Badala Dareenka Hadba hawada la qaadanaayo ku Jira. Mar waxaad Dareemeysaa Hawo nadiif ah oo aan Waxyeelo laheyn,Mar in ay Ur xuni la socoto Neefta aynu Qaadaneyno ayaa Dhinaca kale Sankeenu Dareemayaa, Qiiqa, Urta, Waxa Gubanaaya,Neecawda saxansaxada Roobka,iyo Guud ahaan Isbedelada ku Cusub Dareenka Urta aadamiga ayaad si fudud u garwaaqsaneysaa.Qofku Marku uu qaato Neef ahaan Hawo Adag ama ur Xuni ku Jirto waxa ku Bilaabma Daal,Caajis,Diiqad,Xanuuno,Matag,Wuxuuna ku dedaala in uu isku Dhejiyo Hawada,isaga oo Doonaya in aanu Urin mar danbe urtaasi inta uu Dhaafaayo.Mar kale Hawada Udgoonka iyo urta kugu Haboon lihi waxa ay sababtaa in aad Dareento Degenaan iyo Jawi Xasilooni ah,Nasasho,Firfircooni Maskaxeed iyo Qofka oo Shaqadiisa sida ugu fiican u wata.

Dareenka Urta ee Aadamigu waa Mid lagu kala Duwan yahay,Dad badan waa hore Ayaaba Wax kasta isaga Dhexyaaceen,Xaalad iyo Jawi aaney kala Jecleyn waxa uraaya ayey ku Jiraan,Wax kula Qadhmuun ama kula ur Xun Ayaa mid kale la udgoon.Saliid kasta oo aad Marsaneyso,Dareere kasta oo Cadar ah iyo Kiriim kasta oo aad isticmaasho ayaa lagu xushaa Urta iyo udgoona dadka iyo naftaba u wanaagsan ee ku Jira.Waxaad Cadarka u isticmaaleysaana maaha in dadku soo eegaan halka Udgoonkani ka soo baxaayo,waase in aad jeceshahay in aad abuurto Jawi Xasilooni ah oo Adiga iyo dadkaba u wanaagsan dhinaca urta iyo Hawadaba.Shaaha aynu Cabeyno,Bunka aynu Shubaney iyo Guud ahaan Macmacaanka aynu Cuno ayaa leh ur mid kasta u khaas ah oo lagu Aqoonsado laguna Jeclaan karo.

Laga bilaabo Xamaamka ilaa Gadhigaaga dhexdiisa maanta waxa ku daba socota Airfresh u gaar ah,Hawooyin ur, magacyo kala duwan,,qiimayaal kala duwan oo shirkado kala duwani soo saareen.kuwo la buufinaayo,kuwo bootaamo la marsado ah,kuwo sida uumiga hawada raaca,kuwo adag oo meel la sudho,qaabab iyo noocyo kala duwan ayey u soo baxeen.ganacsiga laga sameeyey urta udgoon Ayaa aduunyada 8 Billion sannad kasta lagu qiyaasa.qeybkasta iyo meel kasta oo nolosheena ka mid ah ayaa AirFresh gaar ah loogu sameeyey.suuqa iyo ganacsiga iibinta noocyada kala duwan ee hawada udgoon ayaana ah mid sannadkasta sii koraaya.hawo ubax ku Jiro,Mid Liin Macaan kaaga ureyso,MidTufaax ku Jiro,Mid wadata Urta noocyo ka mid ah waxyaabaha lagu Daro Jalaatada iyo ugu danbeynta Mid leh Strawberry” ayeynu ugu Isticmaal badanahay.Hawadaasi wey ku Nasineysaa,kuna soo Jiidaneysaa.

Meelo badan markaad gasho Sida Hudheelada,Xafiisyada,Guryaha,Xarumaha dadku isugu yimaado,Meheradaha Ganacsi,Baabuurta Dhexdooda gaar ahaan kuwa dadku sida gaar ah u wato,Waxa aad kala kulmeysaa in laga Isticmaalaayo Nooc ka mid ah Hawada Udgoon ee Iibka ah oo ah mida uu Jecelyahay qofka meeshaasi lihi.Inta Dareenka urtu weli sii Noolyahay ayaana degdeg u aqoonsaneysa Nooca Hawada udgoon ee Sankoodu sii raacaayo.Waa Udgoon Gacan samee ah,Waa Hawo gaar ah oo Qiimo Jaban,Meel kastana maanta lagu iibinaayo.

Markaad booqato Meheradaha qurxinta baabuurta ee ka mid ah Spareparts ee aad weydiiso Airfresh baabuurta Waxaad Halkaasi ku arkeysaa noocyo iyo qeybo kala duwan,inta shirkada iyo muuqaal iyo magac iyo Midab soo taala Dukaamadaasi inta Hawo iyo ur udgoon kugu sugeysaa Tiro ma leh.Sida loo iibsanaayo loona Guranaayo Ayaa ku tuseysaa iibka ka Ganacsiga Airfresh.Baabuurta Dhalinyarta ayaana ugu badan kuwa u iibsada si Joogto ah.

Aan Sii Raacino Halista Caafimaad Daro iyo Xanuunada laga qaado Isticmaalka badan ee Airfreshta kala duwan,Gaar ahaan kuwo Hawada iyo Udgoonka adag leh.Wadanka Mareykan 14 ka mid ah Noocyada ugu caansan ee la isticmaalo oo baadhid lagu sameeyey waxa la ogaadey in 12 ka mid ah ay ku badan yihiin Walxaha isku Jirkooda laga sameeyey Airfreshtan,gaar ahaan Maadada Phthalates,Arintaasi oo sababatey in Shirkado badan suuqu ka Xidhmo.Mana garan karno in kuwo badan oo wadamo ka mamnuuc ah wadankeena la keeno.

Gebagebadu waxa ay tahay,Hawadaasi Caafimaadka qabta ee Bilaashka ah wax Dhaama ma Jiraan,Caafimaadka iyo Dhaqaalahana iyada Ayaa u wanaagsan,Qofku marka uu sii weynaadana waxa si fudud u dhiba Noocyo badan oo Udgoonka ka mid ah oo Dhalinyarnimadii uu aad u jeclaa.Keliya Daaqa iska Fur si aad u hesho Hawo iyo Cadceed Caafimaadkaaga wanaajisa.Airfresh.Apple Airfresh,Strawberry Airfresh.

 

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories