HomeUnugga Wadaniyadda Somaliland Oo Baaq Ku Wajahan 18ka May U Diray Bulshada...

Unugga Wadaniyadda Somaliland Oo Baaq Ku Wajahan 18ka May U Diray Bulshada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Unugga wadaniyadda Somaliland (Somaliland Patriotism Cell) ayaa baaq u diray bulsho weynta reer Somaliland, bulshada caalamka iyo dalka aynu jaarka nahay ee Somalia. Unugga Wadaniyadda oo warbaahinta qaranka fariintan mariyay ayaa waxay aad ugu nuux-nuuxsadeen sida ay Gooni isutaagga Somaliland u tahay Muqaddas meelna looga soo wada jeedo xukuumad iyo shacbiba, iyagoo guud ahaan shacbigana ku booriyay inay u diyaar garoobaan maalinta qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland ee 18ka May.

unugga wadaniyaddaUgu horrayn Guddoomiyaha Unugga wadaniyadda Somaliland, Mudane C/rashiid Cumar Maxamed ayaa Bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasibadda 18ka May ee foodda inagu soo haysa, uguna baaqay in si wada jira loogu wada diyaar garoobo xuska maalintii dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland oo ah maalintii ay Somaliland dib ugala soo noqotay Madaxbanaanidii ay 1960kii kula hungawday Midawgii Soomaali weyn, isagoo bulshada u bayaamiyay in ay Unug ahaan sidii sanadihii hore looga bartay oo kale uga qayb qaadan doonaan xuska maalintan qaran ee ku wayn quluubta muwaadiniinta u dhashay Somaliland. Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxu hambalyo u diray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu ku hambalyeeyay Go’aankii Geesinimada lahaa ee uu ka qaatay shirka aan Somaliland waxba uga Oolin ee dalka aynu jaarka nahay loogu qabanayo magaalada London maalmaha Foodda inagu soo haya, taasi oo uu sheegay in Dawladihii uu soo maray badankoodu ay rabeen inay ku qanciyaan madaxwaynaha ka qayb galka shirka London balse uu madaxwaynuhu isagoo ixtiraamaya Qadiyada madaxbanaanida dalka iyo Go’aanka shacabka si cad u naqdiyay ka qaybgalka shirkaasi, bulsho waynta reer Somaliland oo dhammina ay ku bogaadiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka Unugga, Mudane C/risaaq Jaamac Nuux ayaa isaguna si mug wayn uga hadlay halgankii uu dalkani soo maray iyo midhihii u dhalay oo maanta ay umadda reer Somaliland hadhsanayaan, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland iyo Somaaliya aanay ahayn Dal kala go’ay laakiin ay yihiin laba dal oo kala gurtay, maadaama aanay assalkoodii horeba isku mid ahayn oo ay kala ahaayeen laba maxmiyadood oo ay kala guumaysan jireen laba ka mid ah Guumaystayaashii reer Yurub ee qaaradda Africa boobay, Somaliland-na ay ka da’ waynayd Soomaliya marka loo eego Xoriyaddii ay kaga hoos baxeen Guumaystaha, balse Umadda reer Somaliland iyagoo waqtigaasi Qadarin u hayay Soomaali midawda ay si bila shuruuda ugu biireen dalwaynihii laysku odhan jiray Somaliya.

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sheegay in walaalaha reer Somaliya ee maanta ku baaqaya in Soomaali la mideeyo, aanu u sheegayno buu yidhi in dadka reer Somaliland iyagu ay ka jeclaayeen Soomali midawda taasna ay caddayn u tahay sidii bilaa shuruudda ahayd ee ay xoriyaddii ay saddex cisho gacanta ku hayeen dib ugu gacan galiyeen Soomaliweyn, balse maanta aanay suuragal ahayn umaddanina yar iyo wayn ay ka damqanayso wixii ka soo maray midawga, dhamaantoodna ay ka go’an tahay in madaxbanaanida Somaliland ay tahay lama-taabtaan. Waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay dhul nabdoon oo iskii u tashaday, Ilaahayna ku galladay nimco iyo nabad gelyo, ay waajib tahayna in looga mahad celiyo inbadan. C/risaaq waxa uu carrabka ku dhuftay in Dalka aynu jaarka nahay la yidhaahdo Somaliya balse aanay habboonayn in la yidhaahdo “Koonfurta Soomaliya” oo inta badan ay ku hilmaaman shakhsiyaad badan oo ka mida bulshada, Masuuliyiintuna ay ku jiraan, taasina waxay ka dhigan tahay ayuu yidhi “hadii aad tidhaa Koonfurta Soomaliya inaad aqbashay inaad adigu tahay Waqooyiga Soomaliya” taasina aanay qabanin himilada iyo hiigsiga Umaddani leedahay oo ah in ay helaan xuquuqdooda dawladnimo Bulshada caalamku u aqoonsato dal jira oo ka mida dawladaha Adduunka. Sidoo kale waxa uu hambalyo  u diray shucuubta reer Somaliland ee kula nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, waxa uu si gaara ugu amaanay Qurba-jooga reer Somaliland sida wanaagsan ee ay uga qayb qaatan muujinta dareenka dhabta ah ee ay reer Somaliland ka midaysan yihiin, ugu danbayntii waxa uu Bulshada ku nool Dalka gudihiisa ugu baaqay in ay si fiican ula shaqeeyaan Gudida Heer qaran ee madaxweynuhu u magacaabay qaban qaabada xuska 18ka May, qof walibana uu nabad galyada aan haysano ilaaliyo kuna fara adaygo oo aan lagu hallayn oo kaliya Ciidamada Ammaanka.

Axmed Xusseen Maax, oo ka mid masuuliyiinta Unugga ayaa isaguna Eray dardaarana u diray Bulshada Gabi ahaanba ku nool dacalada Dalka isagoo ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan oo ay muujiyaan shucuurtooda ku aaddan maalintan qaran ee wayn kuna daabacan quluubta inta ku abtirsata Jamhuuriyadda Somaliland, cadawgana meel looga soo wadajeesto, nabad galyadana la dhawro, Inta ku hawlan waynaynta Xuska 18ka May oo ay ugu horreeyan gudida uu madaxwaynuhu magacaabayna si wanaagsan loola shaqeeyo, loona fududeeyo sidii ay si habsami ah leh u gudan lahaayeen hawlaha loo xil saaray ee aynu wada leenahay.

Maaha markii ugu horraysay ee ay Unugga wadaniyadda Somaliland baaqan oo kale diraan balse waxay had iyo jeer soo saaraan baaqyo ay ku guubaabinayaan bulshada in laga qayb qaato habsami u socodka hawlaha qaranka soo wajaha ee ay ugu wayn yihiin, Xusaska maalmaha qaranku leeyahay iyo Doorashooyinka dalka ka dhaca isla markaana Nabad gelyada loo wada ilaalin lahaa.

Unugga Wadaniyadda Somaliland

Hargeisa-Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories