HomeUNHCR Oo Kenya Uga Caqli-celisay Go’aankeedii In La Celiyo Qaxoontiga Soomaalida

UNHCR Oo Kenya Uga Caqli-celisay Go’aankeedii In La Celiyo Qaxoontiga Soomaalida

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi, (SLP)- Hay’adda Qaramada Midoobay  u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR ayaa ku boorrisay madaxda dalka Kenya inay dib u eegaan go’aankii ay soo saareen ee ahaa in qaxoontiga Soomaalida ah ee Dhadhaab ku jira dib loogu celiyo dalkooda muddo saddex bilood gudahood ah.

Warsaxaafadeed ay hay’addu kasoo saartay maanta magaalada Nairobi ayay ku sheegtay inay diyaar u tahay inay kala shaqayso xukuumadda Kenya sidii loo fulin lahaa qodobbadii ku jiray heshiiskii la gaadhay ee ahaa inaan qasab lagu rarin qaxoontiga Dhadhaab ku nool. Sidoo kalena ay Kenya kala shaqayn doonaan ka difaacidda shacabkeeda iyo qaxoontiga kooxaha weerarrada kusoo qaadaya dalkooda.Qoxooti_Soomaaliyeed_Kenya_to_Somalia

“Mas’uuliyiinta Kenya waxaanu ku boorinayaa inay tixgeliyaan codsigayagan,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ay hay’adda UNHCR kasoo saartay xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Sabtidii todobaadkan madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto sheegay inay hay’adda UNCHR ka dalbadeen inay muddo saddex bilood gudahood ah dib ugu celiso Soomaaliya qaxoontiga ku jira xeryaha Dhadhaab.

Ruto ayaa sheegay in xeryaha Dhadhaab ay noqdeen meelo ay Xarakada Al-shabaab kasoo abaabusho weerarrada ay ka gaysanayso dalkeeda, waxaanu intaas ku daray in Kenya ay ammaanka waddankeeda ka hor-marinayso ilaalinta sharciyada caalamiga ah ee dhowrista qaxoontiga.

Sidoo kale, UNCHR waxay walaac xooggan ka muujisay in si qasab ah loogu celiyo gudaha Soomaaliya qaxoontiga ku jira xeryaha Dhadhaab-Kenya, waxayna ku sheegtay qoraalkeeda in weli Soomaaliya aanay ka jirin xasillooni amni oo la isku hallayn karo.

“Hay’adda UNCHR si dhow ayay ula shaqaynaysaa dawladda Kenya, innagoo si fiican ula soconna xaaladda amni ee xilligan ka jirta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ka jirta iyo weliba hanjabaadaha soo wajahaya,” ayaa mar kale lagu yidhi war-saxafadeedka UNHCR. Waxaana intaas lagu daray. “Sidoo kale waxaan aqoonsanahay waajibaadka xukuumadda ee lagu xaqiijinayo amniga shacabkeeda iyo dadka kale ee dalka ku nool oo ay ku jiraan qaxoontiga.”

UNHCR waxay xustay inay kala shaqaynayso dawladdaha Soomaaliya iyo Kenya sidii loo ilaalin lahaa heshiiskii qaxoontiga ee ahaa inaan qaxoontiga ku nool Kenya lagu qasbin inay si qasab ah ugu laabtaan dalkoodii, laakiinse ciddii ogol loo fududeeyo in la geeyo halka ay doonayso.

“Si kastaba ha ahatee, hadda UNHCR ma aragto qorshe qaxoonti fara badan lagu celin karo Soomaaliya, waayo qaybo ka mid ah dalka waxaa weli ka jira xaalado deganaansho la’aan, gaar ahaan deegaannada Koonfurta Soomaaliya ku yaalla,” ayay hay’addu ku sheegtay qoraalkeeda.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay xustay in la sameeyay tijaabo qaxoonti doonayay inay si is-kood ah ugu laabtaan magaalooyin ku yaalla Soomaaliya bishii December 2014-kii, kuwaasoo lagu celiyay magaalooyinka Luuq, Baydhabo iyo Kismayo.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories