HomeUmusha isku go’day, hooyada haraadan iyo dhallinta tahriibtay cashuurtoodi cid gaara dheefsatay!

Umusha isku go’day, hooyada haraadan iyo dhallinta tahriibtay cashuurtoodi cid gaara dheefsatay!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Mudane fooq bineeyay mooshinkii kadib, waaka aayahaygii maalinba nin fiilo ku dhisanaayo. Shaqo la’aanta iyo busaaradda dhallintu ka tahriibayso sababteedu waata muuqata. Markii la weelayn waayay cashuurtii ummad ee masuuliyad lagu maamuliwayay waata lakala boobay ee badh baan ku dhacday iyo baloodho lakala siistay. Hiigsi asaageen aynu gaadhnaa innaga dheer inta hantida ummad horror la doortay higaayo, kan jooga ee waraaboobay iyo ka soo socda haduu dhabaha maro rajadu mugdigaasay ku jiraysaa.Waan ka xumahay xildhibaano fooqaq seeskoodu bineeyay oo hantidii ummad jeebka loogu shubay, dhiilo hilashada iyo cashuur hiigid waa dub u dhaca inna ragaadshay.

dhdh

Nasiib darro weeyaan in lagu laaluusho xidhibaanocashuurta ummad oo lagu boobo hantida ummada, ogolin haddi la mariyo sharciga oo la caddeeyo baahidakeentay xaraashka hantida, sababta loo iibinaayo ee loo wareejinaayo,ganacsatada si xora oo xalaala loo tartansiiyo, xisaabta lacagta laga qaadana xasibaadka qaranka ee ummada lagu shubo oo loo qorsheeyo halka la gelinaayo ee manfac ummada u leh. Intala qaybsanaayo ee qaydhinka lagu qaybsanaayo hantida ummada aamusimayno oodamiirkeenu yeelmaay sida eega arrin yahay, haddi hebelo jeebka loogu shubaayo hantida ummada ka dhaxaysa waa khiyaamo qaran iyo xatooyo aan xeer lahayn.

Haamaha hadda laga taajiray ee galbintooda iyo wareejintooda laga hodmayo ummaday ka dhexeeyaan,kalasii gudaaya ee iibinaaya iyo ka hareerta la haya ee baqshiishka qaadanayaba waa masuuliyin qaranka loo dhaarshay. Qarsima jiro oo waa badheedh boobku, waxa feedhka laysugu hirgisayaa ee loo kala xishoonwayay saw danta-guud dabkaan saaraya iyo ha cuninmaaha?MadaxweyneSiilaanyo sidaan ka maqlay waayeel musuqa wuu necbaa hadeer haddu ogyahay xaalku halkuu maraayo kama aammusene malaha xantii la sheegayay iyo taladii sida xeedhada la wadaagayay waxbadani run ka yihiin, haddu badheedhayo oo ogyahay xatooyada hantida qaranka madaxnimooy hoog!

WaagiiRiyaale dalka hoggaminaayay ee la iibiyay guryihii shacabka Siilaanyo siduu uga dhiidhiyi jiray waxay rajo gelin jirtay shacabka doortay oo waxa la filaayay inuu ku tuntuunsan doono xannaanaynta danta guud inta hadhay. Xannaanohaba joogtee hadh cadbaa dantii guud siday u kala qaalisanayd lawareejiyay, guryo waa saleelee wrshdii laydhka, haamaha oo hadda loo ham iyo digleeyay, dekedoo hunguraynteeda meesha ka maqanayn , buurihii oo badhna la baadhay badhna ajaanib loo xayndaabayo, intaas iyo inkaloo badanba sharciga lama marin xeerna lama waafajin waa badhka hadhay adna ha hanbayn. Dhiidhigii waqtigaasi wuxuu ahaa noo daaya annaguna aanu intaa xaraashnee, qoladan wax laga dhaxalaayaba ma jiraan Eebbow qaadir inay ciidankana wareejiyaan oo yidhaadan shirkadaasa dayctiraysa hadhay ilay laga xishoon waa meelo muhiim ahaayee.

Masuuliyiinta danta guud xalaalaystay qaadirna waa eegayaa bulshaduna way ogtahay, xisaabi way danbaysaa maalin lays waydiin doono hantida ummada ee la xalalaystay. Mudane madaxweyen hadaad inuun xogogaal tahay xaalka dalka ka hadal oo danta guud caynaan badbaadsha noqo, madaxweyne

 masuuliyadda dhaarta Alle aad ku martay ilaali oo adkee amaanada ummadu kuu dhiibtay, wasiirada milyaneerada noqday dhunkaalbay dhitaysteen waxay ka hodmeen cashuurta umusha isku go’day, agoonta qatan, ubaxa tahriibay ee saxaraha, badda iyo magafaha ku le’day. Hooyadaharaadan, hanti maaha maandhoow ee waa naar waxaad kiishka iyo baanka ku cabayasay.

Maxamed Sidiiq Dhamme

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories