Home"Ummadi Goormay Jabtaa Oo Foof-daran Habow Ku Dhacaa..." Sheekh Aadan Siiro

“Ummadi Goormay Jabtaa Oo Foof-daran Habow Ku Dhacaa…” Sheekh Aadan Siiro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SL.Post) Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee kaga hadlay xaalada siyasaadeed ee Somaliland , gaar ahaan Heshiiskii Dekedda iyo Isbeddelkii Xukuumaddu lagu sameeyay.

 

 

Sheekh-Aadan-Xaaji-M

 

 

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Waxaan ka hadlayaa Erayga BEENTA la yidhaahdo oo ku bata Ummad Hoggaankooda iyo dhibaatada uu ku yeelan karo Ummaddaa la hoggaaminayo, Islaamkuna aad buu uga digay BEENTA. BEENTA waxa ka hadlay Axaadiis badan, marka Xaaladi timaaddo waxa dhaqan u ah Dadka Muslimka ah ee meeshaa jooga in Dadka Sahanka u ahi inay noqdaan (Hoggaamiyeyaashu) Dadka ugu Runta badan, ugu aragtida dheer, Daacadnimo badan, shaqadaa loo diranayana noqonaya Dadka la is-leeyahay waa kuwii ugu Habboonaa.”

 

 

Sheekh Aadan waxa kale oo uu ka hadlay, “Dhacdooyinkii ugu dambeeyay, ha ahaato Isbeddelkii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay Xukuumadda ama ha noqoto Heshiiskii Dekedda Berbera oo madmadow badani uu ilaa Maanta ku jiro, oo aanu aad u cadcaddeyn ama noqoto Murannada ka jira Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex, arrimahaas oo dhammaantood ah Arrimo aad u xasaasiya. Waxaad Mooddaa xaydaabkaa ku xeeran inaan weli la helin Hoggaan Runta ka sheega oo Caddeeya waxaasi waxa ay yihiin, si Dadka Cilmiga iyo Garashada u Saaxiibka ahi u taageeraan markay fahmaan wuxuu yahay waxaasi.” Ayuu ydihi Sheekuhu

 

 

Waxaanu intaa ku daray, “Waxaan doonayaa inaan Xasuusinayo Naftayda iyo Inta u saaxiibka ah Cilmiga,  Garashada iyo daneynta Dalkan yar ee aynu doonayno inay ku dhisno Ururinta, Diinta iyo ALLE ha Cabsiga dhowr Xadiis oo aan is leeyahay hadday Qalbigeenna gasho wax badan bay ka tari kartaa Xaaladaha aynu mareyno. Xadiiska koowaad, waa Xadiiska uu soo Saaray Al-imaamu Bukhaari ee uu Weriyey Abaa Sacaada Al-khudari….Xadiisku wuxuu leeyahay Nin reer Baadiye ah, ayaa u yimid Rasuulka (CSW) waxaanu ku yidhi, Nebi Alloow waxaad in badan ka digtay Qimaayaha waxa Bani-aadamka soo gaadhaya, ee Saacaddu goor may imanaysaa si aanu uga digtoonaano ?. Rasuulku wuxuu si kooban ugu jawaabay, ‘Saacaddu waa marka la dayaco Amaanada’. Laakiin Ninkii Reer Baadiyaha ah wuxuu Rasuulka mar kale waydiiyey, side amaanada aad sheegayso loo dayacayaa, maxaanu ku garanayna?, Rasuulku (CSW), wuxuu ugu jawaabay, “Talada marka loo dhiibo Dad aan ehelkeeda ahayn Qimaayihii wuu taagan yahay ee ka diyaar-garow” buu Rasuulku (CSW) ku yidhi Ninkii (Su’aasha waydiiyey).”

 

 

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha keena in Ummaddi Jabto oo ay khasaarto, “Ummadi goormay Jabtaa oo foof-daran habow ku dhacaa?, Ummadi goor may yoolkeedii ka habowdaa ?, Ummadi goormay dib u jeedsataa, halkay hore ugu socon lahayn ?, waataa uu Rasuulku (CSW) ka warramayo..Rasuulku wuxuu waydiiyey Saxaabada Ma taqaanaan Ninka la yidhaahdo wuu kacay ?. Waa Ninka isagoo aad u shaqeystay oo Hanti badan lahaa Aafo Rabbaani ahi ku dhacdo ayaa Qalbigii saxaabada ku soo dhacday, laakiin Rasuulku wuxuu yidhi, “Waa Ninka Qimaayamaha Imanaya isagoo Camal badan sameeyay, Salaado badan tukaday, Xajka tagay, in badan wax bixiyey, laakiin wuxuu isa soo taagayaa buu yidhi Rasuulku (Faro-madhnaan), Waayo ? waxa looga qaaday (Wanaaggii uu soo shaqeystay) Dadkii lahaa Hantidii uu u indho-saabay Dadka, iyo Hantidii Gaarka ahayd ee uu indho-saabay. Qofka kacana Islaamku wuxuu u yaqaanaa Qofka caynkaas ah. Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi, waxa iman doonta Sanado Dadka la Foof-daran Habaabiyo, Beenta looga dhigo RUN, Runtana looga dhigo been. Wakhtigaa waxa RUN sheegi noqonaya Beenaalaha, waxa Dadka hor-galaya Beenaalaha, Wakhtigaa waxa Dadka u ilo-bixinaya kii ay Dadka Saalixiinta ahi odhan jireen “Annagu lama dhaqanno kuwa Beenta sheega..ee ay wejiga kaga qoran tahay…Waxaana Wakhtigaa la beenin doonaa ka RUNTA sheega…waxa la aamini doonaa kii Hantida Ummadda laga ilaalinayey ee Khaa’inka ah..waxa la odhan doonaa kii Aaminkaa ahaa..waxa Ummadda Afkooda ku hadli doona Mid aan waxba kala sooceyn…” ayuu  Rasuulku (CSW) yidhi….Haddaad is tidhaahdo Kan Been u sheeg, Kan kalena been u sheeg oo sidaa Ummadda ku hoggaami, Adigoo lagaa doonayo Go’aan Ummadeed, way soo urureysaa (Taladu), dabadeedna waxay keenaysaa In Dadku is-qabsadaan. Waa Calaamadaha Qiyaamaha marka Hoggaanku Ummaddu ay Dadka Been ku maaweeliyaan, marka Hoggaanka Ummaddu ay wixii dadka lagu kala saari lahaa Been geliyaan. Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi, wuxuu hoog u sugnaaday ka Dadka u sheekeeya ee been sheegaya si loogu qoslo.”

 

 

 

Sheekhu wuxuu khudbaddiisa ku soo qaaday Dambiyada ugu waaweyn oo ay ka mid tahay Been abuurku, waxaanu yidhi isagoo faahfaahinaya, “Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi, Dambiyada waaweyn waxa ka mid ah hadalke been abuurka ah. Ummaddu goormay jabtaa?, waa markay Runta isku sheegi waydo, waa markay Dadka aqoonteeda leh waxba waydiin waydo, waa markay Dadkeeda Wanaagsan Dibadda u tuurto. Waxaanu leenahay waar Dadka Foof-daran Habowga ha laga daayo, waar Qofka Arrin ku xidhan yahay yaanu Dadka Foof-daran habaabinin, Waayo? Fidnadaasi waxay keenaysaa in Dadku isku dhacaan, waxay keenaysaa in Dadku Sabab la’aan isku dilaan, fidnadaasi waxay keenaysaa inay Dadkoo dhan wada gaadho.”

 

 

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), waxa uu tilmaamay in ku Tafri-falka Waxa Ummadda ka dhexeeyaa uu halis ku yahay Hoggaanka Ummadda, “Rasuulku wuxu yidhi, waxa imana doona Dad isku xeera Madaxda, kuwaas oo Been u sheega Dadka, si la isku qabsado, Dulmina way samaynayaan, kuwa noocaas ah kuwa u gala ee rumaysta Beentooda ee Dulmiga ay samaynayaana ku kaaliya, Kaas Aniga igama Mid aha ayuu Rasuulku (CSW) yidhi, iyaguna igama mid aha….” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey, “Ku Tasarufka Waxa Ummaddu ka dhexeeyaa wuxuu halis ku yahay Hoggaanka Iyo Horu-socodka Ummaddu leedahay.”

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories