Home“Ummadda Somaliland waxay dunida tuseen kartida, awoodda iyo isku kalsoonida ay leeyihiin...

“Ummadda Somaliland waxay dunida tuseen kartida, awoodda iyo isku kalsoonida ay leeyihiin inay noqdaan Qaran dhisan oo si buuxda u shaqaynaya” Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay degenaanshaha Somaliland ka hirgalisay mandaqad ammaan darro aafaysay, waxaanu beesha caalamka ugu baaqay inay gaadhay xilligii Somaliland la aqoonsan lahaa, madaama ay muddo 25 sannadood ku siman aqoonsi la’aan ku soo dedaalaysay, kuna dhistay deganaansho iyo dawladnimo.

 

War qoraal ah oo madaxweynuhu mahad ugu celiyay golaha degaanka degmada Tower Hamlet ee magaalada London oo dhawaan aqoonsaday Somaliland ayuu ku sheegay in la gaadhay wakhtigii dunidu tixgalin lahayd xaq Somaliland u leedahay citiraafka.

Warsaxaafadeedka Madaxweynuhu wuxuu u dhigan yahay sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumaddiisa iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu halkan MAHADNAQ BAAXAD LEH uga dirayaa Duqa magaalada, Golaha Deegaanka iyo guud ahaanba shacabka ku nool Degmada Tower Hamlets ee bariga London. Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Somaliland waxa farxad iyo sharaf weynba u ah inuu ku hambalyeeyo kuna bogaadiyo Golaha Deegaanka ee Degmada Tower Hamlets tallaabadii ku dhaca iyo geesinamadaba lahayd ee ay qaadeen taasoo ay 18-kii November 2015 cod aqlabiyad ah ku aqoonsadeen Qarannimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Mudanayaasha Golaha Degaanka ee Degmada Tower Hamlets guud ahaan, gaar ahaana Mayor H.W. John  Biggs iyo Xildhibaan Amina Axmed waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kaasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan baahida weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa. Codka aqlabiyadda ah ee ay Golaha Degaanka ee Degmada Tower Hamlets ku aqoonsadeen Qarannimada dalkayagu waa tallaabo ku dayasho mudan taasoo ay ku kasbadeen dareenka iyo quluubta shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waana mid ku suntanaan doonta xasuusta ummaddayada oo aanu idiinku hayno abaal weyn oo aan duugoobaynin. Sidoo kale shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxay u mahad naqayaan cid kasta oo isku hawshay qadiyadda Somaliland oo talo ama taageero ka geysatay.

 

Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, muddo ku dhow 25 sano waxay dedaal dheer iyo xusul-duub-ba ugu jireen inay helaan aqoonsi iyo ictiraaf buuxa si ay uga mid noqdaan Beesha Caalamka. Dhinaca kale, ummadda Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo ku nool gobol ay colaado iyo khataro halis ahi ku gedaaman yihiin, haddana waxay ku guulaysteen inay dhistaan nabadgelyo waarta, degenaansho iyo xasilooni. Jamhuuriyadda Somaliland waxay si dhab ah ugu guulaysatay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo hannaanka Xisbiyada badan. Ummadda Somaliland waxay dunida tuseen kartida, awoodda iyo isku kalsoonida ay leeyihiin inay noqdaan Qaran dhisan oo si buuxda u shaqaynaya.

 

Tallaabada ay qaadeen Golayaasha Degaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlets waa tallaabo geesimo leh oo mudan inay Beesha Caalamku kaga dayato. Ugu dambayntii farriinta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u dirayo Beesha Caalamka waxay tahay: “Waxaa la gaadhay xilligii ay Beesha Caalamku gar-waaqsan lahayeen masuuliyaddooda ee ay la iman lahaayeen go’aano ku dhac leh oo ay ku aqoonsanayaanJamhuuridda Somaluland.”

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Jamhuuriyadda Somaliland ha noolaato,

 

Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories