HomeUma-Tudheyaasha Qoysaskoodu, Qaranka Waxba uma Aha

Uma-Tudheyaasha Qoysaskoodu, Qaranka Waxba uma Aha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

WQ Xuseen Cali Nuur

Masuuliyaddu waa ammaano, waxaanay diinteenu ina baraysaa in qof kastaa uu masuul yahay, hase ahaatee ay ku kala duwan yihiin xilka saaran. Masuuliyadda waxa u saldhig ah oo ay ka unkantaa aabbaha qoyska, waxaana u sarreeya Madaxweynaha.

Ammaanadu waxay u baahan tahay ku dhaqan Caddaalad, Sinnaan iyo wadatashi. Waxa la isweydiiyaa in dadka aan tudhaale u lahayn qoysaskoodu inay noqon karaan kuwo u tudhaya shacbiga intiisa kale.

blankQof kasta oo miyir qaba, hadaf kasta iyo ujeeddooyin kala duwan inkasta oo uu leeyahay, waxa uu og yahay in shacbigu yahay hantida ma guuraanka ah ee dal leeyahay.

Hantidaa oo u saldhig ah midnimada, deganaanshaha iyo horumarka dalku u baahan yahay. Dadka xilalka qabtaana waxay shacbiga kale kaga duwan yihiin wakhtiga xilalka loo dhiibtay ee ay hayaan oo xaddidan. Heer kastaba masuuliyadda qofku hayaa ammaano if iyo aakhiraba lagula xisaabtami doono.

Ammaanada oo sida diintu ina farayso loo fuliyo faa’iidada, waxtarka iyo sumcadda ay leedahay- waxa tusaale ahaan inoogu filan doorashadii isku sidkanayd ee shacbi, xukuumad iyo mucaarid fahamka, wada-tashiga iyo wada-shaqeynta lagu qabtay. Natiijadooduna waxay noqotay sumcad caalamiya oo Jamhuuriyadda Somaliland yeelatay iyo lahaanshaha dareen waxqabasho oo midaysan oo lagu xaqiijin karo rabitaanka shacbiga iyo aayaha dambe ee dalkaba.

Ammaanada oo sida ay tahay aan loo fulinin dhibaatada, silica, rafaadka iyo deganaansho la’aanta ka dhalata waxay leedahay waxa tusaale ahaan nooga filan xaaladda maanta ka jirta dalalka aan dariska nahay sida Soomaaliya oo kale oo lagu cibro qaato.

Maanta shacbi, xukuumad iyo mucaarid oo doorashadii u tahay tilmaan waxqabad, waxa sugaya waajibaad loo baahan yahay in aan loo kala hadhin oo loo baahan yahay in si degdeg ah wax looga qabto.

Dad aan tudhaale u ahayn qoysaskooda, qarankana waxyeelo mooyee aan waxtar laga filayn ayaa ku hawlan sumaynta da’yarta dalka. Waxay u adeegsanayaan maandooriye heerka garaadkooda waxbarasho iyo waxqabashaba wax u dhimaya.

Waxa loo baahan yahay in Xukuumaddu kordhiso dedaalkeeda ay kula dagaalamayso xashiishada. Ciidanka Booliska oo hawlo waxtar badan leh qabtayna ay sii dardar geliso isla mar ahaantaana ay ku abaalmariso.

Mucaaridka waxa laga sugayaa inay diirradda ay saaraan siyaasadda mid ka badan oo ka baaxad weyn ay u yeeshaan la-dagaalanka Maandooriyaha Xashiishada, si ay u badbaadiyaan gaar ahaan taageereyaashooda, guud ahaana shacbiga iyo qoysaskooda.

Dawladaha Hoose oo ku ammaanan tallaabooyinka ay qaadeen ee ku waajahan nadaafada, saldhigna u ah caafimaadka dadka degaannadooda ku nool; waxa looga baahan yahay inay mudnaan siiyaan la-dagaalanka Xashiishada iyo ma-naxeyaasha ka ganacsada.

Ururrada bulshada, kuwa samofalka iyo Hay’adaha Xuquuqda u dooda inay ka qaybgalaan wacyigelinta shacbiga ee lagu baraarujinayo waxyeelada Xashiishadu u leedahay qofka, qoyska, bulshada iyo hawlahooda.

Qoysaska waxaan xasuusinayaa ma-tudheyaashani in aanay damaanad u hayn, danaysi mooyaane, badbaadada ubadka ay dhaleen, ooryaha ay qabaan iyo inta la noolba. Sidaas daraadeed maadaama oo hooyooyinku yihiin kuwa dhibaatada ugu weyni soo gaadhi karto, inay waxyaabaha ay ku tuhmaan inay lug ku leeyihiin xashiishada, khamriga iyo wixii edeb-darro ah ay kala xidhiidhaan ciidammada Bilayska iyo maamulka dawladaha Hoose.

Aan iska qabano ma-naxeyaasha ma tudheyaasha ah inta aanay qaranka dhaawac u geysan.

Xuseen Cali Nuur
Hargeysa
Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories