HomeUkraine iyo Xooggaga Mucaaradka oo heshiis Xabbad joojin ah kala saxeexday iyo...

Ukraine iyo Xooggaga Mucaaradka oo heshiis Xabbad joojin ah kala saxeexday iyo Hanjabaadda Isbahaysiga NATO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kiev (SLpost)- Dawladda Ukraine iyo Malleeshiyaadka Mucaaradku ku ah ee Ruusku taageero, ayaa maanta kala saxeexday heshiis lagu soo afjarayo dagaalka shanta bilood ka socday Bariga Waddankaas.

Labada dhinaca ayaa caawa kala saxeexday heshiiska oo u muuqday inuu hakiyey dagaalkii socday, haseyeeshee kooxaha Mucaaradka ah waxa ay sheegeen in xabbad-joojinta la gaadhay aanay Isbeddel ku samaynin siyaasaddoodii ahayd inay ka go’aan waddanka Ukraine intiisa kale.

ukraineIyada oo ay sidaas tahay, waddamada reer Yurub waxa ay sii adkeeyeen cuna-qabatayn ay ku bartilmaameedsadeen shakhsiyaadka u dhashay dalka Ruushka iyo kuwa gacan-saarka la leh ee dhaqaalaha ku caawiya maleeshiyaadka xornimo-doonka ah ee ka dagaalamaya Bariga Ukraine.

Gobollada ku yaala Bariga Ukraine ee dhinaca Xuduudka Ruushka oo ay deggen yihiin dad Asal ahaan u dhashay Russia, ayaa mucaaradad ay ku doonayaan gooni-u-goosad ku bilaabay dawladda Ukraine, ka dib markii uu Ruushku ku guulaystay inuu waddankiisa raaciyo gobolka Crimea oo bishii May ee sannadka ka go’ay dalka Ukraine, ka dib markii Afti laga qaaday shacabka ku nool oo u badan qoomiyadda Tatars-ka oo tacaddiyo iyo in la faquuqayo ka tirsaday waddanka Yurub.

ukraine-crisisDagaallada Muddada Shanta bilood ah ka socday bariga Ukraine, waxa ku naf-waayey 2,600 qof tan iyo markii maleeshiyaadku kacdoonnada hubaysan ka bilaabeen bariga Ukraine, halkaas oo ay gebi ahaanba la wareegeen magaaooyinka waaweyn, taas oo sababtay in Milatariga dalka Ukraine lagu daad-gureeyo labada gobolka ee Donetsk iyo Luhansk. Halw-gallada Milatariga Ukraine ayaa hakiyey isla markaana dib u riixay awooddii milatari ee malleeshiyaadka, haseyeeshee waxa ay ciidamada Ukraine meelo badan ka qabsadeen deegaamo fara-badan.

Maalinimadii hore ee maanta Jimcihii saacado ka hor intii aanu heshiisku dhaqan-gelin, waxa dagaallo lagu hoobay ku dhexmareen ciidamada Ukraine iyo Malleeshiyaadka magaalooyinka Donetsk iyo Mariupol, iyada oo la sheegay in cutubyada Taangiyada ee ciidamada Ukraine ay dib uga gurteen fadhiisimadii ay ku lahaaayeen duleedka magaalada Mariupol.

Heshiiska La kala Saxeexday

Heshiiska lagu gaadhay xabbad-joojinta maanta hirgashay, ayaa ka soo baxay Kulamo kala duwan oo maalmihii u dambeeyey ka socday caasimadda waddanka Belarus ee Minsk oo goob-joog ka ahaayeen madaxweynihii hore ee Ukraine, wufuud ka kala socotay Mucaaradka iyo Dalka Ruushka, waxaana dhex-dhexaadinta iyo wada-hadallada labada dhinac ka soo shaqeeyey Ururka Ammaanka iyo Iskaashiga ee Yurub (OSCE).

Labada dhinac, waxa ay ku heshiiyeen in la joojiyo dagaalka ururka OSCE waxa u dammaanad-qaaday inay dusha kala soconayaan xabbad-joojinta.

NatoMadaxweynaha dalka Ukraine Petro Poroshenko ayaa sheegay in heshiiska xabbad-joojinta ahi ka shidaal-qaadanayo 12 qodob oo qorshe nabadeed ah, kuwaas oo uu ka mid yahay in La sii-daayo Maxaabiista la kala haysto oo loo ballamay fulintiisa maalinta Sabtida ah.

“Waxa aad muhiim u ah in xabbad-joojintu noqoto mid lagu waaro, inta xabbad-joojintu socotana waanu sii wadaynaa wada-hadallada siyaasadeed si aanu u suurto-galinno nabad iyo deggenaansho,” sidaa waxa yidhi madaxweynaha Ukraine.

Hawl-galka Gaashaan-buurta NATO

Hoggaamiyeyaasha waddamada ku jirta Isbaahaysiga NATO oo maalmihii u dambeeyey shir uga socday gobolka Wales ee boqortooyada Ingiriiska, ayaa ku heshiiyey in la sameeyey Ciidamo dalal kala duwan isugu jira oo awood u leh in lagu hawl-galiyo muddo 48 saac ah haddii loo baahdo.

NatoKa dib markii uu soo xidhmay kulanka labada maalmood uga socday Wales, guddoomiyaha Isbahaysiga NATO Anders Fogh Rasmussen, ayaa sheegay in faro-gelinta Ruushku ku sameeyey dalka Ukraine ay baraarujin ku abuurtay isbahaysiga isla markaana ay dhiirri-gelisay abuuritaanka ciidamada sida deg-degga ah u hawl-gala ee waddamada NATO.

Haseyeeshee, waxa hadalka isbahaysiga NATO si casho leh uga jawaabay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Ruushka. “Sida loo dhigay dhawaaqa ka soo yeedhay NATO ee la xidhiidha xaaladda Ukraine, qorsheyaasha la shaaciyey inay dalkaasi gudihiisa si wada-jir ah uga sameeyaan dhoola-tus Milatari, waxay dabka ku sii hurinaysaa xaaladda jirtay,” sidaa waxa lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories