HomeUjeeddooyinka Gurracan Ee Wasiirka Waxbarashadu Ka Leeyahay Machadka Tababarka Macallimiinta

Ujeeddooyinka Gurracan Ee Wasiirka Waxbarashadu Ka Leeyahay Machadka Tababarka Macallimiinta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waa qaybtii saddexaad ee qoraallo aan ku eegaynnay marinka gurracan ee Wasiir Geedoole qaaday intii uu hayay Xilka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland. Maqaalkii hore waxa ka soo jawaabay qof aan ujeeddada aan ka lahaa qormadii ku saabsanayd “Sida uu Wasiir Geedoole u dayacay dhismaha Akadamiga Fanka iyo Cilmiga”.

Saxaafadda waxa aan ka arkay Wasiir Geedoole iyo madax kale oo furaya Machadka Tababarka Macallimiinta Somalilad 25kii Julaay 2015ka, kaas oo fadhigiisu yahay Hargeysa. Xaruntan waxa aasaaskeeda lahayd Wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxa kaliya ee uu Wasiirka Waxbarashadu ku soo kordhiyay waxa ay kala yihiin:

  1. In uu xaruntan madax uga dhigay Maxamed Cabdillaahi Buuni oo ah macallin ka soo jeeda Gobolka Awdal oo ay Wasiirka isku degaan yihiin. Wasiirku wuxuu sidoo kale la-taliye u magacawday wiil Suldaan la yidhaahdo oo reer Boorama ah. Waxqabadka ugu weyn ee Wasiir Geedoole waxaynu ku sheegi karnaa in uu tolkii shaqo siiyay. Tallaabooyinkani waxay inoo caddaynayaan in uu qarannimadii ka leexday oo uu qabyaaladda u baydhay.
  2. Wasiir Geedoole waxa uu tababar u furay macallimiin dugsiga hoose/dhexe ah. Berigii hore waxa bareyaasha la siin jiray lacag bas-raac ah oo dhammayd $5. Laakiin isagu siday ilo ku dhawi xaqiijiyeen waxa uu ku yidhi “haddaad iman weydaan waxaan idinka jarayaa mushaharka”. Halkaa waxa ka cad in uu dulmi ka galay macallimiinta oo uu xaqoodii weecsaday, isla markaana uu tacaddi sameeyay si uu dhaqaale u urursado.
  3. Wasiir Geedoole waxa uu albaabbada u laabayaa qaybtii tababarka macallimiinta ee Jaamacadda Camuud oo soo saartay kumannaan macallin oo Somaliland ka faaiiday. Waxaana jira khilaaf baahsan oo u dhexeeya Camuud iyo Wasaaradda Waxbarashada. Dhaqaalihii ay Jaamacadda Camuud ku heli jirtay aqoon-kordhinta macallimiinta ayuu kiishad cusub u samaystay.

Waxa ayaan-darro in macallimiinta wax ka dhigaysa Machadka Tababarka Macallimiinta ee tababareyaasha ah in lagu xusho weji-garasho. Iyada oo la leeyahay “Haayad ayaa siinaysa $500”. Habeennadan dhawaydna waxa nin jeclaysi lagu qoray shaqaale badan. Waa mid ka mid ah waxqabadka weyn ee Wasiir Geedoole ku faanayo ilaa hadda.

Markaynu eegno hab-dhaqanka Wasiir Geedoole waxaynu odhan karnaa “waxa si qaldan loogu magacaabay Professor”. Wuxuu ahaa macallin wax ka dhiga dugsiyada sare. Nin ay isku reer Yemen ahaayeen ayaa yidhi “Waxan ogaa isaga oo macallin ka ah dugsi sare oo Yemen ah. Goorma ayuu Professor noqday”.

Aqoontiisu waxay ahayd heerkii la odhan jiray BB. Dirqi ayay Jaamacadda Cammuud ugu oggolaatay in uu wax ka dhigo. Hab-dhaqankiisa waxa tusaale kuugu filan sidii anshaxa ka baxsanayd ee uu toddobaadkan ugu jawaabay Axmed Muummin Seed oo ah Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Xisbiga WADDANI, isaga oo yidhi “Waxa ka hadliyay jaahilnimo iyo edeb-darro”. Labada erey ee uu Faarax Maxamuud Cilmi “Geedoole” adeegsaday waa kuwo liita, waxaanan jecelahay in aan xaal iyo raalli-gelin ka siiyo masuulka mucaaridka ah ee uu ku gefay ninka ku magacaaban Wasiirka Waxabrashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

 

Ugu dambayntii waxa aan Geedoole guddoonsinayaa

  1. Shahaadada musuqmaasuqa
  2. Billadda Af-xumada
  3. Liisanka qabyaaladda

 

Yuusuf Cabdi Muuse

yusufabdi9999@gmail.com

0634169949

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories