HomeUjeeddada Wefti ka socda dalka Denmark oo dalka yimi kulamona la yeeshay...

Ujeeddada Wefti ka socda dalka Denmark oo dalka yimi kulamona la yeeshay Madaxda Dawladda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 31 January, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha JSL Mudane Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wasiirka dalka Denmark u qaabilsan arimaha iskaashiga & Horumarinta Christian Friis Bach oo dalka booqasho ku jooga isla markaana daboolka ka qaaday inay Somaliland ka furanayaan Xafiis farsamo oo wada shaqayneed.

blankMadaxweynaha JSL Mudane Axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlayey weftigaa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada ay Somaliland ku yimaadeen weftigan reer Denmark, iyadoo wadanka Denmark uu yahay mid ka mid ah dalalka Somaliland ka taageera dhinacyada arimaha bulshada.

Madaweynaha JSL waxa uu xusay in Denmark ay tahay dal aynu saaxiib nahay kaalin weyn ugu jirta horumarka ay samaysay Somaliland isla markaana waxyaabahii ay weftigan ka wada hadleen ay u badnaayeen sii xoojinta xidhiidhka labada dhinac, iyagoo wadankeena wax kala qaban doona barnaamijyo horumarineed oo kala duwan.

blankGeesta kale Wasiirka  iskaashiga & horumarinta ee dalka Denmark Christian Friis Bach  ayaa kulankaasi ka sheegay in Somaliland ku amaanan tahay degenaanshaha & xasiloonida ay samaysay isla markaana uu muuqdo doorka ay ka qaadan karto arimaha geeska afrika, isla markaana ay dawladiisu  diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalmada ay siiso Somaliland si taasi wax weyn uga tarto nolosha aadamaha gaar ahaan dhinacyada arimaha bulshada.

Wasiirku waxuu tibaaxay heerka ay Somaliland ka gaadhay horumarinta Dimuqraadiyada & ammaanka xilli ay Somaliland ku taallo mandaqad halisi ku xeeran tahay, taasina buu yidhi wasiirku ay calaamad u tahay inaanu sii kordhino waxtarka aanu ka gaysano halkan.

Mr Christian ayaa hadalkiisa ku sheegay in hadda dawladda Denmark ay xafiis farsamo ka furanayso Somaliland, madaxweynahana ay ka wada hadleen sida loo sii wadayo maamul wanaaga & hagaajinta nolosha bulshada.

blankWeftigan uu hogaaminayo Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Denmark oo kulan aan saxaafadda loo ogolayn la yeeshay shir-guddoonka golaha Wakiillada ka hor kulankii madaxweynaha isla markaana ka kooban labaataneeyo xubnood oo ay ka mid yihiin Safiirka Denmark u fadhiya Xarunta Wadanka Kenya ee Nairobi, u qaybsamaha dawladaasi ee arrimaha afrika, Dublamaasiyiin iyo koox Suxufiyiin ah ayaa kormer booqasho ah ku tagay Saylada xoolaha ee caasimada Hargaysa iyo qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland ka hirgelinayaan.

SOMALILAND POST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories