HomeUjeeddada uu xambaarsan yahay Safar Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo ugu...

Ujeeddada uu xambaarsan yahay Safar Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo ugu baxeen Dalka Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa gelinkii dambe ee maanta safar shaqo ugu baxay dalka Itoobiya oo uu muddo dhowr maalmood ah ku sugnaan doono.

blankUjeeddada safarka Madaxweynaha waxa faahfaahin ka bixiyey afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu sheegay in safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay.

blankAfhayeenku waxa uu sheegay inuu madaxweynuhu muddada uu halkaas joogo kulamo la yeelan doono hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika oo magaalada Addis Ababa uu uga furmay shirka sannadlaha ah ee Ururka Midowga Afrika

Weftiga madaxweyaha waxa ka sii horeeyey oo muddo maalmo ah hawlo shaqo u joogay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa Wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

blankSidoo kale, waxa uu afhayeen Maxamuud Warsame sheegay in safarkan madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u joogay muddooyinkii u danbeeyey.

Safarka madaxweynaha oo ayaa qaadan doonaa muddo kooban waxaana ku wehelinaya wasiirada Horumarinta Beeraha, Axmed Muumin Seedi, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed, Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.

Socdaal Madaxweyne Biixi ugu baxay dalka Itoobiya, ayaa ku soo beegmaya xilli uu magaalada Addis Ababa ka socdo shirka Ururka Midowga Afrika oo ay ku sugan yihiin madaxda qaaradda Afrika oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

blankMadaxweyne Biixi ayaa la sheegay inuu marti-qaad rasmi ah ka helay Raysal-wasaaraha Ethiopia, Dr Abiy Ahmed balse Lama oga in socdaalkani wax xidhiidh ah la leeyahay dedaallo uu muddooyinkan ku hawlanaa Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo uu dhex-dhexaadin iyo wada-xaajood fool-ka-fool ah doonayo inuu ku wada hadashiiyo madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories