HomeUjeeddada Tabobar Hargeysa uga furmay Garsoorayaasha Cusub ee ka hawl-gala Maxkamadaha Ciidamada...

Ujeeddada Tabobar Hargeysa uga furmay Garsoorayaasha Cusub ee ka hawl-gala Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Tabobar uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta loo furay Garsooreyaal ka hawl-gala Maxkamadaha Ciidamada ee Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska UNSOM ee magaalada Hargeysa, tabobarkan ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa aqoonta ay garsoorayaasha Maxkamadaha u leeyihiin shuruucda ciidamada ee la xidhiidha Xuquuqda Aadamaha iyo Arrimaha Jinsiga.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Isu-duwaha Waaxda Xidhiidhinta ee Xafiiska UNSOM ee Hargeysa, Mustafe Kheyre, ayaa u qornaa sidan:-

blank
?

“Tababar loogu talo galay in ay shaqada kula qabsadaan garsoorayaasha cusub ee Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa, Somaliland, iyadoo muhiimadda la siinayo shuruucda ciidanka, xuquuqda aadamaha iyo arrimaha jinsiga.

Hadalkii furitaanka ee bilowga labada maalmood ee tababarka, madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa, Simon Strachan, wuxuu ku iftiimiyay muhimadda ay leedahay adkaynta ku-dhaqanka sharciga, iyo inuu garsoorku noqdo mid wax-ku’ool ah, lala xisaabtami karo oo daahfuran, kaas oo lama-huraan u ah dhawridda xuquuqda assaasiga ah iyo dimuquraadiyadda. Kadibna Agaasimaha Waaxda Hub-kadhigista, Abaabul-ka-saarka iyo Dib-u-jihaynta ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdillaahi Nuux Xasan ayaa uga mahad celiyey Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Maxkamadaha Ciidamada Somaliland.

Dhankiisa, Hormuudka Kulliyadda Sharciga ee Jamacadda Hargeysa, Prof. Maxamuud Xuseen Faarax wuxuu carabka ku adkeeyay mabda’a ah in dadka oo dhami u siman yihiin xuquuqda iyo waajibaadka sharciga hortiisa iyo bixinta adeeg garsoor oo madaxbannaan oo aan kala sooc lahayn sida ku xusan Dastuurka Somaliland.

Iyadoo ay garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyaasha maxkamadaha ciidamadu yihiin sarakiil isugu jira milatari iyo boolis leh sharciga khibrad iyo aqoon, tababarkan Qaramada Midoobay fududeynaysaa waa mid wax lagaga baranayo khibradda garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyayaasha sare ee maxkamadaha ciidamada qalabka sida ee la xidhiidha doorarkooda cusub iyo faahfaahinta shuruucda militariga, nidaamka iyo hanaanka, sida maareynta kiisaska iyo kaydinta diiwaanka. Sidoo kale, tababarkani wuxuu fursad u yahay garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyayaasha Burco iyo Hargeysa, isku-xidhnaanshahooda, khibrad-wadaaggooda iyo in ay ka doodaan sida loo wanaajiyo hanaanka garsoorka maxkamadaha.

blank
?

Maalinta labaad ee tababarka, khabiir ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa ayaa siin doona garsoorayaaasha iyo xeer-ilaaliyaasha tilmaamo la xidhiidha doorkooda adkaynta xuquuqda aadamaha iyo xaqa helitaanka maxkamad caddaalad ah. Intaa waxaa dheer La-taliyaha Booliska ee Qaramada Midoobay ee jooga Hargeysa wuxuu garsoorayaasha ku baraarujin doonaa ka-warhaynta arrimaha jinsiga marka ay go’aan ka gaadhayaan kiisaska horyaalla iyagoo diiradda saaraya aqoonsashada iyo wax ka qabashada fikradaha khaldan ee jinsiga ku salaysan. Ujeeddadu waa in la hubiyo in garsoorayaashu go’aamiyaan kiisaska iyagoo ku saleynaya mabda’a sinnaanta ee lagu xusay halbeegyada xuquuqda aadamaha ee caalamiga ah oo uu ku jiro Heshiiska Cidhibtirka Dhammaan Noocyada Takoorka ee ka Dhanka ah Haweenka.

Tababarkan ayaa ah kii ugu horreeyay tababaro taxane ah oo Qaramada Midoobay u qabanayso maxkamadaha ciidamada qalabka sida sannadkan. Qaramada Midoobay waxay kaloo dhiirrigelineysaa in dumarku ka mid noqdaan garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha maxkamadaha ciidamada qalabka sida.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska UNSOM ee Hargeysa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories