HomeUjeeddada Socdaallo Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda Somaliland Isaga Daba-tageen dalka...

Ujeeddada Socdaallo Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda Somaliland Isaga Daba-tageen dalka Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shalay gelinkii dambe socdaal ugu baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ka dib markii uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa.

Si rasmi ah looma shaacin ujeeddada Safarka Wasiir Waran-cadde, hase-yeeshee, sida ay ila-waraadyo laga helay tibaaxeen waxay ujeeddada safarkiisu la xidhiidhaa arrimo dhinaca nabadgelyada labada dal ah, ka dib markii ay laba toddobaad ka hor xurguf yari soo kala dhex gashay Itoobiya iyo Somaliland, inkasta oo ay markii dambe Somaliland raalli-gelin bixisay, Itoobiyana ay sheegeen inay ku qanacday.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa laba maalmood ka hor booqasho ku joogay magaalada Gabiley oo Toddobaadyo ka hor lagu qabtay Saraakiil oo ka tirsanaa Sirdoonka Itoobiya, isla markaana ku socday dhanka Itoobiya oo xadka labada dal ka gudbaayay, kuwaasoo sida dawladda Itoobiya ku dacwootay laga qaaday macluumaad sir ahaa oo ay wateen.

Cali Waran-cadde
Cali Waran-cadde

Arrintaa ayaa xiisad ka dhex-dhalisay labada dal, iyadoo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland uu Jimcihii inna dhaafay ka soo laabtay safar uu ku tegay Addis Ababa oo la xidhiidhay arrintaas. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isaguna weydaartay Madaxweyne Ku-xigeenka isla maalintaas oo la sheegay in socdaalkiisu la xidhiidhay arrintaas kor ku xusan.

Booqashada uu Cali Warancade ku joogay Gabiley, ayaa iyana ahayd mid xaqiiqo raadin ah oo arrintaas dabada ku haysa, iyadoo tagidaankiisa uu shalay ugu baxay Itoobiya uu noqonayo mid tafaasiil dheeraad ah uu ka siinayo dalka Itoobiya dhacdadaas, siday u dhacday iyo tallaabada ay dawladda Somaliland ka qaadday ciddii fulisay oo hore Xabsiga loogu taxaabay, sida ay xaqiijiyeen ila-wareedyada Wargeyska Himilo ka helay tibaaxda ujeeddada safarka Wasiir Waran-cadde.

 

SOMALILANDPOST.NET

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories