HomeUjeeddada Socdaal Wefti Miisaan Culus oo Uu Hogaamiyey Ugaaska Beesha Sacad Muuse...

Ujeeddada Socdaal Wefti Miisaan Culus oo Uu Hogaamiyey Ugaaska Beesha Sacad Muuse Ku gaadheen tuulada Agabbar iyo Soo-dhaweyn Diirran oo Lagu Qaabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Agabar (SLpost)- Wefti miisaan culus oo uu hogaaminayey Ugaaska Beesha Sacad Muuse oo ay wehelinayaan guddida qabanqaabada shirka Beesha Sacad Muuse ee Hoodaale ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey tuulada Agabar ee loo qorsheeyey inuu ka qabsoomo shirku oo 40 KM dhinaca Woqooyi ka xigta Magaalada Hargeysa.

odayashaWeftigan uu hogaaminayo Ugaaska Beesha Sacad Muuse, Ibraahim Axmed Jilba-dhige oo ay wehelinayeen Culimo,Wax-garad, Xildhibaano,Odayaal iyo masuuliyiin kale  ayaa markii ay halkaasi gaadheen ayaa odayaasha deegaanka Agabar u galbiyeen goobta ay u diyaariyeen inuu shirkaasi ka qabsoomo oo ah barxada bannaan ee Dugsiga Hoose/Dhexe ee Agabar, iyaga oo Weftiga ku qaabilay soo dhaweyntii ugu sareysay iyo casuumad qado-sharaf ah.

Weftigan oo ay u-jeedadiisu ahayd inay ka hawlgalaan u diyaarinta  madasha shirka Hoodaale ku qabsoomayo, kadib markii lagu guuleystay xalinta khilaafkii shirka Beesha Sacad Muuse ku xeernaa, kadib markii todobaadkan dhameeyeen odayaal waayeel ah oo uu u saarey Suldaanka guud beesha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan.

Oday Cabdi Cumar oo ka mid ah Odayaasha deegaankaasi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey weftiga, isaga oo uga mahad-celiyey imaanshiyahooda, waxaanu yidhi “Waxaanu aad iyo aad ugu mahad-naqaynaa markii hore-ba cidda uu ILAAHAY ku ilhaamiyay qabashada shirkan.Marka labaad waxaan u  mahad-naqaynaa Wefdigan uu Ugaasku Hogaaminayo ee maanta (Shalay) noo yimid si niyad leh oo qiimo leh ayaanu ugu mahad naqaynaa hadaanu nahay dadka ku nool degmada Agabar annaga oo dhan oo gacmaha is-heysana.”

“ILAAHAY-na waxaanu ka baryeynaa in sidaasi si le’eg uu shirku noogu dhammaado”.Ayuu yidhi Oday Cumar

 Ugaaska beesha Sacad Muuse Ugaas Ibraahim Axmed Jilba-dhige,isla markaana ah,guddoomiyaha guddida qaban-qaabada iyo sahanka ayaa isaguna si wayn ugu mahadnaqay soo dhawayntii odayaasha deegaanku u sammeeyeen iyo diyaarintii goobta uu shirku ka qabsoomi doono,“Agabar baan joognaa,anigoo ah Ugaaska Beesha Sacad Muuse, waa nala soo dhaweeyey oo waa nalaga hor-yimid oo si fiican baa naloo soo dhaweeyey.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Sida ay idiin sheegeen Cuqaashu si fiican baa naloo qaabilay Wefdigayagii.Waxaanay noo sheegeen in hawshii aan u soconay iyo hawshiiba ay sii dhammeeyeen.Waanay na soo tuseen waananu la qaadanay. Waxaanay balanqaadeen in wixii dambe ee loo baahdo ay sii dhammeyn doonaan.Sidaas darteed, hawshoodii waa ka soo baxeen aad iyo aad baanan ugu mahad-naqayaa”

Siyaasiga Axmed Cali Dable oo ka mid ahaa guddida sahanka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu uga mahad-celiyey odayaasha deegaanka sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa dadwaynaha reer Agabar,Waxaanu ka dareenay reer Agabar  dad u heelan shirweynaha Sacad Muuse oo Jecel inuu reerkoodu tashado aad iyo aad baan ugu mahad-naqayaa,”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxay na geeyeen goobtii ay ugu tallo-galeen Shirweynahaasi in uu ka qabsoomo oo aad moodaysay in ay hore-ba u sii sahamiyeen oo ay horeba uga sii shaqeeyeen, annaguna waanu ku qanacnay. Waana goob strategy ah oo ku haboon in shirkaasi lagu qabto.”

“Mar labaad ayaan uga mahad-celinayaa sida ay heeganka ugu yihiin dhammaantood”.Ayuu yidhi Axmed Cali Dable.

Maxamed Ciise Toyoote oo isugna halkaasi ka hadlay ayaa waxa  uusheegay in Odayaasha deegaanka Agabar ay si balaadhan uga hawl-galeen u diyaar-garawga hawsha Shirkaasi iyo waliba meesha wanaagsan ee ay  u diyaariyeen in shirkaasi uu ka qabsoomo, “Meesha ay noo sahamiyeen ee ay noo qorsheyeen in ay inala socdeen oo ay inala ogaayeenbaad moodaa.Waa meel ay 28 Qol ka samaysan yihiin. laba qol oo xagaa beriga xiga waxaabad moodaa meel loogu sii talo galay kijinkii. Waar meesha waxaabad moodaa meel la inagu sii tallogalay”

Shirkan Hoodaale ee ay qabsanayaan Beesha badhtamaha, Woqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa oo qaban-qaabadiisu muddooyinkii u dambaysay ay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka socotay oo si weyn looga dareemayey ayaa la qorsheeyay in 24-ka Bishan lagu qabto tuulada Agabar.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories