HomeUjeeddada Socdaal Wasiirrada Arrimaha debedda iyo Waxbarashadu Maanta ugu Kicitimeen Dalka Masar

Ujeeddada Socdaal Wasiirrada Arrimaha debedda iyo Waxbarashadu Maanta ugu Kicitimeen Dalka Masar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost)-Wasiirrada Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay dalalka Masar,Ingiriiska iyo Jabuuti, sida uu caawa baahiyay Telefishanka SLNTV.

Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka caalamiga ah Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxay kulan kula Yeelan doonaan as’uuliyiinta sar sare ee wadankaas,Sheekha Jaamacada Al Azhar, Madaxda Jaamacada Carabta iyo Mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiirka hawlaha guud ee dalka Masar.

Wasiirka arrimaha dibadu waxay Madaxdaas kala duwan ka wada xaajoon doonaan sidii labada wadan iskaashi iyo wax-wada qabsi joogto ah u yeelan lahaayeen, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha isla markaana ay u yeelan lahaayeen cilaaqaad ka balaadhan kii hore uga dhaxeeyay.

maxamed biixi

Dhinaca Jaamacada Carabta ayaa warku sheegayaa in Weftiga Somaliland iyo Ururka Jaamacada Carabtu ay ka wada hadli doonaan sidii loo furi lahaa bog cusub oo u bilaabma Jaamacada Carabta iyo Somaliland iyo hanaankii ay Somaliland uga mid noqon lahayd Ururka Jaamacada Carabta.

Mudada ay Weftigu joogaan dalka Masar waxaa kale oo ay la Kulmi doonaan hay’ada Masar u qaabilsan Maalgashiga Caalamiga ah, halkaas oo la filayo inay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo la Xidhiidha Sidii ay Jamhuuriyada Somaliland ay kaalmo dhinaca horumarinta ah uga heli lahayd hay’ada Maalgashiga ee dalka Masar.
Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibadu waxay markaas kadib u Kicitimi doonaan dalka Ingiriiska iyagoo magaalada London kulan kula yeelan doona Wasiirka arrimaha dibada ee Uk William Hague iyagoo isla eegi doona sii xoojinta xidhiidhka dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada dal, Wada hadalada Somaliland iyo Somalia iyo Qodobo kale oo Muhiim ah.

Weftigan ayaa Socdaalkooda ku soo gabo gabayn doona dalka Jamhuuriyada Jabuuti oo ay isna ku kulmi doonaan Madaxda Sare ee dalkas.

Somalilandpost.net

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories